Thursday, November 25, 2010

Wararkii Wargeyska OGAAL Cadadkii Maanta Khamiis 25/11/10

Xukuumadda Somaliland oo burisay go’aan ay hore ugu dhawaaqday

“Uma aragno inay xumaan u yimaadeen, balse waxay u yimaadeen inay…”
Wasiir Daakhiliga Somaliland
“Waxay doonayaan inay shaqaaqo iyo fadqalalo abuuraan, kuwaasna ma ogolaanayno, ciidankuna amar bay ku haystaan inay celiyaan oo…”
Wasiir kuxigeenka Daakhiliga Somaliland
Hargeysa, 25 November 2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay siday u aragto wefti ka socda maamul-gobolleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliya ee BBC, waxa uu ka hadlay weftigaas Puntland ee ku sugan degmada Buuhoodle, iyadoo uu wax ka bedelay hadal uu wasiir kuxigeenkiisa mr. Cismaan garaad Soofe Isniintii todobaadkan ku dhawaaqay oo lagu sheegay aragtida Xukuumaddu ka qabto weftigaas Puntland.
Dhawaaqii hore ee Xukuumadda:
Wasiir kuxigeenka oo Isniintii Warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa uu digniin u jeediyay weftiga Puntland oo uu waqtigaas aan iman Buuhoodle, kuwaasoo uu tilmaamay inay doonayaan inay dhibaato horleh ka dhex bilaabaan wadahadalka nabadeed ee beelaha dhowaan ku diriray degaanka Kalshaale. “Waxa jira koox siyaasiyiin ah oo iyagu ka soo jeeda Puntland oo sida la sheegay ay ka mid yihiin wasiiro, ma ogolin in wax shaqaaqo ah iyo wax isku dirid ah laga dhex huriyo labadaa beelood ee muddada shanta maalmood ah ay hawshoodu socotay ee loo gurmaday meel fiicana ay marayso arrintoodu ay hadda taagan tahay wadahadal iyo meeshii lagu wadahadli lahaa, nimankaas oo arrinta ay u socdaan ay tahay inay dhibaato iyo shaqaaqo horleh ay ka sameeyaan meeshaa,” ayuu yidhi. “Markaa waanu uga digaynaa kooxdaa wasiirada sheegaynaysa iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ah ee la socda inay yimaadaan deegaankaa Buuhoodle ee ay ka socoto hawshaasi mana ogolaanayno, umana dulqaadaynayno,” ayuu raaciyay.
Wasiir kuxigeenka Arrimaga Gudaha Somaliland mr. Cismaan Garaad Soofe, waxa uu sheegay in ciidamada qaranku amar ku haystaan inay weftigaas ka celiyaan Buuhoodle. Hase yeeshee, weftigaas oo ka kooban wasiirada Kalluumaysiga, wasiir kuxigeenka Waxbarashada, guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland, saddex Xildhibaan iyo afar ka mid ah Isimada Dhaqanka oo Salaasadii gaadhay degmadaas, waxay soo dhawayn kala kulmeen dadka degaanka, iyadoo muddadii ka dambaysayna ay ku sugnaayeen gudaha Buuhoodle oo siday sheegeen ay u yimaadeen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xalinta shaqaaqada labada beelood ee wajigeedii koowaad lagu guulaystay. “Ciidamadayada qaranku meel kasta oo laga soo galayo Buuhoodle oo nimankaa qas wadayaasha ahi ay ka soo galayaan anaga oo aan waxba ka sheegayn dawlada (Puntland), laakiin kuwa aanu ka hadlaynaa waa kuwa deegaanka ka soo jeeda ee doonayo inay shaqaaqo, fadqalalo iyo ku ganacsi ay ka abuuraan, kuwaasna ma ogolaanayno, ciidamaduna meel kasta oo ay ka soo galayaan amar ayay u haystaan inay ka celiyaan,” ayuu raaciyay wasiir kuxigeenku.
Dhawaaqa cusub:
Hase yeeshee, wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in aanay Xukuumad ahaan wax xumaan ah u arag imaanshaha weftigaas Puntland. “Wallaahi, wararka hadda i soo gaadhaya waa run way jiraan wasiiro Puntland ah oo ka soojeeda deegaanka oo ah reerka ay dhibaatadu dhinac ka saamaysay, markaa waxay ku yimaadeen nin walba meel kasta ha joogee waa reerkiisii dhibaatadaas nabadgelyo xumi way saamaynaysaa. Markaa anagu hadda markii aanu warkii baadhnay, uma aragno inay xumaan u yimaadeen, balse waxay u yimaadeen inay nabada qaybtooda ka qaataan, dawlada Somaliland-na waxa ka go’an in maamulka Puntland ay kala shaqayso sideedaba arrimaha nabadgelyada hadday xadka tahay, hadday tahay cid kale, waayo cadaw midaysan ayaanu leenahay. Nabadgelyada halkaa ka xumaataa saamayn bay ku yeelan kartaa dawladda Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland, markaa haddii sidaa lanoo sheegay ay u yimaadeen ee ah inay yihiin dad u yimi deegaankii ay u dhashay dhibaatadiisa wax ka xaliyaan, dhibaato uma aragno,” ayuu yidhi wasiirku.
Dhinaca kale, wasiirku waxa uu sheegay in aanu ka warqabin ergooyin Laascaanood ka socday oo ay dhowaan koox nabad-diid ahi ka celiyeen gudaha degmada Buuhoodle, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in degmadaas ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. “Anigu ma ogi meel maamulka Puntland-na loogu ogolaaday, dawlada Somaliland-na loogu diiday – Buuhoodle waa deegaan Somaliland, waxa ka taagan calanka Somaliland, waxay leedahay badhasaabkeedii, maamulkeedii iyo ciidankeedii. Waa run oo xaqaa’iqu waxa weeye, in gobolka Sool, degmada Buuhoodle iyo Sanaag/bari ay wali ka jiraan maamul-fidintiisii ay goldaloolooyin ku jiraan, laakiin taa macnaheedu maaha Somaliland loo diiday, loomana diidi karo, ragga halkan joogaana waa rag tagi kara waqtigay doonaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Xalay: Hawlgalkii Ciidamadu sameeyeen iyo rasaas ay ku kala dareeriyeen dad gadoodsanaa
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa xalay hawlgalo ka sameeyay caasimadda Hargeysa.
Ciidankaas oo fiidkii la dhigay inta badan jidadka Hargeysa, waxay baadhitaano ku samaynayeen gaadiidka.
Ma jiro wax war ah oo Boolisku ka soosaaray hawlgalkaa cusub oo ay ka qaybqaateen ciidamo ka kala tirsan Booliska oo ay weheliyaan laanta nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan iyo ciidamo Milateri ka tirsan.
