Tuesday, November 30, 2010

Kooxda Barcelona oo Ku Caraabisay Real Madrid 5-0

Barcelona-(BCT)-Kooxda Barcelona ayaa caawa ku ku garaacday 4-0 kooxad Real Madrid oo marti u ahayd  waxaana Barcelona 2ka mid goolasha ay guushu ku raacday laacibka Joquin halka pedro ,Xavi Hernandez iyo Victor ay dhaliyeen 3gool ee kale

Ciyaartani caawa ka dhacaysay Gegida Camp Nou ayaa ahayd mid si weyn loo wada sugayay waxaana labada kooxoodka si weyn isugu sii diyaariyeen ciyaartani oo ka mid ah Kalasikooyinka Loogu Jecelyahay Dunida.


Kooxa Real Madrid ayaa habeenkni caawa ah laga waayay firfircoonidii lagu yaqaanay iyagoo laciibka Reer Arjantiin ee Messi uu intabadn sidoo doono ka yeelayay Difaaca Kooxda Real Madrid oo iasgu habeenkani caawa ah u muuqday mid hurda.


Labadani kooxood ee caawa fooda is daray ayaa iyagu ah kuwo si weyn ugu Tartamaya Horyaalka dalkaasi oo intii aan la ciyaarin cuyaartani ay kooxda Real Madrid ku hogaaminaysay 1 blasé caawa laga bilaabo ay kooxda Barcelona ku hogaamindoonto 2 dhibcood.

Kooxda Barcelona oo Ku Caraabisay Real Madrid 5-0

Barcelona-(BCT)-Kooxda Barcelona ayaa caawa ku ku garaacday 4-0 kooxad Real Madrid oo marti u ahayd  waxaana Barcelona 2ka mid goolasha ay guushu ku raacday laacibka Joquin halka pedro ,Xavi Hernandez iyo Victor ay dhaliyeen 3gool ee kale

Ciyaartani caawa ka dhacaysay Gegida Camp Nou ayaa ahayd mid si weyn loo wada sugayay waxaana labada kooxoodka si weyn isugu sii diyaariyeen ciyaartani oo ka mid ah Kalasikooyinka Loogu Jecelyahay Dunida.


Kooxa Real Madrid ayaa habeenkni caawa ah laga waayay firfircoonidii lagu yaqaanay iyagoo laciibka Reer Arjantiin ee Messi uu intabadn sidoo doono ka yeelayay Difaaca Kooxda Real Madrid oo iasgu habeenkani caawa ah u muuqday mid hurda.


Labadani kooxood ee caawa fooda is daray ayaa iyagu ah kuwo si weyn ugu Tartamaya Horyaalka dalkaasi oo intii aan la ciyaarin cuyaartani ay kooxda Real Madrid ku hogaaminaysay 1 blasé caawa laga bilaabo ay kooxda Barcelona ku hogaamindoonto 2 dhibcood.

SAWIRKA MAANTA. Warshadii Sibidhka Ee Berbera oo Aad u Dhibaateysan Dadkeediina Walli Sugeysa

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee BurcotodayWaa Warshadii Sibidhka Ee Magaalada Berbera oo Runtii Si Xun u Dunsan, Warshadan Ayaan La Garaneyn Illaa Iminka Cidda Ay Sugeyso Inay Dhisaan Iyadoo Dadka Reer Somaliland-na Ay La Sugayaan Warshadan oo Ah Halbowlihii Dalka In Cid Kalle u  Yimaadaan oo u Dhisaan Iyagoo Fadhiya!!!!!!!!,

Sawiradan Waxaa Soo Qaaday C/rashiid Jaamac Kaahin oo Ah Ninka Iska Leh Ee As-aasay Shabakadan Caalmiga Ah Ee Oodweynenews Ahna Tafa-tiraha Guud Ee Shabakada oo Safar Shaqo oo uu Ku Tegey Dalkii Kasoo Noqday Shalay,



Waftigii Ka Socada Dawlada Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Xogwarankii Safarkiida +SAWIRO

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arimaha Gudaha somaliland ayaa lagu sheegay in deeq waxbarasho ay ka heleen dawlada Itoobiya+Sawiro



 War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland
Waxa galabta soo gaadhay caasimada Hargeysa weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, oo safar shaqo ku tagay caasimada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, Ethiopia.

Weftiga Somaliland ee booqashada ku tagay magaalada Jigjiga ayaa ka koobnaa, wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Kalluumaysiga,Maamulka Dekedaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Dr.Maxamed Yaasiin Xasan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibrahim Maxamed, Wasiirka Beeraha,Prof.Faarax Cilmi Maxamed,Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, Guddoomiiyaha Hay’adda Shaqaalaha Muxumed aw-Axmed, Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi, Badhasaabka Gabiley Rashiid Cumar Sheikh Muxumed, Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile, Maayarka Hargeysa

Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Maxamed Cilmi Aadan    Chief  Protocol of the Presidency,Maxamed Cismaan Caalin Madaxa Laanta Socdaalka iyo  Cabdi Axmed Yuusuf  oo ah Madaxa Ciidanka SPU.

.Weftiga Somaliland oo shalay gelinkii hore ka amba baxay Hargeysa ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga abaaro 1:00 duhurnimo. Intii ayna gaadhin Jigjiga waxay weftigu ku hakadeen mashruuca ciidanka Booliska ee Tog-Wajaale, halkaas oo ciidanku ku soo dhoweeyeen weftiga, fardo gaada ka ciyaar sameynayay, waxaana markii dambe warbixin kooban weftiga siiyay madaxda ciidanka, iyadoo wasiirka Arrimaha Gudaha,Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, ay ciidanka u balan qaadeen in daryeelkooda la sii kordhin doono.

Waxa weftiga Somaliland kaga horyimid magaalada Tog-Wajaale wefti uu hogaaminayo Hogaanka Nabadgelyada iyo Cadaalada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, Cabdi Yuusuf Weerar, kuwaas oo usii galbiyay weftiga Somaliland ilaa magaalada Jigjiga. Waxaana kaddib soo dhoweeyey ku sii simaha madaxweynaha, Dr.Suldaan wali oo markiiba u daadihiyay weftiga kormeer lagu soo tusay mashaariic waaweyn. Waxayna weftiga Somaliland  soo booqdeen  jaamacadda Jigjiga, Machadka Tababarka Macalimiinta ee C/Majiid iyo Jigjiga Referral Hospital. Waxaana weftiga Somaliland halkaasi warbixino ku siiyay maamulada goobahaas.


gelinkii dambe ayaa madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar wuxu weftiga Somaliland ugu yimid guriga Martida ee la dajiyay  kaddibna saacadu markay ahayd toddobadii fiidnimo ee xalay  ayaa Wasiirada Somaliland ee ka midka ahaa weftigu waxay qasriga Madaxtooyada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga  kula kulmeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Dr.Suldaan Wali,Wasiirka Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka,Macdanta iyo Tamarta, Farxaan Xuseen Cabdi, wasiirka Madaxtooyada, C/fataax Maxamed Xasan, Hogaanka Nabadgelyada iyo Cadaalada C/laahi Yuusuf Weerar, Talyaha Booliska Yuusuf Muxumed Muuse iyo wasiirka Jidadka iyo Horumarinta Reer Miyiga,;Xabiib Muxumed Yuusuf.
Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar ayaa ugu horeyn  hadalo soo dhoweyn ah ujeediyey weftiga Somaliland, isagoo ku amaanay dimuqraadiyada iyo nabadgelyada ay gaadhay Somaliland. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “. Waxad tihiin tusaale wanaagsan dhinaca dimuqraadiyada iyo nabadgelyadaba,waxaanad amaan ku mudan tihiin nabadgelyada iyo horumarka aad gaadheen”. Waxa kale oo uu bayaamiyay in shacbiga Somaliland yihiin saaxiib dhow oo ay leeyihiin shacbiga Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kana go’an tahay inay la shaqeeyaan maamulka dadweynaha Somaliland doortaan.


Waxa kale oo madaxweynuhu ku dheeraaday inay labada dal yihiin kuwo aan kala maarmin, waajibna tahay inay iska kaashadaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, IWM. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Somaliland dalka Ethiopia kala jaar tahay deegaanka Soomaalidu ku nooshahay sidaa darteed Dawlada deegaanka Soomaalidu ay ka ciyaari karaan door wax ku ool leh siddii ay wax ula qaban lahaayeen Somaliland dhinacyada Horumarka iyo qaddiyadoodaba u gaadhsiin doonaan ilaa heer Federaal.
Intaa kaddib waxa hadalka qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha,Dr.Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo isagu hogaaminayay weftiga, ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha martiqaadka uu u fidiyay weftigooda, waxaanu sheegay inuu ku amaanayo madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar,wadada uu u maray dib u heshiisiinta iyo nabadeynta uu ka dhex abuuray dawlada Ethiopia iyo jabhadii ONLF. Wasiir Gaboose wuxu u sheegay madaxweynaha in Somaliland heerka maanta ay taagan tahay ay ku soo gaadhay  wada hadal, isku tanaasul iyo dib u heshiisiin. Wuxuuna wasiirku ku dheeraaday qiimaha ay ugu fadhido sugida amniga iyo xoojinta xidhiidhka labada dal, wuxuuna u balan qaaday inuu dedaal dheerada u galayo siddii xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u xoogaysan lahaa.isagoo wasiir Gaboose qiray muhiimada gaarka ah ee deegaanka Soomaalidu u leeyihiin Somaliland. Dr.Gaboose wuxu ka codsaday madaxweynaha deeq waxbarasho, taasoo madaxweynuhu ka aqbalay isla markiibana u fidiyay Somaliland deeq waxbarasho heer jaamacadeed kulliyado kala duwan, taasoo ah boqol arday oo reer Somaliland ah, iyo tababaro lagu xoojinayo kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha dawlada iyo macalimiinta.

Waxa kale oo madaxweyne Cabdi Muxumed uu balan qaaday inay Somaliland la garab istaagayaan wax kasta oo ay ku dhaamaan dhinac kasta.
Intaa kaddib masuuliyiintii kale ee labada dhinac ayaa ka qayb qaatay xoojinta wada hadalka wuxuuna ku dhamaaday kulankaasi is afgarad, niyad sami iyo inuu meesho ka baxo wax kasta oo mad madow ah oo jiri kara.
Gabagabadii kulanka xalay ayaa weftiga Somaliland waxay hadiyado guddoonsiiyeen Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar iyo Golihiisa Wasiirada. H addiyadahaas oo ahaa kuwa ka turjumaya hidaha iyo dhaqankii Somaliland iyo calanka Somaliland.
Kulankii labaad oo maanta gelinkii hore ka dhacay aqalka martida ee magaalada Jigjiga  ayaa waxa kulamo gaar gaara yeeshay Maayarada, Badhasaabada iyo Wasiirada labada dhinac, kuwaasoo isla eegay siddii wax loo wada qabsan lahaa loona sii horumarin lahaa xidhiidhka.

waxaana gabagabadii haddiyado la guddoonsiiyay weftiga Somaliland, haddiyadahaas oo iyaguna ahaa kuwa hidaha iyo dhaqanka ah, Waxana xusid mudan in haddiyad khaas ah uu madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar u soo diray Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah ee wefti ka socda xukuumadda cusub ee Somaliland ku tagaan Dawlada Deegaanka Soomaalida, sidoo kale waa markii ugu horeysay ee labada dhinac isweydaarsadaan haddiyado, taasoo muujinaysa koboca xidhiidhka labada dawladood.
Maxamed Cismaan Dubbe
Af-Hayeenka Wasiirka Arrrimaha Gudaha Somaliland

Ku Simaha Gudoomiyha Xisbiga UDUB Oo Sheegay In Anuu Cumar Jaamac Wax Xil Ah Ka Hayn Xisbiga UDUB

Hargeysa(burcotoday) Madaxweyne-kuxigeenkii hore ee Somaliland ahna Ku-simaha Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UDUB Axmed yuusuf yaasiin  ayaa  shir Jaraaid Hargeysa kaga hadlay arimo doora.

Md.Axmed Yuusuf Waxa uu ka hadalay Xilka Madxa Siyaasada ee Xisbiga UDUB waxa uu  sheegay in Xilkii gudomiyenimada Siyaasada ee xisbiga UDUB ay wakhti hore uga qaadeen Cumar Jaamac Faarax waxanu intaasi ku daray in ay Gudida anshax u gudbiyeen hadalkii cambareeynta ahaa ee uu u jeediyey wasiirkii hore ee maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil) isaga oo ku hadlay Afkii Xisbiga Udub oo aanu ahayn.

Waxa uu Md.Axmed Yuusuf isaga ooarintaas ka hadalaya yidhi “Ninka maanta ku hadlaya inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa xisbigu shirwaynihii ku doortay, anagu waxay mudadii ku egtahay in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo ilaa lagu ansixiyo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan”.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Md.Axmed Yuusuf Yaasiin “waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (shalay) shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo, gudida anshax marintana loo gudbiyo.”

 

Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi  “Waxaan bahwaynta xisbiga UDUB u sheegayaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay golaha dhexe iyo haddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga yaabaa in aanay bari joogin, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si uu u doorto hogaamiyayaal cusub”.

 

Mar uu la hadalayey Madaxda Xisbiga ee Jraaidka waxa kku soo qortana waxa uu yidhi “Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii meesha yimaada waa ku meel gaadh, markaa waxaan leeyahay ninkii shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha shaqeeyo hana sugo shirwaynaha dambe.” Sidaana waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kale oo uu Axmed yusuf yaasiin ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xallada dalka Somaliland waxanu sheegay in wakhtigan ay ku hawlan yihiin sidii ay u dardargalinlahayeen xisbiga UDUB si uu u noqdo Xisbi mucaarid oo xoogan.

Waxa kale oo uu ka hadlay arinta ku saabsan ninka jarmarka ah ee lagu soo eedyey falal  anshax  xumo ah oo ka soo horjeeda dhaqanka islaamka, waxanu tilmaamay in ay haboontay in ninkaas maxkamad la korkeeno si degdeg ah.

Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hoggaanka sarre ee xisbiga Kulmiye oo Arimo Badan Ku Dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(BCT)- Hogaanka sare ee xisbiga talada yaha ee kulmiye ayaa xukuumada ku cambaareeyey arimo doora oo ay ka mid yihiin Waftiga Puntland ee ku sugan deegaanka Buuhoodle, cabudhinta ay Xukuumada ku hayso Saxaafada iyo Culimada iyo arimo kale.

Shir Jaraaid oo ay maalintii shalay ku qabteen xarunta dhaxe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Md. Cabdiraxmaan Cabdiqadir, Gudoomiye ku xigeenka labaad Md. C/raxmaan talyanle , Iyo Xog-hayaha Guud ee xisbigaasi Kayse Xasan Cige .

Waxaana ugu horyn shirkan jaraa’id ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkaa koowaad ee xisbiga kulmiye Md: C/raxmaan /C/qaadir oo shegay in xukuumadu ka gaabisay sugida xuduudaha dalka gaar ahaan degmada Buuhooodle oo uu sheegay inay ku suganyihiin  dad ka soo horjeedaa madax-banaanida Qaranimada Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay ahayd in talaabo laga qaado ku haboon, oo ka turjumaysa mawqifka Somaliland ee ilaalinta xuduudaha Qaranka iyo ka hor taga cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulka Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ayaa cadeeyey in xisbiga Kulmiye aanu xukuumada ku taageersanayn inay siyaasin ka soo jeeda Puntlan noocay doonaanba ha noqdeene yimaadaan Buuhoodle iyo meel kale oo dalka ka mida toona, isagoo  ku cel-celiyey inay xisbi ahaan ka taageersanyihiin hadalkii wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha ee aah in taalabo laga qaado shakhsiyaadka ku soo xad-gudbiya dhulka Somaliland, ee shaqaaqada u hor seedaya. “anagu waxaanu xoojinaynaa inaan arintaa sidaas laga aamusin ee wax laga qabto, waxaanan leenahay yaan laynugu deyin wax dhibaato inoo gaysana, oo waa laynagu deyi doonaanaaye ha laga feejignaado, waliba anagu hadii aanu nahay xisbiga kulmiye waxaanu taageersanahay hadalkii wasiir-kuxigeenku uu nimankaasi ku hor joogsadaay, maxaa yeelay waa nin ka soo jeeda deegaanka, waa nin garaada, oo kala garanya dadka iyo dalkaba, markaa xukuumada waxaanu u sheegaynaa inay sugto xuduudaha dalka oo dhan, waayo daal aan xuduud lahayn cid iictiraafaaysaa ma jirto”

Sidoo kale waxa uu C/raxmaan C/qaadir wax laga xishoodu ku tilmaamay  xadhig la sheegay in xukumadu la damacsan tahay Sh Aadan X.Maxamuud (Aadan Siiro) isaga oo arintaas ka hadalayna waxa uu yidhi   “ iska daa waa la xidhayaaye, qofkaa ku fikira in aadaan siiro la xidho  waxaanu u aragnaa mid aan damir lahayn, waayo sheikh aadan siiro waa nin wadaniya, waa nin dalkiisa jecel , markaa hadii uu ka diiray arintan foosha xun ee ka dhacday magaaladiisii ,Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in lagu xidho Sh. Aadan Siiro, anigu waaban la yaabay markii aan maqlay arintaas Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”

Waxa kale oo uu Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Md.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hadlay Cabudhinta ay Xukuumadau ku hayso saxaafada madxa banana waxa uu yidhi  “Calamka saxaafaddu waxay qorayaan hadaad aragtaan, teena waxaabada odhanaysaan waxba maaha, waayo nimanka suxufiyiinta ahi waxay ku hayaan madaxda dunida ugu khatarsan waad fajacaysaan hadii aad aragtaan, markaa saxaafaddu marnaba ma sheegto wax wanaagsane, cabudhinta ha laga daayo, oo yaan xoriyada saxaafada meel laga dhicin iyo sharciga dalka u yaala”

Waxa kale oo uu Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ka hadlay Kiiska Ninka Jarmalka ah waxa uu yidhi  “Yeelimayno in sharci aan ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo dabigaa uu galay, maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay,Waxaanu xukuumada ka dalbaday  in shareecada Islaamka lagu fuliyo dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee faro xumaynta u geystay gabadhaha reer Hargeysa”.

Xoghaya Guud ee Xisbiga kulmiye Md: kayse Xasan Cige oo isna shirkan-jaraa’id ka hadlay ayaa si kulul u camabaareeyey xadhiga ay xukuumada siilaanyo ku xidhay Gudoomiayaha wargeska waaheen, kaa soo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana xad-gudub ku ah xeerka saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland.

.

Sidoo kale waxaa isagu shirkasi-jaraa’id ee shalay hogaanka xisbiga kulmiye qabtay ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle oo sheegay in xukuumadu wax badan qabatay wakhtigii koobnaa ee ay talada haysay, inkasta oo aanay wali dhamays tiring baahiyihii dalka yaalay ee looga fadhiyey inay wax ka qabato.

Waxaanu intaasi ku daray in Xeerka kala xadaynta mushaharooyinka ee madaxweynaha iyo ku- xigeenka  ee ay xildhibaanada Golaha wakiiladu ansixiyeen uu ka yimi madaxweynaha oo uu sheegay inuu ka codsaday qaar ka mida xildhibaanada Golaha  wakiilada inay xadeeyaan mushaharkiisa iyo ka Golayaasha labadaba, kaas oo mudanayaashii uu madaxweynuhu ka codsayna ay soo hor dhigeen Golaha, isla markaana  dood ka dib  sidaasi Goluhu ku ansixiyey.

