Sunday, November 7, 2010

Foojerigii Ugu Layaabka Badnaa Aduunka Kadib Markii Nin Dhalinyaro Ah uu Kusoo Raacay Diyaarad Canada Ay Leedahay Isagoo Iska Soo Dhigay Odey Gaboobay

CANADA(burcotoday)- Booliska dalka Canada ayaa baadhitaano badan ku wada nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalalka Asia oo kusoo fuulay diyaarad ku socotay dalka canaada isagoo iska soo dhigay Nin Odey ah oo cadaan ah kadib markii uu soo xidhay waji uu sameeyey oo ah nin aad u weyn,

Booliska dalka Canada ayaa u sheegay CNN-ta in arintaasi dhacday 29 Oktober iyadoo ninkaa dhalinyarada ah uu soo raacay diyaarad laga leeyahay dalka Canada kadib markii uu ku guuleystay inuu si xariifnimo ah ku soo dhaafo illaalaadii iyo kooxihii Airport-ka Hong Kong oo diyaaradaasi ka soo duushay,
Diyaaradan oo kasoo degtay magaalada Vancouver ayaa ninkaa dhalinyarada ah waxaa qabtay kooxaha Amaanka ee garoonka Vancouver kadib markii ay ka shakiyeen degenaansho la,aan ka muuqatay ninkaa, Booliska ayaa markii ay qabteen ayuu ninkaasi isku dayey inuu dafiro inuu iska soo dhigay Odey-gaa iyadoo laga helay diyaarada Suuligeeda Qalab kii uu gashanaa,


Ninkan dhalinyarada ah ayaa markii danbe qirtay inuu Odey-gaa iska soo dhigay isagoo weydiistay dalka Canada Nabad galyo iyo inay Qaabilaan, Ninkan Dhalinyarada ah oo dhowr iyo labaatan jir ah ayaa kusoo fuulay diyaaradaa Baasaboorka ninka Odeyga ah ee uu isu soo Ekeysiiyey iyadoo aanay jirin cid garatay Isagoo xidhnaa qalab dhan oo Balaastic ah oo uu soo gashtay Wajiga ilaa laabta iyo gacmaha, Ninkaa ayaa fashilmay maarkii uu Iska soo saaray Wajigaa uu gashanaa isla maarkaana uu kasoo degey isagoo dhalinyaro ah diyaaradii uu soo Raacay isagoo Odey ah, Booliska ayaa ninkaa illaa iminka haya iyagoo baadhayaa Arintiisa,




0 comments:

Post a Comment