Friday, December 31, 2010

Maxamed ‘Ictiraaf’ Oo Dhulmarkiisii u Horeyey ka Bilabay Wadanka Germany iyo Soo Dhawayntii U Balaadhnayd Ee Uu Kala Kulmay‏

Germany(BCT) 1/1/2011 Maxamed ictiraaf oo socdaal ku maraya waqooyiga yurub Ayaa  Haatan ku sugan dalka Germany isaga oo  caawa ka soo Degay Goranka Calamiga ee  Berlin, Halkaas oo ku soo dhaweyeen  Jaaliyadda Somaliland ee  wadanka germany taas oo ahayd soo dhawyntii u balaadhneyd Ee u kula kulmo wadanka germany , halkaas oo ku sugnayeen aqoon yahano reer somaliland iyo wax garad kale oo fara badan ,
 

Mar aan khadka Ku waraysanay Maxamed Ictiraaf ayaa waxa uu noo sheegay inuu ku faraxsan yahay safarka u ku marayo wadamada waqooyiga yurub isaga oo  ka bilaabaya safarkiisii dhulka ee u ku tagayo wadanka Maraykanka iyo Canada oo uu ku mari doono Gaadhi   isaga oo ku soo jeeda wadankiisii hooyo ee somaliland indhaha caalamkana ku soo jeedin dono sidii loogu heli lahaa Aqoonsi  .Waxana  uu  Dhawaan ka bilaabi doono wadanka Germanay kaas oo uu taagero buuxda ka helay aqoon yahanadii u ku soo maray wadamada   Norway Finland iyo Germany  .Uk ,

Maxamed ictiraaf oo sanadkan cusub  u Rajaynayo in la aqoonsado somaliland ayaa shegay in uu Baaq u Diray Madaxwaynha iyo Xukumada Somaliland iyo Saxafada Madax Banan iyo Kuwa Dawlada in Ay si Toosa u Gudbiyaan Safar Kan Dheer ee ku kala bixinayo Qaradaha Aduunka si Loo Helo Aqoonsiga Soomaliland ,lana war galiyo dhamaan safaradaha iyo Gudoomiyayahsha Somaliland si uu Socodkan Dheeri Noqdo Mid Mira Dhala. waxa kale oo uu Mahad Naq u  Diray Dhamaan Cidii ka Qayb Qatay Hawshan Iyo Dhamaan Umada Soomaliland iyo Xukumada Somaliland.

Maxamed Ictiraaf Ayaa Gabagabadii waxa uu Hanbalyo u diray Sanadkan Cusub Dhamaan Shacabka Somaliland oo Dhan Dal Iyo Dibadba Inta Ku Sugan.

 

Hargeysa: 85 Arday Oo Ka Qalin-jebiyey Machadka barashada culuumta caafimaadka Ee SHIFA + SAWIRO

Hargeysa (BURCOTODAY)- 85 arday oo ka qalin jebiyey machadka barashada culuumta caafimaadka SHIFA ee magaalada Hargeysa, ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Xafladan ardayda lagu gudoonsiiyey shahaadooyinka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, maamulka iyo macalimiinta SHIFA, Dhakhaatiir Salaadiin, aqoonyahan iyo marti sharef tiro badan.

Maamulaha SHIFA Health Training School Cali Axmed Cali oo uu ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga hadlay geedi socodka waxbarasho ee dugsiga soo maray tan iyo wakhtigii la aasaasay oo ku beegnayd horaantii 1999-kii.

“dufcada maanta qalinjabinaysaa waa dufcadii 8-aad ee dhamaystay waxbarashadii dugsigan ay ka baranayeen, waxaanay isugu jiraan 65 arday oo bartay kalkaaliyenimada iyo 20 bartay shaybaadhka.” Ayuu yidhi maamule Cali Axmed Cali.

Maamuluhu waxa uu sheegay in waxbarashada Schoolku aad u wanaagsan tahay, isla markaana ay mar kasta u hawlgalaan sidii ay u suurto galin lahaayeen waxbarasho caafimaad oo tayo leh, isagoo xusay inay wada shaqayn fiican leeyihiin wasaarada caafimaadka iyo xaruumaha kale oo ee lagu fidiyo adeegyada caafimaadka, isagoo tusaale u soo qaatay Manhal Hospital oo uu sheegay inuu xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah ka dhexeeyo.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isna madashaa hadal ka jeediyey, ayaa si weyn ugu amaanay machadka SHIFA waxbarashada caafimaad ee uu bixiyo. “School-kani waxa uu ambaaray inuu dadka waxbaranaya u diyaariyo qalabkii wax ku baran lahaayeen”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas raaciyey oo uu yidhi “waxa aan halkan ka balanqaadayaa inan marka aan dibedaha tago idinku soo xidho Schoolada sidiina oo kale caafimaadka laga barto.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyey shicib iyo dawladba in la sameeyo goobo caafimaad oo waa weyn si looga baxo baahiyaha caafimaad ee dibeda loogu tagayo ee lacagaha badani ku baxayaan.

