Monday, November 8, 2010

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo Guullo Ka Sheegtay Dagaalkii Xallay Ay La Galeen Kooxaha Kasoo Hor Jeeda

MUQDISHO(burcotoday)-Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii xalay ay lagaleen xoogaga hubaysan ee ka soo horkeeda ee ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.


Kadib markii dagaalo u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda ay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banadir, ayaa dagaaladaasi waxaa guulo ka sheegtay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Dhame C/qaadir Xuseen oo ah Afhayeenka ciidamada aaga degmada Hodan ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday fadhiisimo ay ku lahaayeen ciidamada Dowladda wadada Dabka iyo Shaqalaaha, waxaana uu tilmaamay in ay iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday islamarkaana uu sheegay in ay iminka ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Afhayeenka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka dileen xoogagii weerarka ku soo qaaday labo askari, hase ahaatee waxaa uu tibaaxay in xagooda uu san kasoo gaadhin dagaalkaa wax qasaare ah, sida uu hadalka u dhigay.
Dhame C/qaadir Xuseen waxaa uu intaa ku daray in dagaalada ay sii wadayaan ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan goobaha ka maqan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo haatan ay ka taliyaan dhinacyada kasoo horjeeda dowladda KMG isagoo carabka ku dhuftay in ay goor dhow ay bilaabayaan dagaalo ka dhan ah xoogaga kasoo horjeeda, sida uu tilmaamay.
Marka laga soo tago guulaha ay ka sheegteen dagaalkaasi saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, marjiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinacyadii xalay weerarka ku qaaday fadhiisimaha ciidamada dowladda ay ku lahaayeen qeybo ka mida ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxana iminka degan dhamaan goobihii xalay ay ku dagaalameen dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho.

0 comments:

Post a Comment