Wednesday, November 10, 2010

Jaamacad Cusub Oo Maanta Laga Furay Magaalada Hargeysa iyo Waxyabaha Lagu Barandoono

Hargeysa(burcotoday)- Jaamacadda New Generation University College ayaa maanta  Magaalada Hargeysa  ka furatay xarun cusub , muaasibad loo qabtay furitaankii Jaamacaddaasi ayaa maanta lagu  qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, munaasibadaasi oo ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada New Generation  Professor Axmed Dirir Cali, Professor Maxamed Cumar Jiir, Xildhbaan Dhurde iyo musuuliyiinkale oo tiro badan, waxaa kale oo munaasibadaasi ka soo qayb galay saraakiil ka socotay Hay;adaha caalamiga ah.

Ugu horayn waxa  furitaankii Jaamacadda New Generation ayaa waxa  ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Professor Dirir waxaanu ka waramay siyaasadda ay u aas aaseen Jaamacaddani iyo ujeedooyinka ka damabysay saasaaka Jamacadan waxanu sheegay in ay jamcadani wax badan  kaga duwanaan doono Jaamacadaha dalka ka jira, waxaanu xusay  inay bixindoonaan joorasyo aan hore looga  dhigijirin Jaamacadaha dalka, sida xidhiidhka caalamiga iyo Arimaha Siyaasadda.

Gudoomiyaha Jaamacaddaasi Professor Axmed Cali Dirir ayaa waxa hadaladiissiika mid ahaa “anagu waxaanu dhigidoonaa waxaanay hore Jaamacadaha dalka ka jiraa horey u dhigijirin, sidoo kalena waxaanu kor u soo qaadidoonaa aqoonta kuwii ku dhacay inay u soo gudbaan kaalmihii laga rabay ee Jaamacadaha, waxa kale oo aanu sal Jamacadan ugu dhinay la dagaalanka Fakhriga iyo Gaajada, New Generation waxaa weeye faca cusub ee soo kacaya” sidaana waxa yidhi Professor Dirir.

Waxaa isna halkaa ka hadlay madaxa waxbarashada ee Hay’adda ECC waxaanu ka waramay taariikhda Jaamacadda New Gebneration waxaanu intaa ku daray taariikhda ay Jaamacaddaasi leedahay inay la mid tahay Jaamacadda Hargeysa.

 Waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Farduus Siciid Dirir oo ka socotay Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL waxaanay xustay in shirkad ahaan ay aad u danaynayaan Waxbarashada noocaydoontaba ha ahaatee waxay sheegatay in ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kaalinta kaga aadan Shirkadda Somtel taageeridda Jaamcadda New Generation, isla markaana ay caawin doonaan.

Waxaa isnaguna  halkaasi  ka hadlay Suldaan Xiis Bare  oo ka mida madax dhaqameedyaa Somaliland, waxaanu sheegay inay maanta Jaamacadda New Generation u baahantahay in loo duceeyo, waxa kale oo uu xusay in jiritaanka iyo nolahsha qofka ay ku xidhan aqoonta.

 Waxaa isaguna halaasi  ka hadlay Caaqil Ismaaciil Cabdullaahi Samaale oo ka mida odayada xaga dhaqanka waxaanu halkaa ka soo jeediyey arimo la xidhiidha ixtiraamka iyo qadarinta uu Ilaahay siiyey aadamaha dunida guudkeeda ku sugan, waxaanu intaa ku daray inaysan dadku karaamo iyo sharaf midna  lahayn haddii ay ka tagaan xuska EEBBE iyo Alla ka cabsiga.

 Caaqil Ismaaciil waxa dadka u sheegay inay adeecaan maamulka sare ee dalka ka taliya “waxay ku najaxeen Dawladaha khaliijku markii ay ku dhaqmeen wixii Ilaahay faray madaxdoodana ay adeeceen” ayuu yidhi.

 waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Bashiir Cabdulaahi oo kamid ahaa ardadii horey uga soo qalinjabiyey Jaamacadda New Generation isla markaana kasoo qaatay Shahaadada ay bixiso Jaacaddaasi.

