Wednesday, November 10, 2010

Muddaharaad Lagaga Soo Horjeedo Hadalkii Madaxweyne Faroole oo a dhacay Magaalada Dhahar.

Muddaharaad Lagaga Soo Horjeedo Hadalkii Madaxweyne Faroole oo a dhacay Magaalada Dhahar.DHAHAR(burctoday) Muddaharaad ballaadhan oo lagu diiddan yahay hadal dhowaan kazoo yeedhay madaxweynaha maammul-goboleedka Puntlad C/raxmaan-Faroole oo uuu ku sheegay in qaar  mid ah madaxda ciidanka qaranka gobolka Sanaag iyo bulshada ku dhaqan degankaasi (Dhahar) taageero iyo wada shaqayn la wadaagaan ciidanka uu hoggaamiyo wadaadka loo yaqaanno Atam ee ka dagaallama buuraleyda Galgala.

Muddaharaadkan oo ay isugu soo bexeen dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar iyagoo muujinaya boodha ay kku qoran yihiin halku-dhegyo isu soo baxooda ka turjumayey, sidoo kalena ku dhawaaqayey hadallo dareenkooda ku saabsan oo ay kaga soo hor jeedaan hadalka kazoo yeedhay Madaxweyne-Faroole, iyo in Puntland laysay dad beeraley aan waxba galabsan sidoo kalena ay qaxisay taasoo ay hadalladooda ku sheegeen in ujeeddada Madaxweyne-Faroole tahay isir la dagaallan iyo dul doon.
Nabaddoon-Maxamed Siciid (Nadaam oo ka mid ahaa madax-dhaqameedyadii isu soo baxan ka halay ayaa yihidhi “Waxannu maanta saxaafadda xorta ah ee aan madaxa laga haysan isusoo  ugu caddaynaynaa in aannu kazoo hor jeedno hadalka maammul ku sheegga qabqablaha Faroole idaacadaha debedda u gudbiyey ee uu ku sheegay in uu laayey dad maxaabbiis iyo dhaawacba ku jiraan, dagaalkaas waxashnimada ah ayaannu ka muddaharaadaynaa “. “Waxannnu kaloo hakan ka sheegaynaa in la qabsaday Ceelaayo  Cad-caddo Durduri  Madashoon  Galgala  Af-urur  Marraje  Balli-khadar  Ceeldoofaar dhammaan dhulkaas oo la burburiyey lana bililiqaystay isagoo Faroole dalkayaga doonaya in uu qabsao”. “Adduunweynaha waxannu ka codsanaynaa ergo in naloo soo diro dhulkayagaas la baabi’iyey ee la bililiqaystay”.
Cajeb Dirir Bulqaas oo a mid ahaa odayaasg=ha isu soo baxan ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Dagaalka Faroole muddooyinkan wadey ma aha waxa lagu sheegayo waxan leeyahay waa dagaal Isir oo dagaal qabiil ah. Maraa Faroole waxan leeyahay dagaalkaagu waa mid qabiil iyo macdaneed ahe kala saar al-shabaab ku eedaynta iyo macdan doonkaaga madaxweyne nimaduna shacab la laayo ma aha  inta aad sheegtay beesha degaankan in aad ka qabtona waa deyn kugu maqane ogow”. “Caalamkana waxan ka codsanayaa arrinta meeshan ka jirtaa waa isir la dagaallan waa beel la dagaallan waa  degaan doon waa macdan done indhaha yaan laga qarsan”.
Afhayeena dhallinyarada Sanag-bari Daahir Cali Dhuxul oo isaguna isu soo baxan hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Madaxweyne Faroole Waxannu uga digaynaa fara gelinta iyo dagaalka isir ee uu nagula kacayo “. “Caalamana waxan u caddaynayaa annaga iyo dad degaanakayaga ah toonni ma nihin lamina shaqayno alshabaab”.
Cawrala Cige oo iyaduna isu soo baxan k ahadashay aya tidhi.“Ururrada haweenka anigoo ku hadlaya waxan leeyahay annagu al-shabaab shaqo kuma lihin waxase nasoo waajahay dagaallo degaannadayadii lagu gubey oo nalaka bara kiciyey waxana firxadkii barakacayaga maatadii (haween iyo carruur iyo waayeelba) ku dhibban yihiin duleeddada Dhahar iyo baadiyaheeda waxannuna caalamka leenahay dadkaas masaakiinta beerahoodii la gubey ee xoolohoodii madfaca lagu garaacay waxay u baahan yihiin taageero”. “Xukuumadda Somaliland-na waxannu leenahay waxa nagu socda dagaal isir iyo dal ka qaadis ahe waxannu u baahan nahay dhibaatooyinka maammulka Faroole nagu hayuo in gacan nalaa siiyo”.

0 comments:

Post a Comment