Thursday, November 11, 2010

Warsaxaafadeed Xisbiga UCID ka soo saaray kulan ay la yeesheen Ergayga Jimciyadda Quruumaha u dhaxaysa ee u qaabilsan Somalia iyo Somaliland

 

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
___________________________________

Date, November 11, 2010


Warsaxaafadeed Xisbiga UCID ka soo saaray kulan ay la yeesheen
Ergayga Jimciyadda Quruumaha u dhaxaysa ee u qaabilsan Somalia iyo Somaliland

Xisbiga UCID kulan ay la yeesheen Ambassador Mehiga maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2010 kulankaas oo uu Hogaaminayeey ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID isla markaana ah Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Md Aadan M Mire Waqaf waxaana wehlinayeey Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Md Axmed Xuseen Fagfagaash iyo Xoghayha Guud Md Muuse Xaaji Maxamed Guuled (Muuse Inji) oo ay kula yeesheen huteelka Ambassador waxay ka soo saareen Qodobada soo socda oo ay kala hadleen.

  1. Gooni Isutaaga Somaliland:-

Ergeyga wuxu Xisbigu u cadeeyay in Somaliland ay tahay wax muqadas ah oo aan gorgortan lahayn, waxaan ku adkeynay in habka Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysaa ay ula macaamisho Somaliland ay wax ka badasho iyagoo ixtiraamaya aftidii daweynaha Somaliland ay ugu codeeyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan (%97) gooni isku taagooda iyo la soo noqoshada xoriyadoodi.

Waxa Xisbigu u sheegay Mr Mehiga in Xisbi ahaan iyo ummad ahaan aanay u dulqaadan doonin in la simo ummad wax qabsatay, aayahoodina ka tashaday iyo meel aan waxba ka jirin oo labaatan sano la dhoodhoobayey.

Waxa uu Mr Mehiga noo cadeeyey inaanu u socon qadiyada mideynaysa Somaliland iyo Somaaliya balse halkaas ka sheegay in kor loo qaadayo shaqada xafiiska UN-ta, waxna ka qabanayaan horumarka iyo dhismaha Somaliland.

  1. Qaxootiga:-

Waxaa kale oo aan kala hadalnay in dadka ka soo qaxay Soomalia oo iyagu ay u yaqaanaan Barakacayaal yimid dalkoodi (IDP’s) aanay ahayn arrin daw ku ah Somaliland, noolana mid yihiin Qaxootiga ka yimaada dalalka dariska aan nahay. Arrintaasina culeys weyn ayay ku haysa dhinaca dhaqaalaha, caafimaadka, shaqooyinka iyo nabadgelyada.
Sidaa daraadeedna waa inay UN-tu u aqoonsato qaxooti oo la diiwaangeliyo si aan u sugno tirada mar kasta nala joogto iyo ilaalinta xoqooqdooda qaxoontinimo. Waxaanu Mr Mehiiga balan qaaday in arrintaas kala hadli doono UNHCR sidii wax looga qaban lahaa.

Xisbiga UCID wuxuu cadayn ka rabaa Xukuumadda Somaliland sifaha uu ku joogo Cismaan Jamac Cali (Kaluun), oo ah nin si weyn ugu ololeeya midnimada Somaliweyn kana soo horjeeda gooni isu taageena oo ilaa hadda, aan cadayn in uu ka tanaasulay iyo waxa iska bedelay xeerkii loogu talagalay dadka u dhashay Somaliland, ee xilalka ka soo qabtay xukuumadaha Somalia ee ka soo horjeeda gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.


Alla Mahad Leh


Muuse Xaaji Maxamed Guuleed
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
Yasmin Raygal
Secretary of UCID Party
Cell Phone  00252-2-4427304
Office Phone 00252-2-524326
Hargeisa- Somaliland

0 comments:

Post a Comment