Monday, November 8, 2010

Ciidamadda Booliiska oo garaacay xabsigana u taxaabay maanta wariyayaal war ka qaadanayay Mudaaraad ay sameeyeen Ardayda Caafimaadka ee Dugsiga Kal-kaaliyayaasha‏

HARGEYSA(burcotoday)- Ciidamo badan oo Booliis ah oo ka hortagayay Mudaharaad ay maanta ku sameeyeen Ardayda wax ka dhigata Dugsiga Kal-kaaliyayaasha Caafimaadka ee Hargeysa ayaa garaacay oo xabsiga u taxaabay wariyayaal badan oo goobtaa u tagay inay war u doontaan, si ay bulshada ugu bandhigaan. Wariyayaashan oo markaas uun isku dayay inay sawiro ka qaataan Ardayda Mudaharaadaysay oo ay Booliisku six un u garaacayaan iyagoo u adeegsanayay Rasaas ayay iyagiiku soo qamaameen Askartii intay ka soo jeedsadeen Ardaydii waxaanay garaaceen iyagii iyo Qalabkoodiiba kadibna waxay ku qaateen Baabuurtoodii iyagoo intii ay sii wadeena ku dul garaacayay.
Wariyaasha ay Ciidamadu garaaceen ee ay xidheena waxa ka mid ahaa:- wariye Nimcaan oo ka tirsan “Horn Cable Tv”, Xasan Aadan Qalinle oo ka tirsan “SSCh”, wariyayaalka socday Telafishanka Qaranka, wariye Saddam Maxmed oo ka tirsan Website ka Oodweynenews iyo waiyayaal kale oo aanay markaa si wanaagsan Ishu u qabanayn Buuq awgii balse ciidanku ku dul ururiyeen gaadiidkooda
iyo Ardaydii Caafimaadkaba inta ay meel isugu geeyeen ayay Saldiga dhexe u taxaabeen ilaa hadana lama garanayo wax ay ka yeeleen iyadoo ay adkayd wakhtigaasi inaad cid waraysato Booliiska oo badnaa awgeed islamarkaana cida ay arkaan inay wariye tahay si xoog ah isha ugu gubayay taasoo u muuqatay in lagu soo balamiyay ka hortagooda
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo isla shalay uun Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Cukuse wariyayaal ku fara saaray Madaxweynaha hortiisa markii uu ka soo laabtay Jabuuti ee lagaga hortagay Madaarka si loo soo dhaweeyo sidaas oo kalena markii Guriga Madaxweynaha la tagay uu six un ula dhaqmay wariyayaal kale.

Xigasho Waaheen

0 comments:

Post a Comment