Sunday, November 14, 2010

Magacyada Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya Oo Uu Ku Dhawaaqay Raysal wasaare Farmaajo + Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan

Muqdisho (burcotoday)- Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya mr. Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku dhawaaqay magacyada wasiirada Xukuumaddiisa.

Raysal-wasaare Farmaajo oo liiska magacyada golihiisa Wasiirada xalay kaga dhawaaway munaasibad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu soo dhisay Xukuumad ka kooban 18 wasaaradood, iyadoo ay hore u ahaayeen 30 wasaaraddood.

Wasiiradan oo u badan kuwo siyaasadda Soomaaliya ku cusub, waxa ku jira Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo loo magacaabay wasiirka Khaarajiga oo bedelay Ambassador Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) oo labadooduba dhalasho ahaan ka soo jeeda Hargeysa.

Magacyada wasiirada cusub oo ay ku jiraan kuwo metelaya urur-diimeedka Ahlusuna Waljamaaca oo heshiis la galay dawladda TFG, waxay magacyada iyo xilalkoodu kala yihiin sidan iyo  beelaha ay ka soo kala jeedaa;

1. Cadullaahi Ebyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta {Dir, Biyo maal}.

 

2. Maxamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda {Dir, Isaaq, Habar Awal}

3. Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Ra’isul Wasaare ku xigeen Wasiirka Gaashaandhigga {Raxaweyn, Digil, Dabare}.

 

4. Porf. C/weli Maxamed Cali Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga {Daarood, Majeerteen, Cumar Maxamuud}.

5. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Hawiye, Habar gidir, Ceyr}.

6. Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta {Daarood, Ogaadeen, Cowlyahan}.

7. Drs. Maryama Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska {Beesha 5-aad, Baandiri}.

8. Yuusuf Macalin Amiin {Baadiyow} Wasiirka Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha { Raxanweyn,Mirifle (Leesaan}.

9. Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada {Beesha 5-aad, Jareer weyne}.

10. C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Daarood, Dhulbahante, Cali Geri}.

11. C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha {Dhallinyarada iyo Isboortiga {Dir, Surre}.

12. Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda iyo Kheyraadka Badda {Hawiye, Murusade Cabdalle Sabdi Maxamed yar }.

13. Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka {Dir, Isaaq, Habar Yoonis}.

 14. Maxamuud Maxamed Boonow Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib u heshiisiinta Mirifle {Raxaweyn, Mirifle Hadme}.

15. C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska {Daarood, leelkase}.

16. C/risaaq Sheekh Muxyadiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka {Raxaweyn, Mirifle, Eelaay}.17. C/nuur Sheekh Maxamed Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha iyo Tacliinta Sare {Hawiye, Xawaadle}.

 18. Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim {Garweyne} Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha {Hawiye, Gaaljecel, Abti-Same}.

0 comments:

Post a Comment