Tuesday, November 23, 2010

Barnaamijkii Nuclear-ka Ee Dalka Iran oo La Sheegay Inuu VIRUS Ku Dhacay & Xukuumada Iran oo Garan La, Halka Looga Yimi Isla Markaana La, Tacaalaysa

IRAN(burcotoday)- Dublamaasiyiin sar sare oo ka tirsan wakaalada Awooda Nuclearka The International Atomic Energy Agency ayaa sheegay in Barnaamijkii Nuclearka ee dalka Iran uu galay Feyras isla markaana ay mushkiladaasi haystay mudooyinkii la soo dhaafay oo dhan,


Dublamasiyiintaa aya sheegay in Virus-kaasi uu sababay inay istagaan kumanaan kamida qeybaha laga maamulo Nuclearka dalka Iran & Qeybta keydinta Yuraaniyamta,  Telefishinka BBC da ayaa sheegay in Dublamaasiyiintaasi aanay cadeyn nooca Virus-ka ku dhacay Hubka Nuclearka ee dalka Iran,
Kuxigeenkii hore ee wakaalada Awooda Nuclearka Mr. Heinonen ayaa sheegay in Virus-kaa oo mushaakil weyn ku sameeyey Awoodii Nuclearka ee Dalka Iran in lagu Magacaabo  Cetksnet kaasoo ah mid halis u ah sa meynta Hubka Nuclearka ah,
Mr. Heinonen ayaa sheegay in Virus-kan  markii ugu horeysay lagu arkay xarumaha keydka ee Hubka Nuclear-ka ee dalka Iran Bishii Todobaad ee sanadkan Heinonen ayaa intaa ku daray in gaabinta ku timi sameynta hubka Nuclearka ee dalka Iran ay sabab u tahay Virus-kaa oo iminka dalka Iran ay la tacaalayaan sidii ay u joojin lahayeen,
Khubaro ku xeel dheer Kumbuyuutarada ayaa sheegay in hadii  Virus-kaasi uu ku dhaco qalabka Kumbuyuuterka ee lagu xukumo Nuclearka dalka Iran inuu kuwada gadhi doono qeybaha maamulka oo dhan si,aad u dhakhso badan oo aan istaag lahayn,
Baadhitaano ay ku sameeyeen shirkado arimahaa ku xeel dheer ayay ku sheegeen in Virus-kaasi uu gaadhay ama ku dhacay 60% Barnaamijka Nuclear-ka ee dalka Iran Iyadoo Illaa Iminka aan si wacan loo shaacin Viruskaasi halk a uu ka yimi iyo inuu yahay mid loosoo diray oo ay ugu  tallo galeen wadamadii ay is hayeen dalka Iran,

0 comments:

Post a Comment