Suldaan Xasan Barre oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa isna si weyn u bogaadiyey ardayda qalinjabisay iyo macalimiintii dadaalka weyn ku bixisay waxbarista ardayda, isla markaana waxa uu tibaaxay kaalin weyn kaga jiro kobcinta iyo horumarin culuunta caafimaadka.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Dr Cabdishakuur Sh Cali Jawhar, Pro Cadaad, Dr Shiine, Saleebaan Raamboo iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo dhamaantood hoosta ka calaamadiyey mihiimada wax ku ool ka ah ee ay leedahay barashada caafimadku, isla markaana waxa ay ardayda ku booriyeen inay aqoontooda dhinaca caafimaadka sii kordhiyaan oo aanay halkaas ku joojin, iyagoo maamulka machadka SHIFA-na uga mahadceliyey dadaalka  ay u galeen taabo galinta waxbarashada caafimaadka.

Dr. Shiine
Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar
Dr. Saleebaan Ramboo
Digtoorisa Jinow

Afar Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Meel U Dhaw Magaalada Balli-gubadle

Hargeysa(BCT)- Afar ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shil gaadhi oo ka dhacay meel u dhexaysa Magaalada Balli-gudbadle iyo Tuulada Maygaagta ee gobolka Hawd, iyada oo hada dhaawaca lagu daawaynayo cisbtaalka Magaalada Balli-gubadle.

Shilkan  oo galabta dhacay ayay dadka dhaawacyadu soo gaadheen ay isugu jiraan saddex nin iyo gabadh, kuwaasoo ka qaygalay ololihii talaalka carruuta ee  ka socday dalka, waxaana la gadoomay gaadhi noociisu yahay Surf oo ku soo jeeday Magaalada Hargeysa

Mida ka mida dhaawaca ayaa la sheegay in dhawaaciisu yahay  halis, kaasoo la filayo in loo qaadi doono cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Jacaylku Indho Ma,laha Culimada Seyniska oo Daraasad Cusub Ku Sheegay Sida Jacaylku Aanuu Indho u Lahayn

LONDON(BCT)- Jacaylka ayaa dadku had iyo jeer ku sheegaan inuu indha la,yahay oo qofka wax jecel aanuu arag ceebaha qofka uu jecel yahay hadaba koox culimo ah ayaa baadhitaan cilmiya ku sheegay arintaa iyo sida ay ku timaado,


Khubaro ka tirsan jaamacada  COOLIDGE  UNIVERSITY OF LONDON ayaa daraasad cilmiyeysan ku sheegay in jacaylku indho la,yahay culimadan oo aad u baadhay isla markaana isku hawlay jacaylka iyo arimihiisa ayaa waxay cilmi baadhistan ku ogaadeen in qeybta maskaxda u qaabilsan inay sheegto ama aragto xumaanta ay gabi ahaanba shaqada joojiso marka uu qofku eegayo qof uu jecel yahay isla markaana aanay u muuqaneyn ceebta qofkaasi,
Culimada ayaa waxay sheegeen in qeybtan oo maskaxda nidaam ahaan u qaabilsan inay aragto xumaanta iyo khaladka qofka ay markii lagu eegay sawiro kumbuyuter ah ay joojinayso shaqada. qeybtan ayaa waxa ay raad ku leedahay jacaylka hooyada ee ay u hayso ilmaheeda iyadoo la og yahay in hooyadu ay ilmaheeda mar walba u haysato inuu sax san yahay ama aanay arag ceebihiisa,
Dr:ANDRIAS BARTLIS oo kamida khubaradii arintan baadhay ayaa sheegay in jacylka uu qof u hayo qof kale ay ku leedahay maskaxda raad wey oo biology (bay oloji) ah iyadoo maskaxda qofka wax jecel aanay tuseyn jacaylkiisa ceebta uu leeyahay waxaana dhacda in hadii la weydiiyo qof wax jecel sababta uu u arki la,yahay khaladaadka uu sameynayo qofka uu jecel yahay uu kuugu jawaabo muxuu sameeyey isagoo sida runta ah aanay u muuqan xumaantiisu,
Dr.BARTLIS ayaa sheegay in aanay jirin qof wax jecel oo naftiisa khilaafaya isla markaana runta u sheegaya isagoo cadeynaya khaladka ama ceebta qofka uu jecel yahay. sababtoo ah qofkan waxaa ku duuban raali ahaansho iyo inuu ku faraxsan yahay aragtida qofka uu jecel yahay. isla marka uu qofkaa arkana waxaa shaqeynaysa qeybta maskaxda u qaabilsan farxada iyo raali ahaansha ah. taas ayaa keenta xitaa inaad aragtid qof uu ka cararayo qofkuu jeclaa oo had iyo jeer raadinaya. qofkaa wax jecel oo aan u jeedin xitaa hadii qofka uu jecel yahay ee ka cararayaa uu ku yidhaahdo hadalo xun xun oo sharaftiisa wax u dhimaya,
DR:Bartlis ayaa intaa ku daray in qofka wax jecel uu u arko qofka uu jecel yahay qeyb naftiisa ka mida isla markaana sida qofku aanuu u arkeyn ceebtiisa ayaanuu u arkeyn ceebta qofka uu jecel yahay maadaama uu yahay qeyb naftiisa ka mida iyadoo baadhitaankii lagu sameeyey maskaxda dadka ay cadeysey arintaa iyo in aanay shaqeyn qeybta maskaxda u qaabilsan inay aragto ceebaha iyo khaladaadka
,

