Sunday, November 21, 2010

Mid Kamida Salaadiinta Puntland oo Caawa Fiidkii Niman Hubaysan Ku Dilleen Magaalada Boosaaso

BOOSAASO(burctotoday)- Maamul Goboleedka Puntland oo Beryihii ugu danbeeyey ay ka jireen dilal qorshaysan o lagu khaarajinayo dadka magaca leh ayaa Mid kamida Salaadiinta Gobolada Barri ee Puntland  caawa fidkii ay kooxo hubaysani ku dilleen badhtamaha magaalada Boosaaso ee xarunta maamulka Puntland, Suldaankan oo ka mid ahaa isimada ugu caansan gobolkaa oo lagu magacaabi jirey Suldaan Ciise Cali Nuur  ayaa la sheegay inay dilleen laba nin oo hubaysani,

Marxuumka ayaa xilligii la tooganayay ka soo baxay salaadda Cisho oo uu

ku tukada Masjidka Aqsa oo aad ugu dhow xaafadiisa.

Sida ay sheegeen dad goobjoog ah ragga dilay Suldaanka ayaa ku

hubeysnaa bistoolado waxeyna gaadhayeen labo ruux oo u muuqday in ay

saacado badan ku daba jireen Suldaanka.

Ciidamada Booliska ayaan wax war ah ka soo saarin Cid ay u qabteen

dilkan, walow ay Ciidamo fara badan soo gaadheen goobta uu dilka ka

dhacay.

Dilka Suldaanka ayaa imanaya xilli Maamulka Puntland uu muujinayay in

xal laga gaadhay dilalka qorsheysan ee xilayada Fiidkii ah lagu fuliyo

dadka wax garadka ah, kaasoo badaanaaba ka dhaca magaalada Boosaso.

Cabdi Xasan Cilmi.

0 comments:

Post a Comment