Sunday, November 14, 2010

Maxkamada Ciidamada Darajada 1-aad Ee Somaliland Oo Xukun Ku Riday Qaar Ka Mida Ciidankii Lagu Qab-qabtay Jabahada OLNF, Iyo Xuno Kale

Boorama (burcotoday)Maxkamada Ciidamada darajada 1aad ee Gobolada Galbeedka Somaliland,  ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday xubo ka mida jabhada OLNF iyo darwaliin tii qaaday, dalmariyayaashii, dilaaliintii u sahlay OLNF in ay dhexmaraan Gudaha Somaliland.

Maxakamda Ciidamda ayaa waxa ay go’aanda deedan kaga dhawaaqday fadhi ay manta ku lahay Magaalda Borama waxa uu xukunka Maxakada Ciidamdau u dhacay sidan;

Maxakamda Ciidamda Ee Darajda 1-aad waxa xukun 10 sano ah ku riday:-

1-   Cabdi Xaashi Macalin

2-    CadiWali Nuux Yuusuf

 

Labadaas Xubnood oo ka tirsanaa Jabhadii ONLF, Iyada oo Maxakamadu u cuskatay Qodobka 221-aad ee xeerka ciqaabta Guud  oo lala akhriyo qodobka  39-aad ee xeerka Ciqaabta Guud.

 

Waxa kale oo ay Maxakada xabsi kala  duwan oo u dhaxeeya 16 sano ilaa 5 bilood ku xukuntay Dirawaliintii, dalmaryayaashii iyo dalaaliintii oo kale ah:-

1-    Wade, Maxmed Yuusuf Odawaa Haleel  Abaabule Maqane,  waxa ay Maxakamadu ku xukuntay 16 sano oo xabdi maleesho ah kaas oo lagu fulindoono marka la qabto.

2-    Wade baaduur. Cabdirisaq Ibraahim Faaxar  Shiine  waxay Maxakadu ku xukunatayu 7 sano oo xabsi Milatari ah iyo 2 millyan oo S/land shillin ah.

3-    Wade baabuur iliyaas Intifaac Xirsi    waxa ay Maxkamadu ku xukuntray 7 sano oo xadhiga milatari ah iyo Ganaax dhsn 1 milyan oo S/shilig ah.

4-    Dalmariye. Cabdi Habane Meecaad    waxa lagu Xukumay  4 sano xabsi milatari.

5-    Damariye. Daahir muxumed Guuleed    waxa lagu xumuay 5sano oo xabsi milatari ah.

6-    Abshir jaamac Riiraash waxa lagu xukamay xabsi 6 bilood oo shuruud ah.

7-    Shabcaan Xasan Ducaale waxa lagu Xumay 6 bilood oo shurood ah.

 

Xumudaa waxa ay maxakamdu u cuskatay qodobada 231.237,292,298, ee xeerka ciqaabat Guud.

Sidoo kalena wax ay Maxamda Ciidamada ee darajada 1aad mid kiiba ku Xukunatay 10 milayan oo S/land  shilling ah,  gadiidkii lagu qaaday jabada ONLF, kuwaas oo lambardoodu kala yihiin, Somaliland 30523, Somaliland 25250, Somaliland  3563.

Lacagat Gnaaxa ah wax lagu shubayaa 70% qasnada cashuurah bariga halka ina soohadhayna lagu dayac tirayo gaadiidka garsoorka.

0 comments:

Post a Comment