Tuesday, November 30, 2010

Waftigii Ka Socada Dawlada Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Xogwarankii Safarkiida +SAWIRO

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arimaha Gudaha somaliland ayaa lagu sheegay in deeq waxbarasho ay ka heleen dawlada Itoobiya+Sawiro




 War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland
Waxa galabta soo gaadhay caasimada Hargeysa weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, oo safar shaqo ku tagay caasimada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, Ethiopia.

Weftiga Somaliland ee booqashada ku tagay magaalada Jigjiga ayaa ka koobnaa, wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Kalluumaysiga,Maamulka Dekedaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Dr.Maxamed Yaasiin Xasan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibrahim Maxamed, Wasiirka Beeraha,Prof.Faarax Cilmi Maxamed,Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, Guddoomiiyaha Hay’adda Shaqaalaha Muxumed aw-Axmed, Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi, Badhasaabka Gabiley Rashiid Cumar Sheikh Muxumed, Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile, Maayarka Hargeysa

Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Maxamed Cilmi Aadan    Chief  Protocol of the Presidency,Maxamed Cismaan Caalin Madaxa Laanta Socdaalka iyo  Cabdi Axmed Yuusuf  oo ah Madaxa Ciidanka SPU.

.Weftiga Somaliland oo shalay gelinkii hore ka amba baxay Hargeysa ayaa gaadhay magaalada Jig-jiga abaaro 1:00 duhurnimo. Intii ayna gaadhin Jigjiga waxay weftigu ku hakadeen mashruuca ciidanka Booliska ee Tog-Wajaale, halkaas oo ciidanku ku soo dhoweeyeen weftiga, fardo gaada ka ciyaar sameynayay, waxaana markii dambe warbixin kooban weftiga siiyay madaxda ciidanka, iyadoo wasiirka Arrimaha Gudaha,Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, ay ciidanka u balan qaadeen in daryeelkooda la sii kordhin doono.

Waxa weftiga Somaliland kaga horyimid magaalada Tog-Wajaale wefti uu hogaaminayo Hogaanka Nabadgelyada iyo Cadaalada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, Cabdi Yuusuf Weerar, kuwaas oo usii galbiyay weftiga Somaliland ilaa magaalada Jigjiga. Waxaana kaddib soo dhoweeyey ku sii simaha madaxweynaha, Dr.Suldaan wali oo markiiba u daadihiyay weftiga kormeer lagu soo tusay mashaariic waaweyn. Waxayna weftiga Somaliland  soo booqdeen  jaamacadda Jigjiga, Machadka Tababarka Macalimiinta ee C/Majiid iyo Jigjiga Referral Hospital. Waxaana weftiga Somaliland halkaasi warbixino ku siiyay maamulada goobahaas.


gelinkii dambe ayaa madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar wuxu weftiga Somaliland ugu yimid guriga Martida ee la dajiyay  kaddibna saacadu markay ahayd toddobadii fiidnimo ee xalay  ayaa Wasiirada Somaliland ee ka midka ahaa weftigu waxay qasriga Madaxtooyada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga  kula kulmeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Dr.Suldaan Wali,Wasiirka Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka,Macdanta iyo Tamarta, Farxaan Xuseen Cabdi, wasiirka Madaxtooyada, C/fataax Maxamed Xasan, Hogaanka Nabadgelyada iyo Cadaalada C/laahi Yuusuf Weerar, Talyaha Booliska Yuusuf Muxumed Muuse iyo wasiirka Jidadka iyo Horumarinta Reer Miyiga,;Xabiib Muxumed Yuusuf.
Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar ayaa ugu horeyn  hadalo soo dhoweyn ah ujeediyey weftiga Somaliland, isagoo ku amaanay dimuqraadiyada iyo nabadgelyada ay gaadhay Somaliland. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “. Waxad tihiin tusaale wanaagsan dhinaca dimuqraadiyada iyo nabadgelyadaba,waxaanad amaan ku mudan tihiin nabadgelyada iyo horumarka aad gaadheen”. Waxa kale oo uu bayaamiyay in shacbiga Somaliland yihiin saaxiib dhow oo ay leeyihiin shacbiga Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kana go’an tahay inay la shaqeeyaan maamulka dadweynaha Somaliland doortaan.


