Wednesday, November 3, 2010

Warsaxaaadeed: Shir ay wadagaleen Qaar ka Mid Ah Madaxda Xisbiga UCID iyo Wefdiga ka socday Dalka Swedan.

Shir ay wadagaleen xidsbiga UCID oo u hogaaminaya gudoomiye ku xigeenka kowaad Adan mire waqaf , ku xigeenka labaad Axmed Xuseen Fagfagaash iyo Xoghayha Guud ee xisbiga UCID, Musa xaaji Maxamed Guuleed iyo Wefdiga ka socday Dalka Swedan. Oo ay hogaaminaysey Ambasador Marika Fahlen oo ahana Ergeyga khaas ah ee qarada Africa u joogta Nayroobi dalka Sweden ayaa saaka 07:30 hoteelka Ambasador ayaa waxay labada Dhinac ka wada hadleen Qodoba dhawr ah oo ay ka mid yihiin.

  1. Nabadgelyada
  2. doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada
  3. mashaaricda horumarinta
  4. budhcad badeeda
  5. Shaqo la’aanta baahday iyo in shaqo loo abuuro dhalin yarta .
  6. Aqoonsiga Somaliland

Dhamaan Qodobadaas waa la isku afgartay:
Waxay Xisbiga UCID ku  adkeysay wefdiga in Somalilanad ay xaq u leedahay in la ixctiraafo sabab loo ictiraafi waayaana aanay jirin.ummada reersomali land ay la yaaban tahy iyagoo fuliyey shuruuadaha looga baahan yahay in Dawlad la ictiraafo oo ah Xukuumad la doortay, Golayaal la doortay iyo afti loo qaaday gooni isku taaaga S/Land inay Caalamku ilaa hada ka dhaga adeygayaan ictiraafka S/Land arrintaasina ay tahay mid caddaalad ka fog. Waxa Xisbiga UCID u cadeeyey Wefdiga in S/Land jiritaankeeda aan ay marna gorgortan lahayn sidaana caalamku u ogaado.
Waxa kale oo ay ku adkeeyeen in Somaliland la siiyo mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka, caafimaadka ,Biyaha iyo wixii la mid ah.
Dhamaan qodobadaas way isku afgarteen labada dhinac. Wefdiguna waxay ballan qaadeen in Somaliland si dhab ah ay u caawin doonaan , xukuumadana ay ka sugayaan

0 comments:

Post a Comment