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Md.cabdiraxman Cabdiqaadir

Monday, November 29, 2010

Hablaha Sucuudiga oo Maxkamad Hor Keena Waalidkood Kadib Markii Ay u Diideen Inay Hablahaasi Guursadaan Iyagoo Guryahooda Ku Gaadha 40 Jir & Ka Badan

SAUDIA(burcotoday)- Maxkamadaha dalka Sucuudiga ayaa baryihii ugu danbeeyey waxay ku mashquulsanaayeen dacwado ay soo gudbiyeen Hablo Sucuudiyiin ah kuwaas oo ka dacwoonaya ama maxkamada la tegey waalidkood kadib markii ay u diideen inay hablahaasi guursadaan guur xallaal ah,


Dacwadahaa la hor keenay maxkamadaha ayaa waxaa ka mid ah gabadh u dhalatay dalkaa oo dacweyneysa Aabeheed oo u diday inay guursato isagoo doonaya inuu ka qaato lacagta ay shaqeysato, Gabadhaa ayaa warku sheegey inay shaqeysato isla markaana ay mushahar badan qaadato iyadoo sababta ugu weyn ee Aabaheed ugu diiday inay guursato ay tahay mushaharkeeda, Gabadhaa oo ay soo dooneen Rag badan ayaa gurigooda ku gaadhay 42 jir,
Warkan ayaa sheegay in maxkamadaha Afar magaallo oo ka mida dalka Sucuudiga inay soo mareen 213 dacwadood oo ay soo gudbiyeen hablo ka cabanaya Aabayaashood oo u diiday inay Guursadaan, Hablahaa ayaa qarkood guryahooda ku gaadheen 30 illaa 40 jir inta u dhaxaysa iyadoo ay jiraan qaar badan oo afartanka sare u dhaafay isla markaana ay Aabayaashood sabab u ahaayeen Guur La,aantaa, Maxkamadaha ayaa sheegay in waalidkaa hablahooda u diidaya inay guursadaan intooda badan aanay jirin sabab cad oo ay hablahaa ugu diideen guurka,
Maxkamadaha ayaa sheegay inay Waalidkaa ku qanciyaan inay maxkamada soo hor istagaan iyadoo hadii uu diido Aabuhu qaadiga ayaa la wareegga hawsha gabadhaa isagoo u guuriya ninka markaa soo doontay ee laga hor istaagay, Maxkamada ayaa waxaa la sheegay inay isugu yimaadaan shan Qaadi isla markaana ay ninkaa weydiiyaan diinta sida uu ku yahay iyo akhlaaqdiisa intaa kadibna ay u guuriyaan gabadhaa iyadoo Aabaheed joogo,
Gabdhahaa ayaa iyagoon jecleyn inay Waalidkood dacweeyaan oo maxkamad hor geeyaan ayaa hadana waxaa ku kalifay Aabayaashood oo aan hablahaa u arxamin guurkana u diida qaar shaqeeya iyo qaar aan shaqeyn-ba,

Faallo:- Internet-ku Waa Qol Madow Oo Cabsi Badan Ee Ka ILaassho Ubad-kaaga‏

Internet-ku waa hormarka la taaban karo ee casriggan la joogo tiknoolajiyadda laga gaadhay. Waa shabakad balaadhan oo aad ka heli karto macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyey iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka iyo Isgaadhsiinta dunidu u baahantahay. Waxa aad odhan kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar oo iska wada war haysa.

Inkasta oo uu faa’idooyinkaas oo dhan leeyahay,  hadana internet-ku waa meel madow oo cabsi badan. Waa meel ay fududahay in si dhib yar loogu fidiyo danbiyada waaweeyn iyo anshax-xumo faro badan. Waa meel qofkii aan aad uga digtoonaani uu ku dhex lumayo…. khaasatana caruurta.!

Caruurta Soomaalida Iyo Internet-ka

Soomaalida Qurbe-jooga ahi si aad ah ayey u isticmaalaan internet-ka. Guryaha Qurbe-jooga Soomalida intooda badan lagama waayo computer ku xidhan internet-ka. Caruurta iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa u badan Soomaalida sida aadka u isticmaasha internet-ka. Caruurtaas qaar badan oo ka middi waxa ay wakhti  aan yarayn ku qaataan goobaha wada sheekaysiga  internet-ka (chat rooms) iyo boggoga anshax xumidda (in appropriate sites) ee aadka ugu badan internedka.

Waalidiin badan ayaan la socon wax yaalaha Caruurtoodu kala kulmaan Internt-ka.

Inta badan waalidku aad ugama war hayaan meelaha ay caruurtoodu ka bookhdaan inernet-ka iyo dadka ay caruurtoodu hawada kala sheekaystaan-ba. Waalidiinta qaarkood waxaaba laga yaabaa in ay aad ugu farxsanyihiin in ay caruurtoodu dul fadhiyaan computer-ka intii ay debadaha  warwareegi lahaayeen.

Hadii uu waalidku waydiiyo ubadkooda waxa ay computerka ka dul qabanayaan…… jawaabta fudud ee ay ubadku siiyaan waalidka waxa weeye in ay casharadii iskuulka ku diyaarinayaan.  Jawaabtaasi waa mid farax galisaa waalidka laakiin mar kasta ma aha jawaabta runta ah!. Jawaabta runta ahi waxa weeye in qaar  ka mida ubadkaasi ay computer-ka u dul fadhiyaan sheekooyin aan fiicnayan iyo daawashada waxaan khayr u lahayn aduun iyo aakhiraba.

Fasaxyada Iskuulada iyo internet-ka

 Khatarta internet-ku waxa ay sii laban laabantaa wakhtiga Iskuulada ay caruurtu fasax ka yihiin, meelaha ugu badan ee ay firaaqadooda ku dilaana (lumiyaan) waxa ugu badan internet-ka. Sidaa daraadeed waa in waalidku uu ku baraarugsanaado khatarta uu arinkani leeyahay.

Talooyinkan hoos ku qoran ayaan filayaa in ay waalidiinta ka caawin doonto sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta  caruurtooda uga iman karta internet-ka. 

1.Waalidku waa in uu wax ka bartaa qaabka uu internet-ku u shaqeeyo.  Wacyi galintan waalidka waxa ay door ka ciyaari kartaa in caruurtu internet-ka sida saxda ah u isticmaalaan.

2. Computer-ka waa in la dhigaa meel muuqata sida Makhsinka Fadhiga ama meesha lagu cunteeyo, meel isha waalidku ka arki karto waxa Computer-ka ka soo baxaaya, ha laga ilaaliyo Computerka makhsinada hurdada ee caruurta iyo meel kasta oo caruurtu ay dareemi karaan in aanay ciddi ka arkayn.

3.Waalidku ha isku dayo in uu caruurta la fadhiisto ama ugu yaraan uu ka ag dhawaado wakhtiyadda ay internet-ka  ku jiraaan.
 

4.Hadii aad caruurtaada ku aragto in ay habeenkii wakhtiyadda danbe ku soo jeedaan internet-ka, sidaaas oo kale hadaad aragto in marka aad u soo gasho ay bakhtiinayaan kombuyuutarka waxaad ogaataa in ay mushkilad faraha kula jiraan. Isku day in aad kala hadasho kuna baraarujiso khatarta uga iman karata internet-ka, sidaas oo kale u sheeg waxyaabaha aan u haboonayan in ay sameeyaan wakhtiyadda ay ku jiraan internet-ka.
 

5.Ubadkaaga u sheeg in aanay internet-ka kala xidhiidhin cid aanay aqoon u lahayn. Marar badan  dad waaweeyn oo xumaan  raba ayaa si ay caruurta uga ugaadhsadaan internet-ka  waxa ay iska dhigaan da’ yar. Sidaa daraadeed waa in caruurta looga digaa khaarta ka imana karta in ay caruurtu la shekaysataan cid aanay garanayan.
 

6.Waa in looga digaa caruurta in aanay sawiradooda ,macluumaadka shakhsiga ah sida reerkooda iyo telefonkooda meesha ay degenyihiin ay siiyaan cid aanay garanayan. Marar badan waxa dhacda in sawiro la diray loo isticmaalo hab ka baxsan anshaxa wanaagsan.
 

7.Waxa kale oo muhiim ah in caruurta inta ay yaryaryihiin lagu koriyo Ilaahay in ay ka cabsadaan, waayo cabsida Ilaahay waa arinka ugu wayn ee caruurta iyo dadka waaynba ka ilaalilnaya xumaanaha oo dhan.

 

Gabagabo: Internet-ku waa tiknoolojiyo horumar badan ku soo kordhisay ban’iaadmiga, laakiin khatartiisuna ma yara sidaa daraadeed waa in laga faa’idaystaa wanaaga badan ee ku jira waana in laga digtoonaadaa xumaanaha badan ee dhex yaala. Ilmahaaga habeen madow ha ku sii dhex-daynin meel khatar ah, sidaa dareedeed caruurta yaan lagu ilaawin internet-ka dhexdiisa oo ay kala kulmi karaan Fool-xumo badan.

Shirkii Deegaanaka Maygaagle oo Maanta Baaqday iyo Ergooyinka oo Weli Ka Gudbi La’ Marxaladii 1aad ee Shirka Sababo Badan Awgood

Maygaagle-(burcotoday)-Shirkii Deegaanka maygaagle ee la doonayay in lagu soo afjaro khilaafdaka u dhexeeya Beelaha Deegaanka Buuhoodle iyo Qori lugu oo dhawaan dagaal khasaare gaystay ku dhexmaray Deegaanka Kalshaale.

Shirka aya la filayay in maalintii labaad la sii anba qaado balse waxa manta ku timi dib u dhac sababay inan wax kulan ahi maanata dhicin waxaana lagu soo waramayaa in sababo farsamo awgeed uu shirku u baawday


Geesta kale ilo madax banan oo kale aya iyana sheegaya in sababaha shirka manta u u baaqday ay ka mid tahay fal shaqaaqo ahaa oo maalintii shalay ka dhacay Deegaanka Balli-Cadaad oo ay ku dhawacmeen 3qof oo labada dhinac ka tirsan.


Mar aan isku daynay inaanu la xidhiidhno qaar ka tiran ergada shirkaasi ku sugnayd gaar haan Deegaanka Maygaagle ayaanay noo suurta galin Deegaanka shirku ka dhacayo oo aanay awood u lahayn Taloofnaad Shirkadaha is gaadhsiintu inay galaan.


Ugu Danabaytii maalinta beri ah ayaa la filayaa in la sii anbaqaado shirka taas oo la doonayo in dhamaanba laga saaro wixii madmadaw ah ee soo kal dhexgalay labada Dhinac.

Saturday, November 27, 2010

Shirkii Deegaanka Maygaagle oo Saaka La Filayo inuu Bilaabmo iyo Ergooyinkii Nabada oo isu Soo Wada Dhamaaday

Maygaagle-(BCT)-Waxa tan iyo Shalay laga Dareemayay Deegaanka Maygaagle ee Gobolka Buuhoodle isu socod balaadhan oo ah ergooyinka kala duwan ee ka kala imanayay Deegamaada Qorilugud iyo Buuhoodle ee dhwaan shaqaaqado ku dhexmartay Deegaanka Kalshaale.

Waxaana siday Balantu ahayd subaxani saaka ah La Filayaa in shirkii ugu horeeyay ee si foolk ka fool ah laysu soo horfadhiisiyo labada beelood ee dhawaan dirirtu dhexmartay uu ka qabsoomo deegaanka Maygaagle.

Shirkani saaka ayaa waxaa ka qayb qaadanayo Gudiyo iyo ergooyin la soo xulay oo ka kala tirsan dhinacyada dirirtu dhexmartay iyo salaadiin,Cuqaal iyo wax garad ka kala yimi Gobolada Somaliland iyo Buntland.

Shirfkani ayaa la filayaa  inuu wajigiisa koowaad noqondoon mid lagu guda galo arimaha ugu horeeya oo la filayo inay noqdaan soo xulado gudiyo gaara oo ka soo kala Jeeda labada Beelood oo midi la qoondeeyay ilaa 25oday oo noqondoonaan Kuwa hadhaw damaanad qaadi doona wixii dhiba ee danbe ee deegaankaasi ka yimaada.

