Sunday, November 7, 2010

Markab Laga Lahaa Kuuriya oo Budhcad Badeed Soomaliyeed Ka Helleen Lacagtii Madax Furashadii Ugu Badnayd Abid Ee Ay Markab Ka Qaadaan

SOMALIA(burcotoday)- Budhcad badeedda Soomaalida, ayaa la sheegay iney madax furasho ahaan u heleen lacagtii ugu badney oo markab ay ka qaataan kadib markii markab laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya uu madax furasho ahaan u siiyay budhcad badeeda Soomalida lacag dhan 9.5 milyan oo dolaar.

Mid ka mid ah kooxaha badhcad badeeda oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay iney sii deynayaan markabka, oo la sheegay inuu sido shidaal qiima ahaan dhan 2 milyan oo fuusto oo shidaal ah.

Andrew Muwangeera, oo ka tirsan hay’adda badmaaxiinta bariga Africa, ayaa sheegay in lacagta madax furashada loo siiyay budhcad badeeda ay noqoneyso tii ugu badneyd Abid oo ay helaan budhcad badeedda.

Muwangeero, ayaa sheegay in budhcadu ay markii hore dalbadeen lacag dhan 20 milyan oo dollar, balse wada xaajood dheer kadib ay ogolaadeen in ay qaataan lacag dhan 9 milyan oo dollar.

Andrew Muwangera, ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay caafimaad qabaan, markabkana uu u shareecday dhinaca dalka Mareykanka.

Markabkan laga qaatay madax furashadii ugu badneyd oo markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya laga qaato, ayaa wuxuu gacanta budhcad badeedda ku dhacay bishii April ee sanadkan, iyadoo maraakiib dagaal oo ilaaliya biyaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin badweynta Indiya.

0 comments:

Post a Comment