Tuesday, November 23, 2010

Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Ra’iisul wasaaraha DKMG Ee Soomaaliya

Muqdisho(OWN)-  Ra’iisul wasaaraha DKMG ee  Soomaaliya Maamed Cabdullaahi Max’ed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo dhameeyo xiisado u dhaxeeya labo beelood oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.
Waxaanuu u qornaa  Warsaxaafadeedkaasi sidan:—
Talaado, 23.11.2010——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu sheegay inay soo gaareen dagaalo beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah dalka sida gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, sidaasi daraadeed wuxuu caddeeyay isagoo tixraacaya baaqyadiisii hore ee nabadeed in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo ayna iska xil saaraan Maamul goboleedyada, Oday dhaqameedyada, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada inay sidii horeba ay caadada u lahaayeen kala dhex galaan dadkaasi walaalaha ah oo ay baajiyaan dhiiga macna darida u daadanaya.
‘Waxaan tacsi u dirayaa ehellada intii ku geeriyootay dagaaladaas waxaana intii dhaawacantay u rajeynayaa inuu Alle caafimaad siiyo’ ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo sheegay in dagaal inuu wiil ku dhinta ma ahane inaan wiil ku dhalan sidii horayba loo yiri.
Maanta marxaladda dalkeenu uu marayo waxaa loo baahan yahay nabad iyo midnimo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka heysta oo ay ka mid tahay dagaalada ay hurinayaan mucaaridka.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay warar ka soo gaaraya gobolada dalka kuna saabsan abaaro xoogan oo ka jira ayuu u jeediyay shacbiga inay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada abaaraha ee dadka iyo duunyaba saameysay wuxuuna Alle ka baryay inuu ka dul qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamkana u jeediyay baaq inay gacan ka siiyaan ummadda sidii ay uga gudbi laheyd abaartaasi.

0 comments:

Post a Comment