 Bashiir waxa uu sheegay 3 sanadood ka hor markii uu tagayey Jaamacaddaasi inay dhibaato weyn ku ahayd balse ay maanta fursado badan ay  haystaan ardayda reer Somaliland ee iyaga oo guryahoodii joogay ay suuro galayso in ay dhigtaan Jaamacadda New Generation.

 Waxaa isna halkaa ka hadlay Proefeser Maxamed Cumar Jiir oo kamida Hogaanka sare ee Jaamacadda New Generation, waxaanu ka waramay inay dadku samayn karanaan haddii ay is yidhaadaan sameeya waxay doonana.

Professor Jiir waxa uu sheegay markii  la sameynayey  Jaamacada Hargeysa inay dadka qaarkii kasoo horjeedsadeen furitaankii Jaamacaddaasi, iyaga oo u arkayey in aanay  suurto galayn arintaasi, balse waxa uu sheegay inay isaga iyo dad kale oo uu kamid ahaa ku adkaysteen inay suurto galtahay in la furo Jaacamadda Hargeysa.

 Professor Jiir waxa uu sheegay inay ugu yeedhayaan dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba inay kusoo biiraan Jaamacaddaha dalka gaar ahaan New Generation “waxaanu ugu yeedhaynaa kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba inay kusoo biiraan Jaamacadah dalka oo ay wax bartaan, tan oo kaliya maahee way soo badnayaan Jaamacadaha dalku waanay inay soo bataan oo ay meelkasta ka jiraan”

 Dhanka kalana waxa uu ka hadlay arimah sababay sida uu u arko inaysan Somailand ilaa Hadda ku guuleysan inay caalamka ka hesho aqoonsigii ay uga baahnayd ka Dawlad ahaan,waxaanu ku sababeeyey buslada reer Somaliland oo aan xidhiidh fiican la lahayn caalmaka gaar ahaana aana aan lahayn  aqoonta looga lahaadaan sida Xidhiidhka caalamiga ah iyo arimaha Siyaada.

 Waxaa isna halkaa ka hadlay Xildhibaan Yuusuf Dhurde oo kamida mudanayaasha Golaha guurtida waxaanu ka waramay aqoonta iyo sharafta ay siiso saaxiibkeeda ku dadaala. Mudane Dhurde waxa uu sheegay inay Jiilakan cusubi ka nasiib badan yihiin kuwii iyaga ka horeeyey.

 Md Dhurde waxa uu ka hadlay arimaha nabad galiyada iyo sida loogu baahanyahay in la ilaaliyo heerka ay maanta taagantahay, waxaa kale oo uu xusay inay dadku siman yihiin balse ay jahli iyo dib u dhac kaliya tahay waxay Somalidu ku andacoonayaan ee ah inay kala sareeyaan ama ay beelaha qaarkood ku yasaa.

  Ugu damnayntiina wax halaasi ka hadlay Khadar Xaaji Daahir  oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinat sare ee Somaliland waxa uu sheegay inay dadku u simanyihiin Waxbarashada iyo aqoonta looga baahanyahay inuu lahaado qofkastaaba  waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Wasaarada Waxbaradadu  waxay leedahay siyaasad cad oo ah inay soo dhaweyso qof kasta iyo kooxkasta oo doonaya inay sameeyaan ama ay dadka uga faa;iideeyaan aqoontooda” sidaan waxa yidhi Md. Khadar Xaaji Daahir

 Dhanka kalana waxa uu ka waramay darajada uu Ilaahay siiyey dadka cilmigaleh iyo sida uu Ilaahay uga saraysiiyey umadaha aqoonta leh kuwa aan  aqoonta lahayn, waxaanu ku dhiiri geliyay dhalinyaradu inaysan ku koobin aqoontooda Kuliyad iyo takhasus gaara toona maadaama ay culuumta loo baahanyahay qaarkeed ku yartahay Somaliland.

0 comments:

Post a Comment