SAWIRKA MAANTA. Murqaankii Ugu la Yaabka Badnaa Nalla Daawada

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Muuqaal soo bandhigaya xer aad u tiro badan oo goob qayilaadeed oo aan nooceeda hore loo arag qayilaad jilbaha u laabtay!!!. DAAWASHO WACAN.

Thursday, December 30, 2010

Qormo Xiisa Baddan Iyo Burcotoday: Bishaad Dhalatay Ka Garo Shakhsiyadaada Iyo Dabeecadahaaga Gaarka Ah

Qofka dhasha bisha January, waa qof adag oo dhaqan ku dhegan, waa qof aan isla weynayn oo beenta neceb , waa qof horumar inuu la yimaaddo jecel oo dad la dhaqan leh iyo soo jiidasho.
Qofka dhasha February, waa bulsho waa qof aad u deggan oo garasho badan, waa qof jecel degaanka awoodna u leh naftiisa inuu xakameeyo, waa hawl kar jecel inuu ku dhaqaaqo, waxa uu jecel yahay inuu gaadho.
Qofka dhasha bisha March, waa qof firfircoon oo dad la dhaqan leh iyo garasho, wuxuunna ku wanaagsan yahay guud ahaan xidhiidhka iyo fahanka dadka iyo dhaqamada kala duwan iyo luqadaha.
Qofka dhasha bisha April, waa qof dadka jecel oo si fudud u cadhooda, waa qof aad u foojigan oo neceb guuldarrada, inta badanna xaalkiisa ma sugna, waa qof jecel xorriyadda gaarka ah iyo xaragada.
Qofka dhasha bisha May, waa qof furfuran oo jecel dadka inuu garab qabto, waa qof aragti fog leh, nimaadsan oo horumarka jecel, wuxuu leeyahay xusuus adag, isaga oo kara inuu wax hoggaamiyo, ceebtiisu waa isagoo jecel isbeddel.
Qofka dhasha bisha June, waa qof nasiib badan oo fanka iyo degaanka wanaagsan jecel, hantida aad ayuu u jecel yahay, dhoolacaddeyntuna dibnihiisa waa la saaxiib, adeegsiga caqliga ayuu ka horreysiyaa caadifadda.
Qofka dhasha bisha July, markasta waxa qof dhinaca wanaagsan wax ka eega oo aan quusan, rayigiisa waa mid sugan, waa qof xishooda oo edeb badan, wuu saaxiibo firfircoon leh, waa qof hal abuurka ku wanaagsan oo naftiisa ku kalsoon iyo arrimihiisa oo idil jecel inuu isaga la yimaaddo, wuxuu dayacaa inta badan caafimaadkiisa.
Qofka dhasha bisha August waa qof rayigiisa ku adag oo aan tanaasulin, dadka oo dhanna khayr iyo wanaag ayuu la jecel yahay, feejignaantiisa aya badan, inta badanna waxa uu jecel yahay dhar qurux badan inuu xidho, haddii uu shaqeeyo ama busaaradeysan yahay.
Qofka dhasha bisha September waa qof xishood badan oo akhlaaq wanaagsan leh, waa qof garasha leh oo caadifadda deganaansho u horseeda, jecelna tallaabo khaldan in aannu ku tallaabsan, waa qof daacadda oo beenta neceb nidaamka iyo xaragada jecel.
Qofka dhasha bisha October, waa qof maskax wanaagsan oo cilmiga jecel ama waa qof adag oo canaad badan oo si fudud u qancin, wuxuu jecel yahay arrimaha inuu gacan keliya ku wada qabto oo isku kalsoon mana jecla arrimihiisa gaarka ah in la fara geliyo.
Qofka dhasha November waa qof doonis adag leh, damiirkiisuna nool yahay, kaas oo dhakhso u jecel inuu qoys yeesho, ciyaarahana aad u jecel, waa qof daacad ah oo iskaashiga jecel, jecelna inuu danta guud ka horreysiiyo dantiisa gaarka ah, waa qof jecel meel qudha in aannu ku nagaanin, isla markaana aan meel waxba dhigan.
Qofka dhasha bisha December waa qof doonis adag leh oo waxyaabo badan u dulqaata, waa qof aad u foojigan, isla markaana farxadda aan ka tagin beentana aad u neceb, waa qof jecel wax kasta inuu ka sal gaadho aadna u hinaaso badan, kaas oo dhulka is dhiga, xaragadana aad u jecel.