Ugu danbaytgii shirkani ayaa la filayaa inuu sii socondoono mudo dhawr maalmooda ah sida ay Burco TODAY ka heshay ilo u dhuun daloola arinkaasi oo sugan Deegaanka maygaagle ee shirku ka dhacayo.

SAWIRKA MAANTA. Tiyaaterkii Magaalada Hargeysa oo Dib Loo Dhisayo

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Tiyaaterkii Magaalada Hargeysa oo In Kabadan 20 Sanadood Dunsanaa Iminkana uu Ku Socdo Dhisme, Nalla Daawada


Madax Weynihii Hore Ee Dalka Muritani Wallad Cabdalla oo Noqday Imaam Masjid Iyadoo Ah Markii Ugu Horeysay Caalamka Ee Madax Weyne Xukun Ka Degey uu Noqdo Imaam Masjid

MURITANIA(BCT)- Madax weynihii hore ee dalka Muritania Sayid Wallad Sheekh Cabdalle ayaa noqday Imaam masjid kadib markii laga qaaday xukunka dalkaa Muritania, Wallad Sheekh Cabdalla oo xukunka lagaga qaday Inqilaab mileteri ayaa Masaajid ku yaalla Magaaladii uu ku dhashay ka noqday Imaam Salaada Tujiya dadka,

Madax weyne Wallad Sheekh Cabdalla ayaa ahaa madax weynihii ugu horeeyey ee Dalka Muritania lagu soo doortay nidaam Dimoqraadi ah oo isagu xukunka ku yimi doorashada Shacabka, Laakiin Waxaa xukunka ka tuuray Ciidamada Mileteriga dalkaa bishii Sideedaad Ee sanadkii 2008,


Madax weyne Wallad Sheekh Cabdalla ayaa markii laga qa aday xukunkaa ka fadhiistay Siyaasada isla markaana noqday Imaam Masjid iyadoo madax weynahaa oo ahaa nin diinta ku dhow dhow ay u doorteen Iimaam nimadaa shuyuukhda magaalada uu ku dhashay oo ku taalla koonfurta dalka Muritania,


Madax weyne Wallad ayaa isagu hayay xukunka dalka Muritania 14 Bilood iyadoo markii uu ku hellay madax weyne nimada doorashada shacabka dalkaa ay xilligaa taageersanaayeen ciidamada dalkasi, Laakiin markii danbe ay isku soo Rogeen iyagoo xukunkii kaga qaaday Inqilab Milateri,


Madax weyne Wallad Sheekh Cabdalla ayaa warkani sheegay inuu yahay madax weynihii ugu horeeyey ee Caalamka noqda Imaam masjid kadib markuu ka degey xukunkii dalka,

 Dalka Muritania ayaa isaguna ah dalka Aduunka ugu Inqilaabka badan iyadoo madax weynaha ugu badan uu jagadaa haysto sanad ama laba sanadood intaa kadibna sidii caadada u ahayd ay ciidamada iyo General-du ay xoog kulla wareegaan xukunka da lkaa, Beesha Caalamka ayaan iyadu waxba kasoo qaadin Inqilabyada ka dhaca dalka Muritania kadib markii ay ka noqotay dalkaa wax caadi ah iyadoo ay dhacdayba in Beesha caalamku iyagoo ka qeylinaya mid kamida Inqilaabyadaa intii wada hadaladu socdeen ee laga dalbanayey Generalkii Inqilaabka sameeyey inuu xukunka ku soo celiyo madax weynihii hore isaga laftiisii lasii Inqilaabay, Waxaana dhacda in shan sanadood gudahood ay dalkaa ka dhacaan laba ilaa sadex Inqilaab, Iyadoo madax weynihii kaliya ee kusoo baxay nidaam dimiqraadiya uu ahaa Wallad Sheekh Cabdalla oo iminka noqday Imaam Masjid,


Dawlaad Ruushka oo Nidar Ku Gashay Inay Baabiin Doonto Kooxha Budhcad Badeeda Soomalida ah

Moscow-(BCT)-Dawlada Ruushka ayaa nidar ku gashay inay baabiindoonto kooxaha Budhcad Badeeda Somlida ah ee naafaynaya Maraakiibta aduunka iskaga kala goosha ee mara gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Dmitry Medvedev aya sheegay inuu wadankiisu uu baladhin doono hawgalada lagula dagaalamayo budhacad badeda Soomalida isaga oo tilmaamay in ciidamoodu ay kula dagaalam doonaan Budhcad badeed gudah biyaha Somliya iyo inta ka baxsanba haday lagama Maarmaan noqoto.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inay maalinba maalinta ka danabysa ay soo kordhayso khatarta laga qabo Budhacad badeeda isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhawrjeer sanadjkan gudihiisa ay kooxaha budhcadbadeeda somlidu khatar galisay maraakiib badan oo caawimo u siday dadka tabaalaysan ee somaliya.

Dawlada Ruushka ayaa iyadu ka mid ah dalalka Somaliya u diray Xeebaheeda maraakiibta Dagaalka si ay uga hortaggaan khatarta Budhcad badeeda taas oo xeebaha Somaliya ka dhigtay xebaha ugu cabsida iyo khatarta badan aduunka xiligani waxaana la sheegayaa inay gaadhayaan maraakiibta dagaalka ee dawladu Ruushku u dirtay xeebaha dalka Somaliya 4markab oo kuwa dagaalka ah.

Geesta kale Kooxaha Budhcad Badeeda Somalida aya iaygu marba marka ka danbaysa sii xogaysanaya iyaga oo sii horumarinayo Talaabooyinka nidaamka Casriga h ee au u Qafaashaan maraakiibta shisheeye ee Mariya biyaha Somaliya iyo Kuwo ka baxsan.

Arimaha Layaabka leh ee dhwaanahba indha caalamku sida weyn u eegayay ayaa ahayd in Budhcad Badeeda somalidu ay maraakiibta ka soo qafaashaan meelo aad uga fog biyaha Somaliya taas oo la sheegay inay U sahasho inay hawlgalada Noocaasi oo kale qadaan xidhiidhka iyo qalbka casriga ah ee ay Xiligani adeegsadaan.

Ugu danbayntii ilaa 20markab aya haatan gacmaha Budhcadbadeeda ku jira iayado dadka Maraakiibtaasi saarana ay gaadhayaan 400 oo qof oo ukala dhashay wadamo badan oo caalmaka ka tirsan taasina waa ta muujinaysa sida ay xiligan Budhacad badeeda Soomaalidu u xogantahay.

Booliska Sucuudiga oo Qab-Qabtay 60 Kun oo Qof oo Ka Dawarsanayey Waddooyinka Dalkaa Iyadoo Dadkaa 33% Ay Yihiin Dad Sucuudiyiin Ah oo u Dhashay Dalkaa

RIYAAD(BCT)- Xukuumada dalka Sucuudiga ayaa sheegtay inay qab aqbteen 60 Kun oo qof oo ka dawarsanayey waddooyinka dalka Sucuudiga, Dadkaa dawarsanayey ayaa xukuumadu sheegtay in sadex meeloodow meel ay yihiin dad u dhashay dalka Sucuudiga oo iyagu ka dawarsada dalka Sucuudiga oo ah mid kamida dalalka ugu Shidaalka badan aduunka,



Booliska Magaalada Riyaad ee caasimada ayaa dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay bilaabeen Ololle lagu ugaadhsanayo dadka ka dawarsada waddooyinka dalka Sucuudiga, Booliska ayaa sheegay in dadka ajnabiga ah ee la qabtay ay gadhayaan 67% halka dadkaa la qabtay ay ka yihiin dadka u dhashay dalka Sucuudigu 33%,


Jariirada Riyaad ayaa sheegtay in dadkaa la qab qabtay 59% ay yihiin Rag halka 25% ay ka yihiin dumar, Arintan ayaa timi kadib markii ay aad ugu soo bateen dadka dadka dawarsanaya waddooyinka magaalooyinka dalka Sucuudiga, Booliska dalka Sucuudiga ayaa sheegay in dadka u dhashay dalka Sucuudiga ee dawarsada lagu wareejin doono hay,ada qaabilsan dadkaa iyadoo la eegi doono xaaladooda nololeed & waxa ku kalifay dawarsiga, Booliska ayaa inta ku daray in dadka iyagu ajnabiga ah ee lagu qabtay iyagoo dawarsanya in la geyn doono jeelasha isla markana laga musaafirin doono dalka Sucuudiga,

“ Wasiir Gaboose waxaan u sheegayaa lagama fadhiyo inaad Ummadda khilaaf ku dhex abuurto” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa(BCT)- Sheekh Aadan Xaaji Maxmuud Xirsi  (Siiro) ayaa maanta Qudbadii jimcaha waxa uu kaga hadlay arimo badan sidoo kalena  waxa uu  Jawaab kulul ka bixyey hadalka soo yeedhay Wasiirka Arimah Gudaha Dr.Maxmed Cabdi Gaboose.

Sheekhu waxaa  uu sheegay mar uu hadalkii Wasiir Gaboose ee shalay ka hadlayey waxa uu yidhi  “ Wasiirka arrimaha Gudaha waxaan u sheegayaa lagama fadhiyo inaad Ummadda khilaaf ku dhex abuurto, anaga ayaa hayna cadaymo cad-cad adiga ayay ahayd shaqadaadii kuwa aanu haynana hadaad daawato yaa Indhaha kaa tuura ayaad odhan doontaa, sharcig ay Ummadani ku heshiisay shirar badan bay qabsatay ma yeeli doonto inaad baal marto waxa uu Dastuurku dhigayo oo ah Shareecada Islaamka wixii ka hor imanay Dalka laguma dhaqi karo.”

 

Waxa kale oo uu Sheekh Aadan Siiro ka hadalay aragtidiisa ku wajahan Xukunka ninka Jarmalka ah ee ku eedaysan falalka dhaqan xumada ah waxa uu yidhi “ Xukuumaddu waa inay ninkaas Maxkamadda u horkeentaa sida ugu dhakhsaha badan, waana inay xukunkiisa u cuskataa Shareecadda Islaamka, laga yeeli maayo inay Baynal Koodh ku xukunto, waanu ognahay inay Garsoorihii Maxkamadda Degmadda ee Kiiska gacanta ku hayay u bedeshay Ciqaabta Ninkaasi leeyahay ayuu marin awgeed.”

