Sunday, November 21, 2010

Xanuunka Qaaxada Oo Faro-baas Ku Haya Qaxoontiga Soomaalida Ee Europe Deggen.

DENMARK(burctotoday)- Maxadka Serum oo ku yaal Copenhagen (Denmark) ayaa sheegay in Cudurka Qaaxadu, siiba Qaaxda sanbabku ay ku badan tahay oo ku dhex faafayso ragga ay da´doodu u dhaxayso 25-54 sano, kuwaas oo dhibaatooyinka bulsho ee kala ah Guri la’aanta iyo Cunitaanka Qaadka ay haystaan, sidaas waxaa qoray wargays toddobaadle ah oo dhakhaatiirta Denmark leeyihiin.
Qaaxda khatarta ah ee ku dhex-faafaysa Bulshada Shisheeyaha ah ee ku dhaqan Denmark, siiba Somalida ayaa ah mid adkaysin iyo Awood u leh Dawooyinkii caadiga ahaa ee lagula dagaalami jiray Cudurka Qaaxada. 25-kii sano ee u danbeeyey waxaa laba jibbaarmay dadka uu cudurka Qaaxadu ku dhaco ee ku nool Qaarada Europe, waxaana ugu wacan dadka shisheeyaha ah ee ka yimaada dalalka Dunida Seddexaad sida Somalia.


Cusbataalada waaweyn ee Denmark ayaa qaaday olole Caafimaad oo lagula dagaalamaayo Cudurkan Qaaxada, iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay Bulashada Somalida ee cudurkani ku habsaday. Dhakhtar Sare oo la yidhaado Ib Jensen ayaa yidhi, waxaan aanu xoog saaray in aanu baadhitaan Caafimaad ku samayno Bulshada Somalida oo waliba fahamsiino khatarta cudurkani uu u leeyahay iyaga iyo Bulshada ay la noolyihiin.
Shaybaadhu Mobile ah oo Gawaadhi saaran ayaanu Somalida ugu gaynay meelaha ay ku qayilaan iyo Maqaaxiyaha ay wax ka cunaan muddo iminka laga joogo 5 sano ayuu ku daray hadalkiisii dhakhtar Ib Jenson. Kalkaaliye Caafimaad oo isna ka hadlay baadhitaanka Qaaxada ee Somalida loo fidiyey ayaa yidhi Somalidu waa dad aad u socod badan oo intaa guuraaya…..Qofkii oo Dawadii u socoto ama baadhitaankii u socdo ayaa la waayayaa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, taas ayaana keenaysa in cudurkii faafo oo ay u gudbiyaan caruurtoodii iyo bulshadii kaleba. waxa kale oo kalkaaliyuhu yidhi Somalidu waa dad iyaga oo kaliya Is-dhexgala oo ku dhego-adag wacyi-galinta Caafimaadka iyo arimaha bulshada.
War bixin Caafimaad oo iyana ka timi Cariga Ingriiska ayaa sheegtay in Cudurka Qaaxdu uu faro-baas ku hayo Bulshada Somaalida ee ku nool Cariga Ingiriiska. Sababaha ugu weyn ee cudurkani ugu dhex-faafayo Somalida ayaa lagu sheegay ama lagu macneeyey in ay tahay Cunitaanka Qaadka iyo Maqaaxiyaha Somaalida ee wax laga cuno oo Naadaafadoodu ay aad u hoosayso.

0 comments:

Post a Comment