Wednesday, December 29, 2010

Booliska oo Dad Degdeg loo Xukumay ku daadiyey Taliska Asluubta iyo Askartii Mandheera u qaaday oo Gaadhigii la dhacay

Isqabsigii Ciidamada Booliska iyo Asluubta ayaa keenay in Dadkaa si aan haboonayn loo qaado

“Waxaanu u sheegaynaa kuwa caadaystay falalka xunxun in tacsiirta qaarkeed gaadhayso inay naftooda ku waayaan oo la dilo” Wasiirka diinta
Hargeysa  (Waaheen)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa shalay xukuno kala dudun ku riday 71-tuug iyo 12 dambiilayaal kale ah. Sidaana waxa shaaca ka qaaday  Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furreh oo ka hadlayey Fagaare lagu gubayey Khamrigaasi oo ka koobnaa 2566 litir oo ku jiray caagadaha jirikaanada loo yaqaan oo dalka la soo geliyey, waxaana goob joog ahaa madashaasi lagu burburiyey Khamriga Wasiirrada Diinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska.
Taliyaha ciidanka Bilayska Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal) oo ka hadlayey hawlgallada ciidanku qaadeen iyo khamri hore oo ay burburiyeen, waxaannu yidhi “Waxa hortiina yaala 2566 iyo badh litir oo khamri ah oo geli lahaa caloosha dadka reer Hargeisa ubadkiinii iyo aayihiinana halkaas ayuu ku dhiman lahaa ubadkeenii, diinteenii, mujtamaceenii iyo asluubteenii, waxaan mahadnaq balaadhan u jeedinyaa wasiirka Awqaafta, wasiirka Arimaha Gudaha maxkamadaha siday ahayd u fuliyay imika ilaa saaka waxa la xukumay  71 Nin oo tuug ah iyo maxaabiis caadiya oo ku jiray Saldhigyada oo min laba sanadood lagu xukumay.”
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay waxyaabaha ay muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Boolisku soo qab-qabteen waxaanu yidhi “Waxa aad arkaysaa Khamri ay tiradiisu badan tahay kaas oo lagu gubayo halkan, runtii waxa lagu soo qab-qabtay hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen caasimada, waxa kale oo jira in Gaadiidki siday khamrigan qaarkood ay jiidheen gidaaro, halkaasna uu khasaare laxaad lihi ka soo gaadhay, markaa waxa aan ku bogaadinayaa ciidamada booliska runtii hawsha balaadhan ee ay qarankan u hayaan. Waxa jirta in markii la kala diray guddidii nabadgalyada ee xukunka deg-deg ah ku ridi jirtay ay tuugtii istidhi meeshaba waxba ma jirraan isla markaana ay dafireen xukuumadii, waxa aan leeyahay waa laga hawli geli doonaa sidii loo qab-qaban lahaa tuugtaas.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in khamrigu uu ka mid yahay waxyaabaha ka mamnuucaha islaamka waxaanu yidhi “Waxa aad ka war haysaan in khamrigu uu yahay xaaraan, waayo haddii uu qofku cabo waxa dhici karta in uu xaaskiisii furo, ama uu nabadgalyo darro sameeyo, waxaanan ku amaanayaa runtii ciidamadeena amaanka oo aan hadh iyo habeen ka seexanin sidii ay bulshada uga dhex qaban lahaayeen wax kasta oo dhib ku keenaya. Waxaanu u sheegaynaa kuwa caadaystay in falalka xunxun in tacsiirta qaarkeed gaadhayso inay naftooda ku waayaan oo la dilo, waar hadhaw ha Odhanina la iima digin” Ayuu yidhi.
Maxaabiistaasi ay qabqabteen Boolisku ayey u Dhaadhiyeen xarunta taliska Asluubta oo ay ku yidhaahdeen meel geeya weydinkii lahaa Xabsiyaanu u haynaaye, kuwaasoo iyaguna u qaaday xabsiga Mandheera oo lagu hayn doono, waxaase la sheegay in gaadhi siday askar Asluubta ah oo ilaalinaysay maxaabiistaasi markii lagu sii waday Mandheera uu ku qalibmay duleedka Dacar-budhuq shilkaasi oo ay Dhawr gaadhi ku Dhaawacmeen.

