Saturday, November 6, 2010

50 Qof oo Ay Ku Jiraan 11 Caruur Ah oo Ku Dhintay Qarax Maanta Lala Eegtay Dad Masaajid Ku Tukanaya Salaadii Jimce Tuullo u Dhow Magaalada Bishaawir Ee Dalka Pakistan

BASHAAWIR(burcootday)- Ugu yaraan 50 Qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan 11 Caruur ah in kabadan 100kalena wey ku dhaawacmeen qarax maanta lala beegsaday dad Masaajid ku tukanayey salaadii jimce waqooyi galbeed ee dalka Pakistan, Booliska ayaa sheegay in qof Bam isku soo xidhay uu dadkaa halkaa ku xasuuqay,

Mas,uul booliska ka tirsan oo lagu magacaabo Khalid Cumar Daani ayaa sheegay in nin isku soo xidhay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey dad ku tukanayey maanta salaadii jimce masaajidka Akhurool oo ku yaala magaalo u dhow Bashaawir oo ku taala Waqooyi galbeed ee dalka Pakistan

Gul Jamal Khan oo ka mida mas,uuliyiinta dowlada hoose ee magaaladaa aayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ay halkaa ku dhinteen dad ka badan 50 qof oo ay ku jiraan 11 caruur ah, Gul ayaa sheegay inay ka baqayaan in dhimashadu intaa kasii badato iyadoo ay dhaawac yihiin in kabadan boqol qof oo ay ku jiraan qaar xaaladoodu liidato, Gul ayaa sheegay in gabi ahaanba saqafkii masaajidkaasi uu soo dumay isla markaana ay jiraan dad wali ku hoos jirra Bur Burka masaajidkaa,

Dalka Pakistan ayaa kooxaha is qarxiyaa ay had iyo jeer ay bartlmaamsadaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka Rayidka ah iyo Masaajidada  iyadoo ay qaraxyadaa ku naf waayaan dad badan oo shicib ah,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Oodweynenews.com / SWEDEN

Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment