Tuesday, November 9, 2010

Booliska Sweden oo Sheegay Inay Qabteen Ninkii Dadka Ajnabiga Ah Ku Weeraray Magaalada Malmö Ee Koonfurta Dalka Sweden

SWEDEN(burcotoday)- Booliska dalka Sweden ayaa sheegay inay qabteen nin ayaamahii la soo dhaafay ku toogtay dad ajnabi ah magaaalada Malmö ee Koonfurta dalka Sweden,  Booliska ayaa sheegay inay qabteen nin 38 jir ah oo lagu tuhmay inuu yahay ninkii ku toogtay magaalada Malmö dad badaan oo Ajaaniib ah,

Booliska oo aan ka bixin ninkaa Faah-faahin dheeraad ah ayaa sheegaay inay ninkaa ku tuhmeen inuu isaga yahay ninka dadka leynayey, Dad goob joogayaal ahaa markii ninkaa la qabanayey ayaa sheegay in ninkaasi aanuu sameynin wax iska caabin ah iyadoo ninkaa laga qabtay gurigiisa xalay fiidnimadii, Dadka jaarka la ahaa ninkaa ayaa sheegay inuu ninkaasi kaligii ahaa ama noollaa iyagoo intaa ku daray inuu ahaa nin degen,
Bishii hore ayaa waxaa ka dhacay magaalada Malmö ugu yaraan 15 weerar oo uu fulinayey nin isa-soo qariyey iyadoo uu ninkaasi bartil maamsanayey dadka ajnabiga ah kuwaas oo uu ku dhufaanaayey xabaad meel fog lagaga soo Ridaayey, Dadkaa oo badaan kooda laga toogtay dhabarka halka qaar kallana laga soo toogtay daaqada guryahooda iyo xafiisyada,
Bishii hore ee Oktober ayaa waxaa ku dhimatay weeraradaa gabadh 20 jir ahaayd oo ajnabi ahayd kadib markii xabad lagu dhuftay iyadoo ku jirta gaadhi ay wadaatay halka qofkii la socdayna uu soo gaadhay dhaawaac xun, Iyadoo boolisku illaa xiligaa raadinayey qofkaa wax dillaya oo ka mida dadka cunsuriyiinta ah ama Neceb ajnabiga,
Magaalada Malmö oo dilalkaasi kaa dhaceen ayaaa ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dalka Sweden iyadoo ay ku nool yihiin qaxoontiga ugu badan ee jooga dalka Sweden, Magaaladaa ayaa wixii ka daanbeeyey Toogashooyinkaa ay xukuumada dalka Sweden u sameysay Boolis gaar ah oo la socda aarimaha dadka Cunsuriyiinta ah ee ajnabiga neceb ama dilla,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment