Sunday, November 7, 2010

Weftigii Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay + Xog-waranka Madaxweynaha

Hargeysa (burcotoday)- Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii ay u soo dhammaaday safar shaqo oo ay ku tegeen dalka Jabuuti.

Weftiga Madaxweynaha oo abbaaro 2.30 ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, isla markaana halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey, ayaa madaxweynuhu waxa uu warbaahinta ugu waramay qolka nasashada ee madaarka, isaga oo madaxweynuhu sheegay in waddanka Jabuuti loogu soo dhaweeyey si aad cajiib u ah oo aan hore loo arag, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu u mahad-celiyey Madaxweynaha Jabuuti oo qaabillaad aad u saraysa u sameeyey.

“Safarkaas aanu ku tagnay dalka Jabuuti ma noqonayo kii dambeeyey ee aanu u baxno, hasayeeshee waxa aanu si dhaqso ah ugu amba-bixi doonaa safaro kale, oo aanu ku sii xoojin doono xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland, dalalka Jaarka ah iyo kuwa caalamkaba.” Ayuu yidhi Madaxweyne Silaanyo.

Waxa kale oo Madaxweynuhu tibaaxay in Jamhuuriyada Somaliland ay mar kasta u heelan tahay sidii u hanan lahayd aqoonsi caalami ah, isla markaana waxa uu tibaaxay in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgelin doono xafiisyo diblamaasiyadeed oo Somaliland iyo Jabuuti is-dhaafsanayaan.

0 comments:

Post a Comment