Wednesday, February 22, 2012

Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).


Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).

Hargeisa(burcotoday) Feb.22, 2012 – Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Holand, ayaa maanta isu soo bax balaadhan ka dhigay xarunta dalkaas, isu soo baxan oo ay ku dalbanayeen, in dalka Somaliland aqoonsi buuxa ka helo beesha caalamka. 
Jaaliyaddaha Holand iyo Ingiriiska, ayaa todobaadadii ugu dambeeyey ku hawlanaa isu soo bax mar ka wada dhaca labada wadan, kaas oo ku aadan shir dalka Ingiriisku maalinta berriya xarunta dalkiisa ugu qaban doona maamulada kala duwan ee ka jira dalka, kaas oo isna lagu martiqaaday dalka Somaliland. 
Haddaba, waxa aad halkan ka daawataan isubaxii maanta ee jaaliyadda Holand oo uu isku soo dubariday wakiilka Tv-ga Universal ee dalkaasi:





Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa

London (burcotoday) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.

Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland ayaa waxa uu hadda ka socdaa badhtamaha London iyo waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron .

Dibad-baxayaasha ayaa sita calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin weedho ka turjumaya ujeedada dibad-baxa taasi oo ah in beesha caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay ictiraaf buuxda siiyaan Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland oo mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jirtay qabsatay waxyaabo badan oo indhaha caalamka soo jiitay.

Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa ku qaylinaya weedho ay ka mid yihiin “Somaliland ictiraaf ayaanu idiinka baahan nahay”

Dibad-baxan oo sidoo kale ay ka qayb-qaadanayaan jaaliyadaha reer Somaliland ee wadamada kale ee Yurub ayaa waxa hadda si toos shacabka gudaha Somaliland ugala socdaan idaacada Radio Hargeysa oo si toos ah u baahinaysa dibada-baxan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee dibad-baxa samaynaya oo sida muuqata ku beegmay maalin ka hor shirka dawlada Ingiriiska ugu qabanayso kooxaha Somalida iyo dawlada Somaliland, ayaa la filayaa inuu wax wayn ka badalo aragtida beesha caalamku ka aaminsantahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland, maadaama oo shirka beri ay ka qayb-galayaan wufuud caalami ah oo kor u dhaafaya afartameeye .

Dhanka kale, shacabka gudaha ayaa si wayn ula socda dibad-baxa London iyadda oo dadka qaarkood qurbojoogta ku bogaadiyeen talaabada ay qaadeen.

Ciidamada Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya Iyo Kuwo Itoobiya Oo Al-shabaab Kala Wareegay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Bardaale Oo Ka Tirsan Gobolka Bay

Baydhabo (burcotoday) Feb 22,2012 – Ciidamadda Itoobiya iyo kuwo Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay.

Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo galay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, magaaladuna way xidh-xidhan tahay dadkuna waxay ku jiraan guryahooda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka Baydhaba.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee la socda kuwa Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen Baydhabo iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin, isagoo xusay in ciidamadu ay fadhiisimo ka sameysteen gudaha degmada Baydhaba.

Dhanka kale, ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya iyo kuwo Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Magaaladda Bardaale oo 50-km u jirta degmada Baydhabo, iyagga oo markaa ka dib la wareegay Baydhaba.

Kooxda Al-shabaab ayaa Magaaladda Baydhaba la wareegtay markii uu Soomaliya Madaxwaynaha ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Axmed, iyagga oo ilaa wakhtigaasi gacanta ku hayey.

Monday, February 20, 2012

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.

Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Xuska Maalinta Dhalinyaradda Awgeed Hambalyo U Diray Dhalinyaradda Iyo Daladda SONYO.

Hargeysa (Ramaas) Feb 20,2012 – Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xuska 30-guuradda maalinta dhalinyaradda Somaliland dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan dhalinyaradda Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xisbiga UCID ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu sheegay in garabka dhalinyarada UCID ku faraxsan yahay xuska maalinta dhalinyaradda Somaliland oo laga soo dheegay kacdoonkii dhalinyaradii UFO kala hor-tageen taliskii Siyaad barre muddo 30 sanadood ka hor ah.
War-saxaafadeedka oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Garabka dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID,  waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 20/02/2012 Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan Munaasabada Xuska Maalinta loo asteeyay dhalinyarada Somaliland February 20,  Maalintan oo ku wayn shacbi waynaha Jamhuuriyada Somaliland iyadoo ay ahayd Maalintii Dhagax-tuurka ee dhalinyaro reer Somaliland ahi ay kala hor tageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, iyadoo taliskaasi uu xukun ku qaadayay dhalinyaradii xidhnayd ee UFO.
Garabka dhalinyarada ee Xisbiga UCID waxa uu dhalinyarada reer somliland urajaynayaa in Illaahay sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
Sidoo kale Garabka dhalinyarada ee UCID wuxuu si gaar ah Hambalyo ugu dirayaa daladda dhalinyarada SONYO, isagoo Xisbigu ku bogaadinaya u doodista xuquuqda dhalinyarada ee ay waqti kasta ku hawlan yihiin.
ALLA    MAHAD  LEH
Ku-simaha Gudoomiyaha, ahna Xoghayaha G/ Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga UCID
Siciid Cabdilaahi Xuseen