Waxa kale oo madaxweynuhu ku dheeraaday inay labada dal yihiin kuwo aan kala maarmin, waajibna tahay inay iska kaashadaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, IWM. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Somaliland dalka Ethiopia kala jaar tahay deegaanka Soomaalidu ku nooshahay sidaa darteed Dawlada deegaanka Soomaalidu ay ka ciyaari karaan door wax ku ool leh siddii ay wax ula qaban lahaayeen Somaliland dhinacyada Horumarka iyo qaddiyadoodaba u gaadhsiin doonaan ilaa heer Federaal.
Intaa kaddib waxa hadalka qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha,Dr.Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo isagu hogaaminayay weftiga, ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha martiqaadka uu u fidiyay weftigooda, waxaanu sheegay inuu ku amaanayo madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar,wadada uu u maray dib u heshiisiinta iyo nabadeynta uu ka dhex abuuray dawlada Ethiopia iyo jabhadii ONLF. Wasiir Gaboose wuxu u sheegay madaxweynaha in Somaliland heerka maanta ay taagan tahay ay ku soo gaadhay  wada hadal, isku tanaasul iyo dib u heshiisiin. Wuxuuna wasiirku ku dheeraaday qiimaha ay ugu fadhido sugida amniga iyo xoojinta xidhiidhka labada dal, wuxuuna u balan qaaday inuu dedaal dheerada u galayo siddii xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u xoogaysan lahaa.isagoo wasiir Gaboose qiray muhiimada gaarka ah ee deegaanka Soomaalidu u leeyihiin Somaliland. Dr.Gaboose wuxu ka codsaday madaxweynaha deeq waxbarasho, taasoo madaxweynuhu ka aqbalay isla markiibana u fidiyay Somaliland deeq waxbarasho heer jaamacadeed kulliyado kala duwan, taasoo ah boqol arday oo reer Somaliland ah, iyo tababaro lagu xoojinayo kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha dawlada iyo macalimiinta.

Waxa kale oo madaxweyne Cabdi Muxumed uu balan qaaday inay Somaliland la garab istaagayaan wax kasta oo ay ku dhaamaan dhinac kasta.
Intaa kaddib masuuliyiintii kale ee labada dhinac ayaa ka qayb qaatay xoojinta wada hadalka wuxuuna ku dhamaaday kulankaasi is afgarad, niyad sami iyo inuu meesho ka baxo wax kasta oo mad madow ah oo jiri kara.
Gabagabadii kulanka xalay ayaa weftiga Somaliland waxay hadiyado guddoonsiiyeen Madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar iyo Golihiisa Wasiirada. H addiyadahaas oo ahaa kuwa ka turjumaya hidaha iyo dhaqankii Somaliland iyo calanka Somaliland.
Kulankii labaad oo maanta gelinkii hore ka dhacay aqalka martida ee magaalada Jigjiga  ayaa waxa kulamo gaar gaara yeeshay Maayarada, Badhasaabada iyo Wasiirada labada dhinac, kuwaasoo isla eegay siddii wax loo wada qabsan lahaa loona sii horumarin lahaa xidhiidhka.

waxaana gabagabadii haddiyado la guddoonsiiyay weftiga Somaliland, haddiyadahaas oo iyaguna ahaa kuwa hidaha iyo dhaqanka ah, Waxana xusid mudan in haddiyad khaas ah uu madaxweyne Cabdi Muxumed Cumar u soo diray Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah ee wefti ka socda xukuumadda cusub ee Somaliland ku tagaan Dawlada Deegaanka Soomaalida, sidoo kale waa markii ugu horeysay ee labada dhinac isweydaarsadaan haddiyado, taasoo muujinaysa koboca xidhiidhka labada dawladood.
Maxamed Cismaan Dubbe
Af-Hayeenka Wasiirka Arrrimaha Gudaha Somaliland

0 comments:

Post a Comment