2566-litir oo Khamri Oo Maanta Meelka Fagaare ah ku Gubtay Xukuumada soomaaliland.

Hargeysa  (BUrcotoday)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta gubtay 2566-litir oo khimri oo lagu soo qabqabtay Hawlgalo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland.

Goobtii lagu gubiyay Khamriga ayaa waxaa goobjoog Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
Ugu horeyna taliyaha ciidamada Booliska Md. Cilmi Rooble Furre oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aanu soo qabanay khamri ay tiradiisu gaadhayso 2565 litir, kaas oo geli lahaa caloosha in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland, waxaanan ku bogaadinayaan dhamaanba ciidamada booliska sida fiican ee ay uga hawl galeen.” Ayuu yidhi taliyaha ciidamada Boolisku.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in hawlgalo ay habeenadii ugu dambeeyay ay ku soo qab-qabteen tuug faro badan la horkeenay maxkamada kuwaas oo ay tiradooda guud gaadhaysay 95, isla markaana saaka 76 ka mid ah lagu xukumay min 2-sano oo xadhig.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Boolisku soo qab-qabteen waxaanu yidhi “Waxa aad arkaysaa khamri ay tiradiisu badan tahay kaas oo lagu gubayo halkan, runtii waxa lagu soo qab-qabtay hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen caasimada, waxa kale oo jira in Gaadiidki siday khamrigan qaarkood ay jiidheen gidaaro, halkaasna uu khasaare laxaad lihi ka soo gaadhay, markaa waxa aan ku bogaadinayaa ciidamada booliska runtii hawsha balaadhan ee ay qarankan u hayaan” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland.
Mar uu ka hadlayay tuugta oo faro baas ku haysa shacabkana waxa uu yidhi “Waxa jirta in markii la kala diray guddidii nabadgalyada ee xukunka deg-deg ah ku ridi jirtay ay tuugtii istidhi meeshaba waxba ma jirraan isla markaana ay dafireen xukuumadii, waxa aan leeyahay waa laga hawli geli doonaa sidii loo qab-qaban lahaa tuugtaas.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in khamrigu uu ka mid yahay waxyaabaha ka mamnuucaha islaamka waxaanu yidhi “Waxa aad ka war haysaan in khamrigu uu yahay xaaraan, waayo haddii uu qofku cabo waxa dhici karta in uu xaaskiisii furo, ama uu nabadgalyo darro sameeyo, waxaanan ku amaanayaa runtii ciidamadeena amaanka oo aan hadh iyo habeen ka seexanin sidii ay bulshada uga dhex qaban lahaayeen wax kasta oo dhib ku keenaya.” Ayuu yidhi.

Wasaaradda Duulista iyo Hawada Oo Heshiis la Gashay Dawlada Kuwait

Hargeysa  (BURCOTODAY)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay Dalka kala saxeexdeen Heshiis dib u dhis loogu samaynayo Madaarada Berbera iyo Hargeysa, waxaana Wasiirka Beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Saxafi kaasi oo sheegayay in wasiirku soo qaatay lacagtaasi.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland waxa uu Mashruucaasi ku tilmaamay kii ugu balaadhnaa ee soo gaadha Wasaarada Duulista iyo Hawada Somalialnd isagoo xusay in lacagta lagu dhisayo Garoomada Berbera iyo Hargeysa ay gacanta ku hayso Dawlada Kuwiat isla markaana ay dhisayso iyadu, balse aanay wasaaradoodu wax lacag ah ka soo qaadin wasaarada Dawlada Kuwiat.
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in garoonka Diyaaradaha ee Magaalaa Hargeysa ay dhawaan ka bilaabayaan dib u dhis xoogan isla markaana la xidhi doono.