Hase yeeshee, siday ilo xogogaal ahi u sheegeen Wargeyska Ogaal, amarka hawlgelintaa ciidanka waxa bixiyay taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi Rooble Furreh (Cilmi-kabaal), iyadoo ciidankaasna la dhigay goobaha isgoysyada ah iyo jidadka hawlbowlaha ah ee caasimadda. “Ciidanku waxay gaadiidka ku samaynayaan baadhitaano dheeraad ah oo xataa waxay nagu amreen in aanu furo qaybta dambe ee baabuurta iyo in muraayadaha la dejiyo,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah gaadiidlayda caasimadda. “Waxay igu joojiyeen ugu yaraan lix goobood oo ah jidka aan marayay,” ayuu raaciyay.
Ma cadda waxyaabaha sababay xoojintan cusub ee amniga, iyadoo ay dadweynuhu dareemo kala duwan ka bixiyeen.
Dhinaca kale, ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska, ayaa la dhigay Tiyaatarka Hargeysa oo dhinaca bari ka xiga xarunta dawladda Hoose.
Waxa la sheegay in sababta ciidankaas oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaan SPU loo geeyay Tiyaatarka oo hadda dhisme ka socdaa ay la xidhiidho ka dib markii ay gadood sameeyeen dad hortiisa ku ganacsanayay oo la raray.
Dadkaas gadoodsan oo iyagoo budhadh ku hubaysan soo hujuumay goobtaas, waxay cawayskii dambe ee xalay ciidanku ku kala dareeriyeen rasaas ay kor u ridayeen oo laga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Hargeysa.
Soomaaliya: Ciidanka AMISOM oo raalingelintoodii koowaad bixiyay
Muqdisho, 25, November 2010 (Ogaal/BBC)- Maj Gen Nathan Mugisha oo ah taliyaha sare ee Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaliya, ayaa  raaligelin ka bixiyey dhimashada laba qof oo ay ku dileen magaalada Mogdisho, isagoo sheegay in todoba kalena ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamadu rasaas ku fureen dadkaa garoonka diyaaradaha agagaarkiisa. “Ma garan karno in ciidamadu ka jawaabayeen weerar nafahooda ku yimi,balse, dhamaan ciidamadii qeybta ka ahaa  dhacdadaa waxay ku jiraan gacanta ciidamada, badhitaan dhamaystirana waanu samayn doonaa,” ayuu yidhi.
Sida uu sheegay weriye ka tirsan qaybta Ingiriisiga ee BBC-da, waa markii ugu horeysay ee ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaliya ay raaligelin ka bixiyaan dhimasho soo gaadhay dadka rayaidka  ah ee caasimada Mogdisho. Tiro gadhaysa 8,000 oo ciidamo ka socda Afrika ayaa ka kaalmaynaya dawlada dhexe ee aan taagta lahayn dagaalka ay kula jirto qolyaha diinta ku qadhaabta ee dagaalka kula jira.
Todobaadkii hore, in ka badan 20 shicib ah aya ku dhintay laba qarax iyo xabado ka danbeeyey oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Soomaliya, waxaana la sheegay inay adag tahay dhabtii ogaanshaha tirada rasmiga ah ee shicibka ku  dhaawacma. Bishii hore, Ururka bisha Cas ee Caalamiga ah (ICRC), oo maamula saddexda dhakhtar ee ugu waaweyn  Muqdisho ayaa sheegay in boqolkiiba 25% uu sare u kacay dadka ku dhaawacma dagaalada sannadkan. Laakiin afhayeen u hadlay ciidamada nabad-ilaalinta ee Soomaliya ayaa sheegay in ciidamadooda oo joogay ilaa sannadkii 2007, aanay abaarin meelaha dadku ku badan yihiin, balse ay keliya ka jawaaabaan marka la soo weeraro.
Dhinaca kale, warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda dadka la heyb-sooco ee caalamiga ah (MRGI)  ayaa sheegtay in xaalada Soomaliya dadka ay saamaynta weyn ku hayso ay yihiin dadka laga tirada badan yahay. Taasoo intaa la raaciyey in shacabkaasi inta badan kala kulmaan degaamada ay Al-shabaab ka taliso Qoor-goyn, kufsi iyo wax la mid ah.   
Bishii July, ayey ahayd markii Al-Shabab ay qirteen inay iyagu ka danbeeyeen laba weerar oo ka dhacay caasimada wadanka Uganda ee Kampala, oo halkaa ku dilay ugu yaraan 76 qof.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay wasiir ka tirsan dawladda UK
London 25, November 2010 (Ogaal)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada London, ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsa arrimah Afrika.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada oo ka md ah weftigaas, Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxay subaxnimadii shalay wadahadalo la yeesheen wasiir Henry Bellingham. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.
Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.
Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.
Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha  arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen  hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Waftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odayaasha ee Barlamaanka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Waftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Johns of Bletso.”
Hargeysa: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo shalay dhaawacmay
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu ku siibtay gurigiisa dhexdiisa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu shalay galab soosaaray Xoghayaha xisbiga Mr. Kayse Xasan Cige, guddoomiyaha waxa uu dhaawac ka soo gaadhay laba Feedhood oo dhinaca Midig ah. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Waxaa maanta (saaka) (shalay subax) oo taariikhdu tahay 24 November 2010  abaara 7:00 subaxnimo gurigiisa dhexdiisa ku kufay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biiixi Cabdi, isagoo uu la  siibtay Marmarka guriga dhexdiisa.
Guddoomiyaha waxaa soo gaadhay dhaawac yar oo  fudud, kana soo gaadhay labada feedhood ee dhinaca Midigta oo cad-go’ay. 
Guddoomiyaha caafimaadkiisu aad ayuu u fiican yahay oo hadda nasasho u joogaa gurigiisa.”