 

Mar uu Sheekh Aadan ka hadalayey Dhacdo tan oo kale ah oo dhacday Wakhtigii Asxaabada waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “ waxa jirtay Qiso wakhtigii Asxaabta dhacday nin Kaafir ah baa gabadh Muslimad ah Kufsanayay, Nin Muslim ah oo koone ka soo laabaya ayaa Maqlay qaylada gabadha Markaasuu  ninkii Eryaday seeftiisii ayuu dacal kala gaadhay oo uu dhaawacay, Asxaabigii ayaa la weydiiyay Markaasuu ku jawaabay hadaan  gaadhi lahaa laba ayaan u kala jari lahaa markaasaan waliba “SALBIN” lahaa ayuu yidhi” isagoo tusaalahaasi ku fasiraya Sheekhu ayuu falka ninkaasi ku tilmaamay mid ciqaabtiisu tahay sidaas oo kale leh.

 

Hargeysa: Munaasibad Loo Qabtay 30 Arday Oo Reer Somaliland Ah Kuwaas Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Sudan

Hargeisa (BCT) – Munaasibad  balaadhan oo loo sameeyay sakootinta  Sodon arday oo ka mid ah Ardeydii ka qalin jabisay Dugsiyada Sare ee Dalka oo Deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Sudan, ayaa maalintii shalay lagu qabtay Hutel Summer Time nee magaalda Hargeysa.
 Munaasibada  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo la iskugu yeedhay Ardeydan Tiradoodu gaadhaysay Sodonka Ardey ee deeqda Waxbarasho ka helay Wadanka Sudan, ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Maxamed Cali, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Axmed Xaaji C/laahi Cumar (Xamarji), Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka, Masuul Ka tirsan Alneelayn, iyo Waalidiinta Ardeyda Deeqda Waxbarasho helay.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in Ardeyda Deeqda Waxbarasho ka heshay Sudan dardaaran iyo dhiiri galin loo sii siin lahaa isla markaana loogu sheegi lahaa noocyada Kuliyada ay deeqaha Waxbarasho ka heleen iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen bixitaankooda dalka Sudan.
Munaasibadaa waxa ugu horayn ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Dalka, isla markaana qayb weyn ka qaatay Deeqdan Waxbarasho ee Ardeyda Somaliland hesho, waxaanu sheegay in Taariikh soo jireen ah oo dhinaca Waxbarashada ah ka dhaxeeyay Somaliland iyo Sudan.
Sheekh Aadan Siiro wuxuu amaan balaadhan u soo jeediyay Dawladda Sudan oo uu tilmaamay in Ardey tiradoodu gaadhayso sodon ardey ay deeq siisay taas oo isugu jirta Kuliyado muhiim ah oo ay ka mid tahay Caafimaadka, Injineerinka, Beeraha, iyo Culuun kale.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo arimahaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi “Waxaanu maanta halkan u fadhinaa Ardeydii ugu tirada badnayn ee ay Deeq Waxbarasho siiso Dawladda Sudan, taas oo ah arin in muddo ah laga shaqaynayay oo hawl culusna ku baxday sidii ay u suurto gali lahayd in Deeqdan waxbarasho ay helaan Ardeyda reer Somaliland ee ka qalin jabisay Somaliland”.
Waxa kale oo uu sheekhu xusay in deeqdan ay heshay Ardeydu ay kaalin weyn ka qaateen sidii ay u heli lahaayeen Axmed C/raxmaan Sheekh Bashiir iyo Sheekh Axmed C/salaan, kuwaasi oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay siday isugu xil saareen sidii Ardeyda Somaliland ugu raadiyeen deeqdan.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray waxa uu sheegay in Ardeydan lagu soo xulay sida ay u kala sareeyeen Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Maxamed Cali oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn mahad naq balaadhan u jeediyay Dawladda Sudan oo uu tilmaamay inay tahay Dawlad mar kasta garab taagan sidii ay Ardeyda Somaliland ugu deeqi lahayd, isaga oo sidoo kalena amaan u soo jeediyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay sidii Ardeydan loogu diri lahaa.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad ugu mahad naqayaa Dawladda Sudan ee Deeqda Waxbarasho u fidisay Ardeyda halkan fadhida ee iyagu Nasiibka u helay in ay helaan Deeqdan Waxbarasho ee dalka Sudan ay ka heleen.

Waxaan leeyahay waad nasiib badantihiin Ardeydiina intaa le’eg ee Deeqda Waxbarasho helay waliba Kuliyada aad u fiican oo aynaan hore u heli jirin oo u badan Caafimaadka”.
Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxaan rajaynayaa in marka aad wax soo barataan dalkiina dib ugu soo noqotaan oo aad uga faa’iideyn doontaan wixii aad soo barateen”.
Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay Xasan Qalinle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka iyo Dr Xamse Barre oo ka socday Jaamacada Alniilayn waxaanay labada masuulba ku nuuxnuuxsadeen Xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Sudan, waxaanay ku dhiiri galiyeen Ardeyda u baxaysa Dalka Sudan ee Deeqda Waxbarasho loo fidiyaay inay ka faa’iidaystaan jaaniskaa ay heleen.
Ugu dambeyntii Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa Ardeydaa iyo Waalidiintooda u soo jeediyay inay iska soo dhex xulaan guddiyo ka hawl gasha anbabaxooda.

Dugsi Cusub oo la Magac Baxay CRUIES oo Magaalda Hargeysa Laga Furay +SAWIRO

Hargeysa (BCT)- Xaflad baladhan oo si wayn loo soo Agaasimay oo loogu talo galay Furitaanka Dugsiga Cusub ee Kuruus Secondary School ayaa manta lagu Qabtay Hotel imperial.



Xaflada Furitaka Dugsigan Cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda, Badhsaabka Gobolka Hargeisa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiyadda Qaranka iyo marti shara kale oo tiro badan.

Ugu horayn waxaa Madasha hadal kooban ka jeedisay Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac isla markaana ku hadlaysa magaceeda iyo ka Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ayaa waxay mahadnaq uso jeedisay maamulka dugsiga cusub dadaalka ay ugaleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka Waxbarashada Dalka iyo Dhiiri galinta Da,yarta, waxaanay ku boorisay inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.



Waxaa isaguna Madasha ka hadlay Maamulaha Dugsiga Cusub ee Kuruus Eng.C/rashiid Cumar waxaanu faahfaahin ka bixiyay sababihii ku dhaliyay furitaanka dugsigan, waxaana uu sheegay in manta waxbarashada Dugsigu ay ku baxayso manhajka itoobiya, isla markaana Xarunta koowaad ee Dugsigu ay ku taalo dalka itoobiya, halka xarunta labaadna ay noqon doonto Hargiesa Somaliland.

Geesta kale waxa uu sheegay Maamulaha Dugsigu inay Xidhiidh la sameeyeen Dugsi wayn oo jiray Muddo 15 sanno ka badan, isaga oo balan qaaday inay ardayda si wayn ugu dhisi doonaan xaga luqadda ingiriisga oo ay inta badan ardayda dalkeenu ku liidato. 


Sidoo kale waxa ENG. C/rashiid sheegay inay xidhiidh fiican la samayn doonaan Waalidka, macalimiinta iyo Ardayda isla markaana ay wada shaqayni dhex mari doonto maamulka iyo Waalidiinta, si loo Ogaado loogana Warhayo Ardayda, waxaanu ku dheeraaday in uu dugsigoodu noqon doono mid dalka wax u soo kordhiya, sidoo kalena aanu dugsigu ka hadhi doonin ardayda xataa marka ay dhamaystaan Dugsiga.



Waxaa isaguna halkaasi Hadal kooban ka soo jeediyay Badhasaabka Gobolka Hargeisa Mudane Abxmed C/lahi Cumar (Xamarje) oo xusay inay isaga farxad gaar ah u tahay ka qayb galka xaflada furitaanka dugsigan, ka maamul ahaana wixii ay uga baahdaan gacan ka siin doonaan.

Waxa iyaguna Xafladaasi Hadalo ka soo jeediyay Xubno ka tirsan Xibiyadda Qaranka oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ee UCID Muuse Inji, Agaasimihii hore ee Televition-ka qaranka Maxamed Muuse Diiriye oo ka tirsan Xisbiga UDUB iyo xubno kale oo ka mid ah ururadda Bulshada, waxaanay dhamaantood ka warbixiyeen Qiimaha Tacliintu uleedahay Ardayda iyo sidii looga qayb qaadan lahaa horumarka Waxbarasho ee tDalka Somaliland. 



Dugsigan oo noqon doono mid ka manhaj duwan Dugsiyadda waxbarasho ee Somaliland ayaa la filayaa in kaalin mugle ka qaadan doono Waxbarashadda Dalka.


C/raxman Axmed Ibraahin (Bataash)

Thursday, November 25, 2010

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta La Kulmay Wasiirka Arimaha Afrika u Qaabislan Dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham

Warsaxaafadeed

Taariikhda: 11/24/2010

 

LONDON(burcotodfay)- Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.

 

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.

 

Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.

 

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.

 

Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.

 

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha  arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen  hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.

 

