Tuesday, November 9, 2010

Soomaali laga qabtay Minniapolis oo maxkamad la soo saaray

Ugu yaraan 29 dhalinyaro soomaali ah, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka.
Qabqabashadan, oo uu horkacayay Xeer ilaaliyaha dawladda dhexe ee Gobolka Tennessee ee wadanka Maraykanka, ayaa lagu xiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo dheer uu ku socotay baaritaan ku saabasanaa eedaymo la sheegay in ay gabdho yar yar ku qasbeen in ay rag u galmoodaan si iyaguna ay lacag uga helaan
Baadhitaankan, ayaa diirada lagu saaray dhawr magaalo oo ka tirsan gobolka Minnesota oo ay ka mid yihiin Minneapolis, Richfield, Brooklyn Park, St. Paul iyo magalooyinka nawaaxidgooda ah.

0 comments:

Post a Comment