Wasaaradda Duulista iyo Hawada Oo Heshiis la Gashay Dawlada Kuwait PDF Print E-mail
Wednesday, 29 December 2010
Hargeysa  (Togdhnews)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay Dalka kala saxeexdeen Heshiis dib u dhis loogu samaynayo Madaarada Berbera iyo Hargeysa, waxaana Wasiirka Beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Saxafi kaasi oo sheegayay in wasiirku soo qaatay lacagtaasi.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland waxa uu Mashruucaasi ku tilmaamay kii ugu balaadhnaa ee soo gaadha Wasaarada Duulista iyo Hawada Somalialnd isagoo xusay in lacagta lagu dhisayo Garoomada Berbera iyo Hargeysa ay gacanta ku hayso Dawlada Kuwiat isla markaana ay dhisayso iyadu, balse aanay wasaaradoodu wax lacag ah ka soo qaadin wasaarada Dawlada Kuwiat.
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in garoonka Diyaaradaha ee Magaalaa Hargeysa ay dhawaan ka bilaabayaan dib u dhis xoogan isla markaana la xidhi doono.

Warbixin ku saabsan wacyigelinta gudniinka fircooniga ee Hay,adda CANDLELIGHT 2007-2010

Qormadan oo bille ah waxa aan kaga hadli doonaa bishan  waxqabadkii hay’ada candlelight ee
 
 sanadkii 2007-2010 ee  cidhibtirka gudniinka fircooniga ee ka socdey goboladada togdheer iyo sanaaag. waxa soo saarta Hay,ada Candlelight xafiiskeeda Burco.
Hay,adda Candlelight waxay ka mid ah ururada wadaniga ah waxayn ku hawlan tahay sidii ay wax ugu qaban lahayd, bulshada Somaliland dhinacyada ugu mihiimsan sida; caafimaadka, waxbarasharada, deeganka iyo wixii  baahiyahoodada kale ah.

Hay,adda Candlelight waxa ay wacyigelinta gudniinka fircooniga ka bilowday Somaliland sanadkii, 1999 kii mudo dheerna soo waday sidii ay bulshada ugu sheegi lahayd dhibka iyo waxyeelada caafimaad ee uu dhaxalsiiyo haweenka marka lagu sameeyo gudniinka fircooniga.
Hay,adda Candlelight iyo hay,adda ISF iyaga oo iskaashanaya waxay sanadkii 2007-2010 sigaara ah, uga bilawday gobolada togdheer iyo sanaag  mashruuc ku saabsan , sidii looga cidhibtiri lahaa ku ku dhaqanka caadada xun ee gudniinka fircooniga ee gabdhaha lagu sameeyo.