Allah Mahad Leh

Hirsi Haji Hassan

Chief Of Cabinet

Wararkii Wargeyska OGAAL Cadadkii Maanta Khamiis 25/11/10

Xukuumadda Somaliland oo burisay go’aan ay hore ugu dhawaaqday

“Uma aragno inay xumaan u yimaadeen, balse waxay u yimaadeen inay…”
Wasiir Daakhiliga Somaliland
“Waxay doonayaan inay shaqaaqo iyo fadqalalo abuuraan, kuwaasna ma ogolaanayno, ciidankuna amar bay ku haystaan inay celiyaan oo…”
Wasiir kuxigeenka Daakhiliga Somaliland
Hargeysa, 25 November 2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay siday u aragto wefti ka socda maamul-gobolleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliya ee BBC, waxa uu ka hadlay weftigaas Puntland ee ku sugan degmada Buuhoodle, iyadoo uu wax ka bedelay hadal uu wasiir kuxigeenkiisa mr. Cismaan garaad Soofe Isniintii todobaadkan ku dhawaaqay oo lagu sheegay aragtida Xukuumaddu ka qabto weftigaas Puntland.
Dhawaaqii hore ee Xukuumadda:
Wasiir kuxigeenka oo Isniintii Warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa uu digniin u jeediyay weftiga Puntland oo uu waqtigaas aan iman Buuhoodle, kuwaasoo uu tilmaamay inay doonayaan inay dhibaato horleh ka dhex bilaabaan wadahadalka nabadeed ee beelaha dhowaan ku diriray degaanka Kalshaale. “Waxa jira koox siyaasiyiin ah oo iyagu ka soo jeeda Puntland oo sida la sheegay ay ka mid yihiin wasiiro, ma ogolin in wax shaqaaqo ah iyo wax isku dirid ah laga dhex huriyo labadaa beelood ee muddada shanta maalmood ah ay hawshoodu socotay ee loo gurmaday meel fiicana ay marayso arrintoodu ay hadda taagan tahay wadahadal iyo meeshii lagu wadahadli lahaa, nimankaas oo arrinta ay u socdaan ay tahay inay dhibaato iyo shaqaaqo horleh ay ka sameeyaan meeshaa,” ayuu yidhi. “Markaa waanu uga digaynaa kooxdaa wasiirada sheegaynaysa iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ah ee la socda inay yimaadaan deegaankaa Buuhoodle ee ay ka socoto hawshaasi mana ogolaanayno, umana dulqaadaynayno,” ayuu raaciyay.
Wasiir kuxigeenka Arrimaga Gudaha Somaliland mr. Cismaan Garaad Soofe, waxa uu sheegay in ciidamada qaranku amar ku haystaan inay weftigaas ka celiyaan Buuhoodle. Hase yeeshee, weftigaas oo ka kooban wasiirada Kalluumaysiga, wasiir kuxigeenka Waxbarashada, guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland, saddex Xildhibaan iyo afar ka mid ah Isimada Dhaqanka oo Salaasadii gaadhay degmadaas, waxay soo dhawayn kala kulmeen dadka degaanka, iyadoo muddadii ka dambaysayna ay ku sugnaayeen gudaha Buuhoodle oo siday sheegeen ay u yimaadeen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xalinta shaqaaqada labada beelood ee wajigeedii koowaad lagu guulaystay. “Ciidamadayada qaranku meel kasta oo laga soo galayo Buuhoodle oo nimankaa qas wadayaasha ahi ay ka soo galayaan anaga oo aan waxba ka sheegayn dawlada (Puntland), laakiin kuwa aanu ka hadlaynaa waa kuwa deegaanka ka soo jeeda ee doonayo inay shaqaaqo, fadqalalo iyo ku ganacsi ay ka abuuraan, kuwaasna ma ogolaanayno, ciidamaduna meel kasta oo ay ka soo galayaan amar ayay u haystaan inay ka celiyaan,” ayuu raaciyay wasiir kuxigeenku.
Dhawaaqa cusub:
Hase yeeshee, wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in aanay Xukuumad ahaan wax xumaan ah u arag imaanshaha weftigaas Puntland. “Wallaahi, wararka hadda i soo gaadhaya waa run way jiraan wasiiro Puntland ah oo ka soojeeda deegaanka oo ah reerka ay dhibaatadu dhinac ka saamaysay, markaa waxay ku yimaadeen nin walba meel kasta ha joogee waa reerkiisii dhibaatadaas nabadgelyo xumi way saamaynaysaa. Markaa anagu hadda markii aanu warkii baadhnay, uma aragno inay xumaan u yimaadeen, balse waxay u yimaadeen inay nabada qaybtooda ka qaataan, dawlada Somaliland-na waxa ka go’an in maamulka Puntland ay kala shaqayso sideedaba arrimaha nabadgelyada hadday xadka tahay, hadday tahay cid kale, waayo cadaw midaysan ayaanu leenahay. Nabadgelyada halkaa ka xumaataa saamayn bay ku yeelan kartaa dawladda Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland, markaa haddii sidaa lanoo sheegay ay u yimaadeen ee ah inay yihiin dad u yimi deegaankii ay u dhashay dhibaatadiisa wax ka xaliyaan, dhibaato uma aragno,” ayuu yidhi wasiirku.
Dhinaca kale, wasiirku waxa uu sheegay in aanu ka warqabin ergooyin Laascaanood ka socday oo ay dhowaan koox nabad-diid ahi ka celiyeen gudaha degmada Buuhoodle, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in degmadaas ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. “Anigu ma ogi meel maamulka Puntland-na loogu ogolaaday, dawlada Somaliland-na loogu diiday – Buuhoodle waa deegaan Somaliland, waxa ka taagan calanka Somaliland, waxay leedahay badhasaabkeedii, maamulkeedii iyo ciidankeedii. Waa run oo xaqaa’iqu waxa weeye, in gobolka Sool, degmada Buuhoodle iyo Sanaag/bari ay wali ka jiraan maamul-fidintiisii ay goldaloolooyin ku jiraan, laakiin taa macnaheedu maaha Somaliland loo diiday, loomana diidi karo, ragga halkan joogaana waa rag tagi kara waqtigay doonaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Xalay: Hawlgalkii Ciidamadu sameeyeen iyo rasaas ay ku kala dareeriyeen dad gadoodsanaa
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa xalay hawlgalo ka sameeyay caasimadda Hargeysa.
Ciidankaas oo fiidkii la dhigay inta badan jidadka Hargeysa, waxay baadhitaano ku samaynayeen gaadiidka.
Ma jiro wax war ah oo Boolisku ka soosaaray hawlgalkaa cusub oo ay ka qaybqaateen ciidamo ka kala tirsan Booliska oo ay weheliyaan laanta nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan iyo ciidamo Milateri ka tirsan.
Hase yeeshee, siday ilo xogogaal ahi u sheegeen Wargeyska Ogaal, amarka hawlgelintaa ciidanka waxa bixiyay taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi Rooble Furreh (Cilmi-kabaal), iyadoo ciidankaasna la dhigay goobaha isgoysyada ah iyo jidadka hawlbowlaha ah ee caasimadda. “Ciidanku waxay gaadiidka ku samaynayaan baadhitaano dheeraad ah oo xataa waxay nagu amreen in aanu furo qaybta dambe ee baabuurta iyo in muraayadaha la dejiyo,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah gaadiidlayda caasimadda. “Waxay igu joojiyeen ugu yaraan lix goobood oo ah jidka aan marayay,” ayuu raaciyay.
Ma cadda waxyaabaha sababay xoojintan cusub ee amniga, iyadoo ay dadweynuhu dareemo kala duwan ka bixiyeen.
Dhinaca kale, ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska, ayaa la dhigay Tiyaatarka Hargeysa oo dhinaca bari ka xiga xarunta dawladda Hoose.
Waxa la sheegay in sababta ciidankaas oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaan SPU loo geeyay Tiyaatarka oo hadda dhisme ka socdaa ay la xidhiidho ka dib markii ay gadood sameeyeen dad hortiisa ku ganacsanayay oo la raray.
Dadkaas gadoodsan oo iyagoo budhadh ku hubaysan soo hujuumay goobtaas, waxay cawayskii dambe ee xalay ciidanku ku kala dareeriyeen rasaas ay kor u ridayeen oo laga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Hargeysa.
Soomaaliya: Ciidanka AMISOM oo raalingelintoodii koowaad bixiyay
Muqdisho, 25, November 2010 (Ogaal/BBC)- Maj Gen Nathan Mugisha oo ah taliyaha sare ee Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaliya, ayaa  raaligelin ka bixiyey dhimashada laba qof oo ay ku dileen magaalada Mogdisho, isagoo sheegay in todoba kalena ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamadu rasaas ku fureen dadkaa garoonka diyaaradaha agagaarkiisa. “Ma garan karno in ciidamadu ka jawaabayeen weerar nafahooda ku yimi,balse, dhamaan ciidamadii qeybta ka ahaa  dhacdadaa waxay ku jiraan gacanta ciidamada, badhitaan dhamaystirana waanu samayn doonaa,” ayuu yidhi.
Sida uu sheegay weriye ka tirsan qaybta Ingiriisiga ee BBC-da, waa markii ugu horeysay ee ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaliya ay raaligelin ka bixiyaan dhimasho soo gaadhay dadka rayaidka  ah ee caasimada Mogdisho. Tiro gadhaysa 8,000 oo ciidamo ka socda Afrika ayaa ka kaalmaynaya dawlada dhexe ee aan taagta lahayn dagaalka ay kula jirto qolyaha diinta ku qadhaabta ee dagaalka kula jira.
Todobaadkii hore, in ka badan 20 shicib ah aya ku dhintay laba qarax iyo xabado ka danbeeyey oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Soomaliya, waxaana la sheegay inay adag tahay dhabtii ogaanshaha tirada rasmiga ah ee shicibka ku  dhaawacma. Bishii hore, Ururka bisha Cas ee Caalamiga ah (ICRC), oo maamula saddexda dhakhtar ee ugu waaweyn  Muqdisho ayaa sheegay in boqolkiiba 25% uu sare u kacay dadka ku dhaawacma dagaalada sannadkan. Laakiin afhayeen u hadlay ciidamada nabad-ilaalinta ee Soomaliya ayaa sheegay in ciidamadooda oo joogay ilaa sannadkii 2007, aanay abaarin meelaha dadku ku badan yihiin, balse ay keliya ka jawaaabaan marka la soo weeraro.
Dhinaca kale, warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda dadka la heyb-sooco ee caalamiga ah (MRGI)  ayaa sheegtay in xaalada Soomaliya dadka ay saamaynta weyn ku hayso ay yihiin dadka laga tirada badan yahay. Taasoo intaa la raaciyey in shacabkaasi inta badan kala kulmaan degaamada ay Al-shabaab ka taliso Qoor-goyn, kufsi iyo wax la mid ah.   
Bishii July, ayey ahayd markii Al-Shabab ay qirteen inay iyagu ka danbeeyeen laba weerar oo ka dhacay caasimada wadanka Uganda ee Kampala, oo halkaa ku dilay ugu yaraan 76 qof.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay wasiir ka tirsan dawladda UK
London 25, November 2010 (Ogaal)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada London, ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsa arrimah Afrika.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada oo ka md ah weftigaas, Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxay subaxnimadii shalay wadahadalo la yeesheen wasiir Henry Bellingham. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.
Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.
Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.
Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha  arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen  hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Waftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odayaasha ee Barlamaanka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Waftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Johns of Bletso.”
Hargeysa: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo shalay dhaawacmay
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu ku siibtay gurigiisa dhexdiisa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu shalay galab soosaaray Xoghayaha xisbiga Mr. Kayse Xasan Cige, guddoomiyaha waxa uu dhaawac ka soo gaadhay laba Feedhood oo dhinaca Midig ah. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Waxaa maanta (saaka) (shalay subax) oo taariikhdu tahay 24 November 2010  abaara 7:00 subaxnimo gurigiisa dhexdiisa ku kufay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biiixi Cabdi, isagoo uu la  siibtay Marmarka guriga dhexdiisa.
Guddoomiyaha waxaa soo gaadhay dhaawac yar oo  fudud, kana soo gaadhay labada feedhood ee dhinaca Midigta oo cad-go’ay. 
Guddoomiyaha caafimaadkiisu aad ayuu u fiican yahay oo hadda nasasho u joogaa gurigiisa.”

