Saturday, November 6, 2010

ARDAY REER SOMALILAND AH OO LOO MAGACAABAY STUDENT COUNCILKA UNIVERSITY TECHNOLOGY OF MALAYSIA.

ARDAY REER SOMALILAND AH OO LOO MAGACAABAY STUDENT COUNCILKA UNIVERSITY TECHNOLOGY OF MALAYSIA.MALAYSIA(burcotoday)- Waxa Beryahan dambe ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacad UTM ee dalka Malaysia ay wacdaro iyo dardar wayn ka muujiyeen dhinacyada waxbarasho iyo student activitieskaba. Haddaba ADNAN OSMAN YASIN, oo ah arday Petroleum Enigeering ka barta jaamacada UTM ayaa shalay loo magacaabay SPE-UTM STUDENT CHAPTER BOARD OF DIRECTOR, isaga oo cod aqlabiyad ah ku soo baxay, uguna sareeyay ardaydi internationalka ahayd ee la tartamaysay. Tan ayaa ahayd doorki labaad ee ardayda internationalka ah ay ka qayb qaatan doorasho noocan oo kale ah, halka sanadkii hore uu FOSI MOHAMOUD KOFAL uu noqday ardaygi ugu horeeyay ee international ah ee ku biira ururkan.
Xafladi xil wareejinta mar uu ka hadlay Adnan waxa uu balan qaaday in uu sii xoojin doono xidhiidhka iyo is dhex galka ka dhaxeeya ardayda Ajaanibka iyo Localka. Halkaas oo loogu doortay Publication and Publicity Officer.
SPE-UTM STUDENT CHAPTER, waa branch ka mid ah ururka caalamiga ah ee ay Petroleum Engineerska ku bahooben oo magacisa la yidhaahdo SOCIETY OF PETROLEUM ENGINEERS. Ururkan oo ka mid ah ururada ugu firfircoon ee jaamacada UTM ka jira ayaa waxa uu sanad walba uu soo qaban qaabiyaa in ka badan 30 activity kuwaas oo iskugu jira, Sports, Seminars, Conferences, educational trips, charity drives, iyo programs waawayn oo iyagu sanad walba ka dhaca jaamacad gudaheeda kuwaas oo ay ka mid yihiin Oil and Gas symposium, shell intervarsity student paper presentation iyo Science and Technology , halkaas oo shirkadaha petrolka soo saara ku soo bandhigaan Technologiyada ugu dambaysay ee ay isticmaalan.

Haddaba waqtigan xaadirka ah waxbarashadu kuma koobna in fasalka la tago oo keli ah, balse sida uu Adnan sheegay, waxa arday ahaan muhiim ah in laga qayb qaato ururadan oo kale waxaanu kula talinayaa ardayda reer Somaliland meel kasta oo ay joogan in ay ka qayb qaatan si ay u xoojiyan Leadership skillska, Team workingka iyo waliba is dhex galka ardayda jaamacadaha iyo dadka shirkadaha ka shaqeeya.

0 comments:

Post a Comment