Wednesday, November 10, 2010

Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya oo Amartay In La Sii Daayo Budhcad Badeed Soomaali Ah

Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya oo Amartay In La Sii Daayo Budhcad Badeed Soomaali AhKENYA(OWN)- Koox budhcad badeed soomaali ah ah oo ka kooban sagaal qof ayaa maxkamad ku taalla dalka Kenya ay amartay in la sii daayo, Budhcad badeedaa oo in mudo ah ku xidhnaa dalka Kenya,

Maxkamadda ayaa sheegtay in Kenya aanay awood sharciyadeed u laheyn in ay go’aan ka gaadho falal dambiyeedyo lagu galay meel ka baxsan dhulka Kenya.

sagaalkan  qof ee eedeysanayaasha ah, ayaa la sheegay in ay soo qabteen shaqaalaha markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo gacan ka helay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dalka Mareykanka, waxaan markii dambe raggaan loo gacan galiyay dowladda Kenya oo dhawaanahaan xukuno kale duwan ku ridday ragg budhcad badeednimo lagu helay.

Max’ed Ibraahim oo xaakin sare ka ahaa maxkamadda maanta go’aanka gaadhay ayaa sheegay in uu go’aankaan qaatay kadib markii uu eegay qodob ka mid ah dastuurka Kenya.

Max’ed Ibrahim, ayaa xusay in fal dambiyeedka uu ka dhacay meel ka baxsan dhulka iyo biyaha Kenya.

Wadamada reer Galbeedka ayaa mar hore kula heshiiyey dowladda Kenya in ay maxkamadeyso dadka lagu tuhmo budhcad badeednimada ee laga soo qabto xeebaha Soomaaliya.

0 comments:

Post a Comment