Xukuumadda oo markii u horaysay ka hadashay dacwada ninka Jarmalka ah
“Ninkani waa nin la xidida deegaanka, markaa maaha nin dalka iska yimi, laakiin…” Wasiirka Daakhiliga Somaliland
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Xukuumada Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay kiiska nin Jarmal ah oo labadii todobaad ee u dambeeyay hadal-haynta dacwadiisu ka taagnayd dalka.
Ninkan ajaanibka ah oo lagu magacaabo Mr. Guntar Bischoss, waxa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan-xumo ah oo ugub ku ah Maxkamaddaha Somaliland, kaasoo gudogalka dhegaysiga dacwadiisa oo ay gacanta ku hayso Maxkamadda degmada Hargeysa ay maalintii afraad dib u dhacday. “Ninkani waxa uu sameeyey waa arrimo dhaqan-xumo xaga bulshada ah, qofkastaana dalka uu joogo  waxa ku waajib ah inuu shuruucdooda iyo dhaqankooda uu ilaaliyo, isagana dalku uu ilaaliyo xuquuqdiisa. Markaa ninkan waxa soo qabtay hay’adaha amniga, hay’adaha amniguna sida ay sheegeen waxa weeye in falal aan ku haboonayn diinteena iyo dhaqankeena suuban lagu hayo, waxaanay u gudbiyeen sidii ugu dhakhsaha badnayd ugu gudbiyeen hay’adda Garsoorka,” sidaa waxa yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ninkan oo qaba haweenay reer Somaliland loo qabtay qareen difaaca. Ninkani waa nin la xidida deegaanka, markaa maaha nin dalka iska yimi, laakiin waa nin dalka ku yimi xididnimadaas oo shaqeeya,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in baadhista ninkaasi ay hadda ka gudubtay hay’addaha amniga dalka, isla markaana ay kiiskiisa gacanta ku hayaan hay’addaha Garsoorka Somaliland.
Xukuumadda cusub oo lagu eedeeyay inay aargudasho kula kacday Shaqaalaha dawladda
Hargeysa 25, November 2010 (Ogaal)- Ururka SOHIRA oo ay ku midoobeen ururada xuquuqal-insaanka Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumaddu aargudasho kula kacday Shaqaalaha dawladda.
Afhayeenka ururka SOHIRA mr. Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Xuquuq) oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Xukuumadda xisbiga KULMIYE ay shaqaale dawladeed ku caydhisay inay UDUB  u shaqaynayeen. “Shaqaalaha dawlada intii xisbiga KULMIYE qabsaday maamulka dalka waxa na soo gaadhaysa cabashadooda oo ah in lagu eryayo UDUB ayuu ahaa, waana nasiib-darro arrintaasi,” ayuu yidhi Saleebaan-xuquuq. “Xukuumaddani cid walba iyada ayaa u ah dawlad, waxaana la doonayay isbedel inuu yimaado oo la hagaajiyo Shaqaalaha, tan ay xukuumaddu ku kacaysaana hagaag uma muuqato,” ayuu raaciyay. Wuxuuna cambaareeyay ficiladaa uu xusay in Xukuumadda cusubi kula kacday shaqaalaha dawladda qaarkood.
Dhinaca kal, Afhayeenka SOHIRA waxa uu cambaareeyay magacaabista gabadh uu dhalay Gen. Maxamed Cali Samatar, taasoo todobaadkii hore loo magacaabay Wasiirul-dawlaha xafiiska Raysal-wasaaraha ee Soomaaliya. “Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa haddaanu nahay isku taga xuquuqal-insaanka Somaliland, magacaabista uu Ra’iisal-wasaaraha Sheekh Shariif u magacaabay Sahra Maxamed Cali Samatar oo ah gabadha uu dhalay dhagar-qabe Maxamed Cali Samatar oo dacwad dambiyo dagaal ahi iyo dambiyo ka dhan ah aadaminimada ay kaga socoto dalka Maraykanka.
Muhimada ama shaqada ay qaban doonto Sahri, waxaanu aaminsahay inay tahay mid ay ku doonayso inay aabaheed kala baxsato dacwadaas oo ay ku soo oogeen muwaadiniin reer Somaliland ah. Waxaanu u sheegaynaa Sheekh Shariif iyo Ra’iisal wasaarihiisa in magacaabista gabadhaasi ay xumayn doonto xidhiidh kasta oo ay labada dawladood ka wadahadli lahaayeen,” ayuu yidhi Saleebaan-Xuquuq.