Xukuumadda oo markii u horaysay ka hadashay dacwada ninka Jarmalka ah
“Ninkani waa nin la xidida deegaanka, markaa maaha nin dalka iska yimi, laakiin…” Wasiirka Daakhiliga Somaliland
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Xukuumada Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay kiiska nin Jarmal ah oo labadii todobaad ee u dambeeyay hadal-haynta dacwadiisu ka taagnayd dalka.
Ninkan ajaanibka ah oo lagu magacaabo Mr. Guntar Bischoss, waxa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan-xumo ah oo ugub ku ah Maxkamaddaha Somaliland, kaasoo gudogalka dhegaysiga dacwadiisa oo ay gacanta ku hayso Maxkamadda degmada Hargeysa ay maalintii afraad dib u dhacday. “Ninkani waxa uu sameeyey waa arrimo dhaqan-xumo xaga bulshada ah, qofkastaana dalka uu joogo  waxa ku waajib ah inuu shuruucdooda iyo dhaqankooda uu ilaaliyo, isagana dalku uu ilaaliyo xuquuqdiisa. Markaa ninkan waxa soo qabtay hay’adaha amniga, hay’adaha amniguna sida ay sheegeen waxa weeye in falal aan ku haboonayn diinteena iyo dhaqankeena suuban lagu hayo, waxaanay u gudbiyeen sidii ugu dhakhsaha badnayd ugu gudbiyeen hay’adda Garsoorka,” sidaa waxa yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ninkan oo qaba haweenay reer Somaliland loo qabtay qareen difaaca. Ninkani waa nin la xidida deegaanka, markaa maaha nin dalka iska yimi, laakiin waa nin dalka ku yimi xididnimadaas oo shaqeeya,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in baadhista ninkaasi ay hadda ka gudubtay hay’addaha amniga dalka, isla markaana ay kiiskiisa gacanta ku hayaan hay’addaha Garsoorka Somaliland.
Xukuumadda cusub oo lagu eedeeyay inay aargudasho kula kacday Shaqaalaha dawladda
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Ururka SOHIRA oo ay ku midoobeen ururada xuquuqal-insaanka Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumaddu aargudasho kula kacday Shaqaalaha dawladda.
Afhayeenka ururka SOHIRA mr. Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Xuquuq) oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Xukuumadda xisbiga KULMIYE ay shaqaale dawladeed ku caydhisay inay UDUB  u shaqaynayeen. “Shaqaalaha dawlada intii xisbiga KULMIYE qabsaday maamulka dalka waxa na soo gaadhaysa cabashadooda oo ah in lagu eryayo UDUB ayuu ahaa, waana nasiib-darro arrintaasi,” ayuu yidhi Saleebaan-xuquuq. “Xukuumaddani cid walba iyada ayaa u ah dawlad, waxaana la doonayay isbedel inuu yimaado oo la hagaajiyo Shaqaalaha, tan ay xukuumaddu ku kacaysaana hagaag uma muuqato,” ayuu raaciyay. Wuxuuna cambaareeyay ficiladaa uu xusay in Xukuumadda cusubi kula kacday shaqaalaha dawladda qaarkood.
Dhinaca kal, Afhayeenka SOHIRA waxa uu cambaareeyay magacaabista gabadh uu dhalay Gen. Maxamed Cali Samatar, taasoo todobaadkii hore loo magacaabay Wasiirul-dawlaha xafiiska Raysal-wasaaraha ee Soomaaliya. “Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa haddaanu nahay isku taga xuquuqal-insaanka Somaliland, magacaabista uu Ra’iisal-wasaaraha Sheekh Shariif u magacaabay Sahra Maxamed Cali Samatar oo ah gabadha uu dhalay dhagar-qabe Maxamed Cali Samatar oo dacwad dambiyo dagaal ahi iyo dambiyo ka dhan ah aadaminimada ay kaga socoto dalka Maraykanka.
Muhimada ama shaqada ay qaban doonto Sahri, waxaanu aaminsahay inay tahay mid ay ku doonayso inay aabaheed kala baxsato dacwadaas oo ay ku soo oogeen muwaadiniin reer Somaliland ah. Waxaanu u sheegaynaa Sheekh Shariif iyo Ra’iisal wasaarihiisa in magacaabista gabadhaasi ay xumayn doonto xidhiidh kasta oo ay labada dawladood ka wadahadli lahaayeen,” ayuu yidhi Saleebaan-Xuquuq.


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Biyaha ee Kenya
Nairobi, 25 November 2010 (Ogaal)- Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shalay kulan la yeeshay madaxda wasaaradda biyaha ee dawlada Kenya.
Masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Kenya, ahna ku simaha wasiirka Mr. David Stower, Maareeyaha guud ee wakaalada Biyaha Kenya Mr. Lawrence N. Simutu iyo waliba isuduwayaasha wasaaradda biyaha ee gobollada bariga iyo waqooyi bari ee dalkaas.
Wasiirku waxa uu masuuliyiintaas kala hadlay sidii ay Somaliland uga kaalmayn lahaayeen dhinaca Biyaha iyo waliba wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan labada wasaaraadood, iyadoo aymasuuliyiintaasina soo dhaweeyeen arrintaas, isla markaana caddeeyeen inay soo dhawaynayaan xidhiidh kasta oo ay la sameeyaan wasaarada Macdanta iyo Biyaha Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka Macdanta oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Kenya, waxa uu ka qaybgalay shirar caalamiya oo lagaga hadlay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxa la sheegay in wasiirku maalmaha soo socda kulamo kala duwan la qaadan doona saafaradaha reer Galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo waliba wasaaradda awooda Korontada ee dalka Kenya.
Kulankan shalay uu wasiirku la yeeshay masuuliyiinta wasaarada Biyaha ee dalka Kenya, waxaa ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indhabuur).

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo la kulmay Madxda Wasaarada Biyaha ee Dalka Kenya

War saxaafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ee Kenya:

Wasiirka wasaarada macdanta iyo biyaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Hussein Abdi Du’ale ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay madaxda wasaarada biyaha ee dawlada Kenya oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradaas ahna kusimaha wasiirka mudane David Stower, maareeyaha guud wakaalada biyaha Kenya mudane Lawrence N.Simutu iyo waliba isu duwayaasha wasaaradaas ee gobolada beriga iyo waqooyi bari.
DSCN0225
Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland mudane Hussein Abdi Du’ale ayaa kala hadlay madaxda wasaaradaas sidii ay Somaliland uga kaalmeyn lahaayeen dhinaca biyaha iyo waliba wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan labada wasaaraadood, hadalkaas ayay aad uso dhaweeyeen madaxda wasaarada biyaha ee Kenya iyagoo si debecsanaan ka muuqato u sheegay inay soo dhawaynayaan xidhiidhkasta oo ay la sameeyaan wasaarada macdanta iyo biyaha Jamhuuriyada Somaliland.
DSCN0232
Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland ayaa maalmahanba safar shaqo oo uu ku joogay dalkan Kenya aad ugu muujiyey dadaal badan oo uu ugu jiro sidii Somaliland goboladeeda biyo ku filan loogu heli lahaa gaar ahaan caasomada Hrgeisa o ah meesha ugu daran wakhtigan xaadirka ah. Wasiirka ayaa sidoo maalmahan fooda inagu soo haya kulamo kala duwan la qaadan doona saafaradaha reer galbeedka , haayadaha caalamiga ah iyo waliba wasaarada awooda korontada ee dalkan Kenya.
Kulan kan maanta waxaa wasiirka ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka Kenya mudane Mahamed Ahmed Nuur (Indhabuur).

Kooxda Al-shabaab Mamnuucday Casharada Sh. Dirir iyo Ehlu Sunah oo Mamnuucay Muxaadarooyinka Sh. Mustafe

Muqdisho ( OWN) – Kooxda al-shabaab ayaa ku soo rogtay amar ku qasbaya idaacada magaalada Jowhar ee dalka Soomaaliya in aanay baahin karin casharada Tasiirka Quraanka iyo casharada kale ee diiniga ah ee uu leeyahay wadaadka reer Somaliland ee Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.
Sheekh Osaama oo ah sarkaal ka tirsan golaha wacyi gilinta al-shabab ee magaaladda jowhar ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo isla markaana lagu hor istaagayo duruusta diiniga ah ee wadaadkaasi leeyahay ee laga sii daayo idaacada magaaladda Jawhar .
Waxa uuna dadka uga digay dhageysiga wadaadkaasi oo ciddii lagu arko talaabo adag laga qaadayo.
Maamulka magaaladda Jawhar wax faahfaahin kama ay bixin sababta ku kaliftay inay joojiyaan baahinta casharadda Sheekhu tabiyo, laakiin dadkan arrimaha la socda ayaa sheegay inay ka biyo-diideen hanaanka sheekhu u bixiyo casharada ugana faalloodo islaamka iyo nabadda.
Maaha markii ugu horaysay ee kooxda-diimeedyada ka jira Soomaaliya ay hor joogsadaan tabinta casharadda iyo muxaadarooyinka wadaadada aadka looga dhagaysto gayiga Soomaalida, balse kooxda Ahlu Sunnah oo iyana ka mid ah kooxo diimedyada dalka Soomaaliya ayaa mamnuucay baahinta casharo diimeedka wadaadka kale ee reer Somaliland ee Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.
Idaacadaha kala ah Caabud-Waq Radio,Codka Galgaduud iyo Idaacada Badbaado ayaa shaqadooda joojiyay iyagoo soo bandhigay sababta shaqada ay u joojiyeen, kadib la faray in ay joojiyaan Baahinta Muxaadarooyinka kala duwan oo ay saraakiisha Ahlu sunnah sheegeen in ay necebyihiin.
Gaar ahaana Saraakiisha ahlu sunah ayaa Idaacadahaasi amray in ay joojiyaan Muxaadaraadka uu duubay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo Wadaadado kale.
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in aan Gobolka dhan laga maqli Karin Muxaadarooyinka ay duubaan Wadaadada ay u yaqaanaan Wahaabiyada oo ay Sheekh Mustafa ka magacaabeen.
Saddexda Idaacadood ayaa waxaa sidoo kale la faray in aanay Alshabaab odhan Karin Xarakada Mujaahidiinta taasi oo ay sheegeen in ay sharci ka bax tahay.
Saddexda Idaacadood ayaa ka biya diiday amarka ahaa Joojinta Muxaadarooyinka Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo Muxaadarooyinkiisa kaga hadla xaalada haatan dunida marayso.
Xigasho Waaheen.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
.

Warsaxaafadeed: Ku Saabsan Warkii Ugu Dambeey Ee Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo

Warsaxaafadeed

Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.

Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.

Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha  arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen  hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.

Waftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odoyaasha ee Barlamaanka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Waftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Johns of Bletso.

