Sunday, November 21, 2010

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Degay Waddanka Ingiriiska

Hargeysa (burctoday)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafdiga uu hogaaminayo, ayaa  saaka gaadhay caasimada dalka Ingiriiska ee London.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo maalmahan-ba ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia, ayaa waxa ay halkaas kulan kula yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, safiiradda wadamo Yurub ka tirsan iyo madax kale.

Wafdiga Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filaaya inta ay joogaan London inay la kulmaan mada sar sare oo ka tisan dawlada Ingiriiska jaaliyadda Somaliland ee UK iyo.

Safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku tegay dalka Ingiriiska, ayaa ah kii ugu horeeyey ee halkaas ku tago tan iyo markii loo doortay jaga Madaxweynenimada Somaliland.

Wixii war ah ee ka soo kordha safarka Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo waxa aanu idinkula soo socodsiin doonaa wararka dambe

0 comments:

Post a Comment