 Hay,adda Candlelight waxay samaysay 114 kulamo wacyigelin ah, oo bulshada loogu sheegayo dhibaatada gudniinka fircoonigu leeyahay,  lagu qabtay meelo kala gedisan oo ka mid ah gobolka togdheer, oo ay ka qayb qaateen kana  faa,iidaysteen dad ku dhaw qiyaastii 5385 oo qof.
Waxa kale oo ay samaysay 1,725 oo ah sawir gacmeedyo muujinaya waxyeelada gudniinka fircooniga,1,500 oo buug yare ay ku qoran yihiin macluumaad ku saabsan dhibaatada gudniinka fircooniga,10 boodh oo ay ku qoran yihiin sawiri iyo qoraalo muujinaya waxyeelada gudniinka fircoonigu u gaysto gabdhaha lagu sameeyo iyo 300 oo xabo oo ah garamo ay ku qoran yihiin wacyigelin ku saabsan gudniinka fircooniga dhamaan loo qaybiyey bulshada ku nool magalada burco iyo  gobolka togdheer.Waxa kale oo ay tabarbaro ku saabsan dhibaatada gudniinka fircooniga siisay 130 macalin oo isugu jira rag iyo haween oo wax ka dhiga dusiyada gobolka togdheer, waxa kale oo tababaro la siiyey 220 isugu jira kal-kaalisooyin sare oo caafimad iyo umuliso dhaqameedyada gobolka togdheer.
Waxa kale oo ay hay,adda Candlelight samaysay 7 jeer oo isugu jirta shirar wada tashi, aqoon iswaydaarsi iyo doodo oo loo qabtay 105 qof oo ah culimaa-u-diinka magaalada burco iyo gobolka togdheer.Waxa kale oo iyagana  tababaro la siiyey ardey isugu jira 22 wiil iyo 20 gabdhood  oo ah dhalinyaro isku fac ah waxana la baray sida sawircagmeedka loogu muujiyo qoraalka.Waxa laga furay  cisbitaalka magaalada burco waadh  lagu daweeyo haweenka ku waxyeelooba gudniinka fircooniga ah, iyo gaadhi ambalaas ah oo lagu soo qaado haweenka u xanuun sanaya ,wax yeeladda gudniinka fircoonigu uu ku  sameeyey. Intii uu furaa waadhkuna waxa  daweeyey iyo qaliinba loo sameeyey haween gaadhaya ilaa 140 isugu jira yar-yar iyo waaweynba.
2009 kii waxa ay hay,adda Candlelight iyo hay,adda ISF ka bilawday, gobolka sanaag magaaladiisa ceerigaabo hawl galo lamid ah kuwii ay ka waday gobolka togdheer, waxa la tababaray 720 macalin oo la baray dhibaatada uu lee yahay gudniinka fircoonigu, 504 waalidiin ahna waxalala yeeshay ku lamo wada tashi oo ku saabsan sidii looga joojin lahaa gabdhaha gudniinka fircooniga ah.
Waxa iyagana la tashi lagala yeeshay  90 culimaa-u-diin rag  iyo haween isugu jira sidii loo ciridhib tiri lahaa  gudniinka fircooniga maadama uu yahay shay diinta aanay ogolay in la sameeyo.
Waxa kale oo ay hay,adda CANDLELIGHT wadey mudadii sadexda sano ahayd ee uu socdey mashruucu wacyigelin dhinaca warbaahinta ah sida; barnaamijo,fariimo,riwaayado,doodo iyo qoraalo ku saabsan sidii looga cidhib tiri lahaa ku dhaqanka caadadan xun ee gudniinka fircooniga oo ay ka baahinaysay Radio,TV iyo joornaalka.
Hadaba markii uu masruucu soo dhamaanayey ayey hay,adda CANDLELIGHT, waxay samaysay sahamis ay ku eegeyso in bulshadu ka faa,iideysatay iyo inkale, wacyigelintii aadka u balaadhnayd ee ay soo wadey mudadda saddexda sano ahayd. waxayna ogaatay inay ka faa,iidaysteen  bulshadu una sii baahan yihiin in loo siiwado wacyigelinta sida ku cad, codsiga kaga yimid dhinaca  bulshadana  in loo sii wado  wacyigelinta ku saabsan in la joojiyo isticmaalka gudniinka gabdhaha.
Hay,adda CANDLELIGHT na waa ay ka aqbashay codsigaa bulshada uga yimid waxayna  u balanqaadey in ay u sii wadi doonto mashruuca afarta sano ee soo socda hadii alle yidhaa.   
  

Hargeysa oo laga Bilaabay Olole ka Dhan ah Tuugta Dadka Baadhata iyo Dhaqan-xumooyinka

Hargeysa (BCT)- Magaalada Hargeysa ayaa laga bilaabay olole lagu ugaadhsanayo kooxaha tuugta ah ee waqtiyada habeenkii dadka baadha iyo dhaqan-xumooyinka ka soo horjeeda diinta islaamka.
Hawlgalkan oo uu fulinayo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo kaashanaya ciidammada booliska, ayaa lagu doonayaa in wax lagaga qabto falal amni-darro sii badanaya oo kooxo tuug hubaysan ahi waqtiyada habeenkii dadka ku baadhaan iyo weliba falalka lidiga ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka bulshada Somaliland.
Qoraal wargelin ah oo uu soo saaray shalay Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Dool) oo lagu faahfaahiyey hawlgalka ay guddigooda iyo ciidammada bilaysku wadajirka uga fulinayaan caasimadda Hargeysa iyo meelaha uu sida gaarka ah ugu jihaysan yahay, waxa uu u qornaa sidan;
“Waxa la ogaysiinayaa dhammaan dadweynaha ku dhaqan caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa inuu socdo olole ka dhan ah Ilaah cayga, Nebi cayga, diin cayga iyo dhammaan falalka dhaqan-xumada iyo nabadgelyo-darrada ah, sida isla-joogta habeenkii, mukhaadaraadka, khamrada iyo tuugta habeenkii dadka meelaha madow ku baadha ee sita midiyaha dhaadheer iyo guryaha ay dhaqan-xumadu ka socoto ololahaas oo socon doona habeen iyo maalinba.
Hawlgalkaa waxa fulinaya Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan-reebista, iyadoo amar ka haysata Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Jananka Booliska oo ay wehelinayaan booliska, cidii arrimahas lagu qabto si dhakhso ah ayaa loogu gudbin doonaa maxkamada degmada, waana la xidhayaa si magaalada looga cidhib-tiro wax allah wixii dhaqan-xumo ah.
Haddaba, dadweynaha waxa lagu boorinayaa inay ilaashadaan diintooda suuban ee Islaamka ah iyo dhaqankooda wanaagsan, gacana ku siiyaan booliska iyo Guddiga Wanaag-farista hawlgaladaas, qof kastana askari ha ka noqdo goobta uu joogo.”