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Biyaha ee Kenya
Nairobi, 25 November 2010 (Ogaal)- Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shalay kulan la yeeshay madaxda wasaaradda biyaha ee dawlada Kenya.
Masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Kenya, ahna ku simaha wasiirka Mr. David Stower, Maareeyaha guud ee wakaalada Biyaha Kenya Mr. Lawrence N. Simutu iyo waliba isuduwayaasha wasaaradda biyaha ee gobollada bariga iyo waqooyi bari ee dalkaas.
Wasiirku waxa uu masuuliyiintaas kala hadlay sidii ay Somaliland uga kaalmayn lahaayeen dhinaca Biyaha iyo waliba wada shaqayn buuxda oo ay yeeshaan labada wasaaraadood, iyadoo aymasuuliyiintaasina soo dhaweeyeen arrintaas, isla markaana caddeeyeen inay soo dhawaynayaan xidhiidh kasta oo ay la sameeyaan wasaarada Macdanta iyo Biyaha Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka Macdanta oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Kenya, waxa uu ka qaybgalay shirar caalamiya oo lagaga hadlay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxa la sheegay in wasiirku maalmaha soo socda kulamo kala duwan la qaadan doona saafaradaha reer Galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo waliba wasaaradda awooda Korontada ee dalka Kenya.
Kulankan shalay uu wasiirku la yeeshay masuuliyiinta wasaarada Biyaha ee dalka Kenya, waxaa ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indhabuur).

0 comments:

Post a Comment