Tuesday, November 23, 2010

Xiisad Colaadeed oo Ka dhex Alloosan Labada Kuuriya.

CHINA(burcotoday))- Xiisad colaadeed ayaa lagu soo waramaya iney ka dhex taagantahay labada dal ee kala ah kuuriyada koonfureed iyo jamhuuriyada dimuqraadiga dadka kuuriyada (DPRK,s) xiisadani ayaa bilaabmatey kadib markii kuuriyada waqooyi ay ku garaacdey qoryaha artileryga ah jasiirada Yeonpyeong oo u ku taala xadka labada dal ,waxaana lagu soo waramay iney halkaas ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada kuuriyada koonfureed halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen .
saraakiisha kuuriyada koonfureeda yaa ku tilmaamey in aan la aqbali karin weerarka gardarada ah ee ay ku daandaansaneyso kuuriyada waqooyi ,waxaaney kuuriyada koonfureed ay ugu yeedheen weerarkani inuu ahaa mid ka baxsan bini’aadam nimada isla markaasna aan la dhayalsan karin .
wakaalada wararka ee shiinaha xinhua oo aanu kasoo xiganey warkan ayaa sheegeysa iney wareysi dhanka telephoneka ah ay kula yeesheen wasiirka difaaca kuriyada waqooyi oo sheegaya inaanu waxba ka ogeyn weerarka dhacay saaka aroornimadii.
wararkale ayaa sheegaya iney kuuriyada waqooyi ka shakidey ka dib markii ciidan farabadan oo gaadhaya 70,000 oo askari oo kuuriyada koonfureed leedahay ay carbis ku sameeyeen meel u dhow xadka labada dal .waxana lagu soo waramaya in kuuriyada waqooyi warqad ay u dirtey kuriyada koonfureed oo ay kaga dalbaneyso iney sharaxaad ka bixiso ujeedada ay ciidamadoodu ugu sameynaya carbiska xadka labada dal.
madaxweynaha kuuriyada koonfureed ayaa mar uu hadley sheegey inu uu ka codsanaayo kuuriyada waqooyi iney joojiyaan hubka sida roobka ugu so hoobanaaya jasiirada Yeonpyeong hadii kale ay iyaguna ka jawaabi doonaan.

dhanka kale wadanka shiinaha oo xidhiidh fiican la leh labadan dalba ayaa afhayeen u hadley wasaarada arimaha dibada ee shiinaha ay ku wargeliyeen iney labada kuuriyadood ay joojiyaan colaada isla markaasna ka fikiraan danaha iyo xasilooniada gobolka islamarkaasna aan la sameyn wax sharcidaro ah.


0 comments:

Post a Comment