Wednesday, November 10, 2010

Wafti Balaaadhan Oo Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Magaalada Borama

Borama (burcotoday)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

Waftiga Madaxweyne ku xigeenka Soamliland  ayaa waxa ka mida Wasiirada Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasarada  Ciyaarraha Dhaqanka iyo Hidaha Md. Maxmed Ibrahim Madar  , Wasiirka Xigeenaka Wasaarada Waxbarasha Md. Cali Xaamud Jibriil, Xubno ka socaday Golahayaasha Shrcida jinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada.

Waftigan ayaa markii aya gaadheen magaalada Boorama waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalda Boorama, waxana ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta Gobolka iyo Madhaqameedka Gobolkaasi Hotel Rays ee Magaalada Borama.

Ilaayo hada ma jiro war rasmiya oo ay Xukuumada Soamliland ka soo saartay safarka Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  ay ku tageen magaalda Borama.

Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa waxa uu mudaba ku safar is daba jooga  ku tagayey Xarunta Gobolka Awdal ee Borama oo ah Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo.


0 comments:

Post a Comment