Bom Gacmeed Had,yed Ahaan Boosta Loogu Soo Dhigay Reer Filibiniyiin Ah oo Dilley Gabadh Kadib Markii Ay Furtay Kartoonkii Bomkaasi Ku Jirey

MANILA(BCT)- Booliska magaalada Manila ee dalka Philippine ayaa sheegay inay dhimatay gabadh xaas ah oo 31 jir ah kadib markii Boosta loosoo dhigay BOM gacmeed kaasoo loogu soo diray had,yed ahaan ciidii Christmaska, Bomkaa ayaa ku qarxay kadib markii ay gabadha dhimatay ay isku dayday inay furto had,yeda loosoo diray,



Taliyaha Booliska  Nicanor Bartolome ayaa sheegay in gabadha dhimatay ee Bomkaa had,yed ahaanta loogu soo diray lagu magacaabi jirey Yvonne Chua, Gabadhaa ayaa iyadoo ku faraxsan had,yedaa loosoo diray Christmaska laakiin nasiib xumo ay ku noqotay Bom iyadoo halkaa ku dishay markii ay furtay,



Nicanor ayaa sheegay in Bomkaa lagu soo hagaajiyey guriga Reerkaasi ay degenaayeen oo ku yaala magaalada  Taguinj a suburb oo ku dhow caasimada Manila. Bomkaa oo sanduuq ama kartoon lagu soo xidhay,


Taliyaha ayaa intaa ku daray in Bom-booyinka Reerkaa loosoo diray ay ahaayeen Sadex Bom oo ah noca gacanta laga tuurro iyadoo mid kamida uu ku qarxay markii ay gabadhaasi furtay, Ninka gabadhaa qabay iyo wiil todoba jir ah oo ay dhaleen oo xilligaa Bomku qarxayey la fadhiyey qolka Fadhiga ayaan iyaga waxba soo gaadhin oo ka bad-baaday qaraxaa,



Taliyaha Booliska Magaalada Manila  Nicanor Bartolome ayaa sheegay inay iminka baadhayaan oo ay ku Raad jooggaan ciddii Reerkaa Bomka u soo dhigtay Boosta & Sababta ay ugu soo direen Had,yed ahanta,






Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

SAWIRKA MAANTA: Shiinaha Wax Walba Waa Ka Suuro Gal. Daawasho Wacan

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Gabadh Shiine Ah oo Baaskeel Ku Wadda Boqolaal Karatoon Ah, Hadaba Dalka Shiinaha oo Ah Dal Cajiib Ah Ayaa Waxaa la Yaabka Leh Boqolaalka Kartoon Ee Baaskeelka Lagu Qaaday & Qofka Ku Sidda oo Ah Qof  Dumar Ah, SHIINAHA WAX WALBA WAA KA SUURO GAL

Halkan Ka Daawada Sawiro Ku Saabsan Dhismaha Biriijka Labaad Ee Hargeysa Oo Dhammaad Ku Dhow

Hargeysa (Burcotoday)Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawiro aanu idiinka diyaarinay qaybtii ugu dambaysay ee biriijjka labaad Hargeysa oo muddo dheer soo jiitamayay, oo dhismaheeda lagu guda-jiro, iyo guddoomiyaha xisibiga UCID oo booqday .

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo madax kale oo xisbiga ka tirsan oo booqday biriijka, isla markaana halkaa kula kulmay Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Somaliland Cabdiwaaxid iyo madax kale.

Xoghaya maamulka iyo qorshaynta ee UCID Maxamed Xasan Dirir iyo madax kale oo biriijka dub lugaynaya