 

Allah Mahad Leh

Hersi Ali H. Hassan

Chief Of Cabinet

SAWIRKA MAANTA. Nin Soo Dabtay Waraabe Suuqana La Dhex Maraya

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalmiga Ah Ee burcotoday Waa Nin African Ah oo Soo Dabtay Waraabe Isla Markaana Xadhig Ku Soo Xidhay, Isagoo La Dhex-maraya Suuqa Dhexdiisa,  Daawasho Wacan

Xogaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka hadlay Dhaawac fudud oo Gaadhay Gudoomiye Muuse Biixi

Hargeysa (burcotoday)- Guddoomiyaha xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta dhaawac aad u fudi ka soo gaadhay laba feedhood oo cad go’ay ka dib markii uu ku siibtay marmarkii Gurigiisa magaalada Hargeysa.

Sidaas waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Md.Keyse Xasan Cigge, ayaa lagu sheegay in xaalada Guddoomiyuhu aad u fiican yahay oo uu ku jiro nasasho, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Waxaa maanta (saaka) oo taariikhdu tahay 24 November 2010 abaara 7:00 subaxnimo gurigiisa dhexdiisa ku kufay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biiixi Cabdi isagoo uu la siibtay marmarka guriga dhexdiisa. Guddoomiyaha waxaa soo gaadhay dhaawac yar oo fudud kana soo gaadhay labada feedhood ee dhinaca midigta oo cad-gu´ay.
Guddoomiyaha caafimaadkiisu aad ayuu u fiican yahay oo hadda nasasho u joogaa gurigiisa.” Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeedka uu soo saaray Xogahayha Guud ee xisbig Kulmiye Md.Kayse Xasan Cigge.

 

Wednesday, November 24, 2010

tobanka qof eee facebook ugu haysta xaga talada iyo wanaag iyo dhiiriigalintaaa dhalinyarada eee ka soo jeeda somaliland‏

Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay naxariis iyo nabadgelyo buuxda korkiisa ha ahaato Nebigeenii Muxumed.
C.S.W, marka xigta waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha somaliland  meelkasa oo ay joogaanba.
Waxa jirtay dad badan oo soo galaaa faceboookag lakiin  si fiican ugu soo bandhigaaaaa
 wax kastaaa oo ku sabsan hormarka  dhalinyarada iyto dhiriigalintaaaa
  hadaba anigu waxan ka soo qatay dadka an jeclahay  ama an ka helo qoraaladooda  iyo maansooyinkaada
 dadkaaas oo kale jooga dhul kale duwan lakiin aad moodin in ay  isku fikiir dhowyihiin
 waxan soo qataya dadka an is leeyaha waxay ku fiican yihiin
 hormaarka . waanada .talaada hogtusaalayanta, dhiiriigalinta . cadalaada . wax barshada  iyo waxkasta oo ku sabsan
 hormarka dadka iyo dalka  waxa ka mid ah dadka an ka helo  qormadooda  …..

1.Aamiin Hassan Daacad waa wiil Reer burco ah aad & aadna u jecel Dhulkiisa Hooyo ee Somaliland jecelna inuu noqdo madaxweynaha somaliland
2. Jamal Ali Hussein: waa abwaan aqoonyahan reer  somaliland ah buugaag badano xiiso lehna qorey kuna soo bandhiga maansooyin xiiso leh wana abwanka keliyee facbook gabay u tiriyey intan arkey
2.Abdillahi Hassan Ganey waa abwaan ku soo badhigaaa maansooyinka oo dhan kuu ku sabsan talada  dhalinta  iyo dhulka  waaan
3.aqoonyahan Adirazzaq Jama Gas waaa  aqoonyahan ku soo badhigaa facebooga wax kasta oo dunida ku cusub  kaftanka kama maqan
4.Yussuf Somalilanderboy: Shaqsiyadda ugu soo War-tabinta Badan Arimaha Dalka iyo Gudahaba
5.Dheegsan The Junior: waa wiil reer hargeysa ah oo ku jira kooxda Hidaha & dhaqanka hargeysa
5.Yusuf Daahir: waa nin u dhashey Somaliland oo aad u ugu ololeeya Aqoonsiga somaliland & sidey somaliland u noqonlahayd wadan jira
6.Wiil Daahir: Shaqsiyadda ugu soo War-tabinta Badan Arimaha Dalka iyo Gudahaba
6.Abwaan Qalinle:waa abwaan da'yar oo reer burco ah jecelna inuu noqdo abwaan aad lo qadariyokuna soo bandhiga mansooyinkiisa cusub facebooka
7.Adnan Yasin:Shaqsiyadda ugu soo War-tabinta Badan Arimaha Dalka iyo Gudahaba
8:Maxamed Axmed Ismail(somalilander):waa gudoomiyaa dhalinyarada gobolka togdheer isla markaana ay ku dheertahay somalilandernimadu

GROUPS:
#Groupka Somaliland is where the HEarts belong: waa group aad loogu falanqeeyo Horumarka & daily activieska ka socda somaliland
#groupka Somaliland is Country That Exists oo ah group aad loo jecelyahy dadka ku jiraana 100% yihiin pure somalilanders oo daqiiqad daqiiqad ula socda somaliland
#Burco Hooyada Somaliland: Maanshaa allah dhulka ilaahay ma simine galbeedbaa lagu ogyahay gu' barwaaqo oo da'ay,dhulka doogu qariyoo, simantahay dareemadu,lo'du daaqsin dharagii,duleedkayna dhaafayn, ruuxii dalxiis iyo,aragiisu daymada, rabo doogsi iyo qurux, ma gudbana dalkeenuye, indhahaaga diiftiyo, siigiyo dabayluha, ka ilaali daranyada, do......oxyada Burco iyo, Sheekh dusheediyo,daligii beeratiyo , soo daawo Oodweyne

Africa is resisting the threat of Europe's free trade agreements

Written by The China Post   
Nov 23, 2010 at 07:04 PM

KUALA LUMPUR -- The economies of Africa, the world's poorest region, are under severe threat from free trade agreements that they are under pressure to sign with the European Union, the world's richest region.
Under these economic partnership agreements (EPAs), Europe wants Africa to open up its economies to European goods, services and companies.
But the African countries are understandably worried their small industries and service operators will not be able to survive free competition from giant European companies, banks and commercial firms.
Moreover, African farmers will lose their markets to artificially cheap European food imports that are heavily subsidized, if agricultural tariffs are reduced or eliminated.
These concerns, and more, were expressed by African trade ministers at their meeting in the Rwandan capital of Kigali earlier this month.
One minister described the EPAs as placing African countries into the mouth of a lion in a repeat of the colonial experience.
The Ministers adopted a declaration on the EPAs which made clear their opposition to the EU's model of EPAs.
Also, in a show of regional unity, the African Union Commission and the continent's five regional economic commissions covering Eastern, Central, Western and Southern Africa, published a position paper detailing the many problems the EPAs will cause.
They also proposed various ways for Africa to get out of its predicament, instead of signing the kind of EPAs that Europe insists on.
Some African Presidents are expected to voice the region's concerns at a Europe-Africa summit in Tripoli next week.
The growing African resistance to the EPAs is the latest stage in a long saga which started when Europe decided to end the long-standing post-colonial arrangement which gave trade preferences for products coming from African, Caribbean and Pacific (ACP) countries.
The ACP countries did not have to give preferences for European products in return.
However, under the Cotonou agreement, these ACP countries would have to sign EPAs with Europe by the end of 2007 if they want to continue to enjoy trade preferences.
Three years after the deadline, few African countries have signed the EPAs because of their damaging effects.
The EC has threatened to remove the preferences from countries that have not signed up. These countries face a dilemma.
They face the pressure to sign in order to maintain their preferences and not lose some of their exports to Europe.
On the other hand, these countries resist signing because of the many adverse consequences.
Firstly, the African countries fear that their local industries and farms will be damaged because the EPAs require them to reduce their tariffs to zero for 80 percent of their imports from the EU.
Many local products may not survive or will lose market share to the cheapened European imports.
They are also against several other trade conditions, including prohibiting or restricting the use of export taxes.
Most African countries tax the exports of some of their raw materials so that local industries can use them for processing or manufacturing.
A ban on export taxes will prevent African countries from taking measures to add value to their primary commodities and to climb the value chain and industrialize.
The loss of import duties and export taxes will also reduce government revenue since these trade taxes are a large part of their income.
Secondly, the African countries are asked to open up their service sector, ranging from telecoms and retail trade to banking, to European firms.
In the EPAs with the Caribbean countries, they opened up 70 percent of their service sectors.
The smaller African service firms may be displaced by the big European companies.
Thirdly, the EPAs require liberalization and deregulation of financial flows, investment and government procurement.
This will make it difficult for the countries to regulate capital flows when such regulation or capital controls are now recognized as important policy tools because of the present volatility of financial flows.
The opening of government procurement business to foreign firms (to be treated equally as locals) will affect the ability of the governments to give preference to locals, or to boost the domestic economy, because of the leakage to imports and foreign services.
Fourthly, the African Ministers are worried that the EPAs would adversely affect Africa's regional integration process, since trade between countries in the region would be partly diverted to European products and services.
Fifthly, the EPAs would also make it more difficult for African countries to cope with the economic slowdown, since their trade balance with Europe is likely to deteriorate; and their ability to regulate capital flows, to boost domestic or regional demand and to earn revenue through trade taxes, will be affected.
What, then, can be done to avoid these damaging effects?
First, 34 of the 47 African countries involved in the EPAs are least developed countries (LDCs), and they do not have to sign the EPAs since their preferences will continue under an existing "Everything But Arms" scheme.
And secondly, the 13 non-LDCs can request that the EU provide them also with the "Everything But Arms" scheme, without their having to give preferences to the EU in return.
There is a good case, as the 13 African countries are also poor and vulnerable, similar to the LDCs.
There is precedence. The United States provides a non-reciprocal preference scheme for Africa (known as AGOA), and the EU itself is also providing non-reciprocal preferences to Maldova and Western Balkan countries, which are better off than the Africans.
In any case, a good solution should be found because it would be hypocritical for European countries to pledge to help Africa with aid and to achieve the Millennium Development Goals on one hand, and then to seek one-sided trade agreements that would severely damage their economic prospects on the other hand.

Daawo Sawiradii Xafladii Toronto Canada Ee Ay Soo Bandhigeen Sahra Ahmed,Cabdi Jibaar iyo Fu’aad Cumar‏ Yare

TORONTO(OWN)-Xaflad ka dhacdey habeenkii Sabtida magaalada Toronto ayaa waxa loogu talo galay Habeenkii Ciida oo ay dadka reer Toronto si weyn uga soo qaybgaleen. waxa ka mid ahaa fanaaniinta madasha joogay Sahra Ahmed,Cabdi Jibaar (Khaliiji) iyo Fu’aad Cumar yare,