Wednesday, November 10, 2010

Warbixin Cusub oo Laga Soo Saaray Qaramada Midoobay oo Sheegtay In Caruurta Soomaalidu Ay Yihiin Xaabada Lagu Shido Dagaalada Ka Socda Dalka Soomaaliya

NEWYORK(burcotoday)-  Qaramada midoobay ayaa soo saaray Xallay warbixin ay kaga hadlayaan caruurta soomaaliyeed oo ay sheegeen inay yihiin Xaabada lagu shiddo dagaalada Somaaliya, Warbixintan ayaa lagu sheegay in Caruurta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa loo adeegsado dagaalada muddada dheer ka socday dalka Soomaaliya,

Radhika Coomaraswamy  oo ah kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ayaa sheegtay in kooxaha ka dagaalamaya dalka Soomaaliya ay isticmaalaan Caruurta oo ay u dhiibaan qoryo iyagoo uga faa,iideysanaya dagaalada is riixidda ah ee ka socda dalka Soomaaliya,, Ayaa intaa ku dartay in Reysal wasaaaraha dalka Soomaaliya uu u sheegay inuu ku da,daali doono ionuu joojiyo Caruurta dagaalada loo adeegsado oo ay sameyn doonaan hay,ad illaalisa xuquuqda caruurta oo hoos tagta qaramada midoobay, iyadoo waliba xukuumada Soomaliya ay kamid tahay kooxaha lagu Eedeeyey inay Caruurta u isticmaalaan dagaalada,

Radhik a Coomaraswamy  ayaa sheegtay inay Caruurta loogu dillo dalka Soomaaliya si ba,an isla markaana ay la kullantay caruur ay ku yaalaan dhaawacyadii ay Rasaastu u geysatay,  Radhika   ayaa intaa ku dartay in Caruur aad u badan ay kamid yihiin kooxaha Budhcad badeeda ismaamulka Puntland maraakiibta ka qafaasha,

Warbixintan ayaa sheegtay in Budhcad Badeeda Soomaaliyeed ay iska soo hor mariyaan Caruurta oo Raaca hore ee maraakiibta qabtaa ay yihiin Caruur aad u yar yar oo da,doodu tahay 15 jirro illaa 17 jirro, iyadoo Ragga waaweyn ay noqdeen Baayac mushter lacagna haysta isla markaana Caruurtaa ulla dhaqma si fool xun,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Oodweynenews.com / SWEDEN

Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment