Tuesday, November 9, 2010

Mid nacasa oo ka tirsanMaamulka Puntland oo Ciidamada Qaranka Somaliland Ku Eedeyey In Ay Garab Siinayeen Maleeshinyo Uu Dagaal Ku dhex Maray Bariga Gololka Sanaag Kuwaas Oo Gacansaar La leh Kooxda Al Shabaab

Garoowe (burcotoday)- Wasiirka Wasaaarada Xanaanda Xoolaha ee Dawlada Gobleeka Puntiland Saciid Xasan Shire  ayaa Dawlada Somaliland ku eedeeye in ay Ciidamadeeda Qaranku ka qayb galeen Dagaal Puntiland iyo kooxo uu hogaamiyo Sheekh Maxmed Saciid Atom ku dhexmaray deegaanka bariga gobolka Sanaag ee Galgala.


Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Puntland Md.Saciid Xasan Shire ayaa waxa uu eedayntaas ka sheegay shir’jaraaid oo u maanta ku qabtay magaalada Garoowe waxana uu Wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa  “ ka dib markii aanu baadhitaan badan samanay waxa xaqiiq noqotay in ay dagaalkaas ka qayb qaateen ciidamo ka mida kuwa Somaliland oo ay qaarna  kaga dhinteen, waxa ay ciidamadaasi ahaayeen 70 nin oo ku qornaa deegaanka buurta” sidaana wax yidhi wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Saciid Xasan Shire.
Waxa kale oo uu Wasiirku waxa uu Meesha ka saaray in dalalka ka dacay deegaanka Glagala in uu wax xidhiidh la leeyahay  dagaalo hore oo dhex maray dadka deegaanka Bariga Sanaag iyo Dawlada Puntland, isga oo arintaas ka hadlayan waxa uu sheegay sidan “ma jiro wax damaca oo dawlada Puntiland ah oo la xidhiidha Macadnta deegaankaas , meesha waxa qabsaday niman Shabaab la yidhaa maamulna  ka sameeyey  markaas wax meesha ka dagaalmay Ciidama Puntland oo shacabka matala, weyn jireen dagaallo hore oo macata deegankaas la xidhiidha laakiin hada wax shaqo ah arintaas kuma laha dagaalkan”

Wax kale oo uu Wasiirka eedayn xoogan u soo jeediyey Dawlada Somaliland oo uu sheegay in ay doonayso in ay curyaamiso Dakada Boosaaso isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu iyidhi sidan “ Dawlada somaliland iyada oo doonaysa in ay alaabada u xidho Dakada Boosaaso oo wax uu qorshahoodu yahay in ay taageerto cidksata oo ka oo ka soo hor  jeeda Maamulaka  Puntland”
Wax kale oo uu Wasiirka Xanaanda Xoolaha Puntland dib u cusboomaysiiyey hadal ka oo yeedhay Madxweyne ku Xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ahaa in qaar ka mida ciidankii iyo saraakiixii maleeshiyadii uu Hogaaminayey Sheekh Atom ay firxadkoodii ka galeen deegaano ka mida Somaliland.

0 comments:

Post a Comment