Saturday, November 20, 2010

Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Maanta Gaadho London

Hargeysa (burcotoday)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafdiga uu hogaaminayo, ayaa la filayaa in saaka gaadhaan caasimada dalka Ingiriiska ee London.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo maalmahan-ba ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia, ayaa waxa ay halkaas kulan kula yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, safiiradda wadamo Yurub ka tirsan iyo madax kale.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa BBC u sheegay in kulamo kala duwan oo ay la yeesheen masuuliyiinta Ethiopia ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dhinac.
Wasiirku waxa uu sheegay in la saaray guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrimaha ay ka wada hadleen oo ah iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo isgaarsiinta.
Wafdiga Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filaaya inta ay joogaan London inay la kulmaan jaaliyadda Somaliland ee UK iyo sar sare oo ka tisan dawlada Ingiriiska.
Waraysigaas Wasiirka oo dhamaysiran hadhaw ayaanu idiin soo gudbinaynaa:-
Waxa kale oo aad halkan ka daawataan Sawiradii Weftiga Madaxweynaha iyo soo dhawayntii Raysal Wasaaraha Itoobiya.

 

  1. Somalilander says:
    WOOW: Silaanyo halayay, qarran ilaa ninkii Africa beerka iskaga taagay buu ka samaystay innuu Roog cas u dhigo. iga wala lantani meeshay is dhigtuun bay maraysaa, Riyaalna denbigiisa alla ha inaga dhaafe intuu booqasho u baxaabu la kulmi jiray waziir ku xigeen, iminka wasirka arimaha debada JSL aya Geella Djiboiti iyo Zanawi ga Ethiopia la kulmaya, Muj Silanyona si an Africaba loso dhawyn ba loso dhaweeyay, Dayixi la sheegayay hadun bay somaliland ku socota.
  2. galad says:
    waa ayaan daro in dalkuna halis kujiro madaxwayne siilaanyona ka dhamaan laayahay safar imikana uu arimaha somaliya wado oo uu dalka keenay nin xagjir ah cismaan kaluun …………………………… wuxuu yidhi qarmaaje … inkastuu daliigiyo midab dooran leeyahay duurjoogna loofilo midabku isma doorshee farow waa dameer uun siilaanyo way kugu soobaxday uun lol
  3. abdi555 says:
    sawiradaan maxabooneeyn in la soo saaro waayo
    1–Labada m/weyne isma garab socdaan oo marwalba zanawi iyaa ka talaabo horeeya ..
    waa khalaad waana baxdilaad ( caalamka weey isgarab socdaan m/weynayaashu )
    2–Labada m/weyn markeey isla fadhiyaan calanka ethiopia oo kali ah baa ka danbeeya..
    waa khalaad waana baxdilaad ( caalamka labada calaan baa la daba dhigaan )
    waxeey u eegtahaay xogaamiye gobaleed ( badhasaab ) soo booqdey m/weyni xiisi
  4. Burco Plazer says:
    Ninkaagan xanuunsanaya cabdi555 muraayad ayaad u baahntahay ee sawirka si fiican u daawo–xanuunka calooshha kaaga jira ayaa ka batay xitaa inaad sin fiican sawirka u sugato 2da nin waya is garab socdaan
  5. Burco Plazer says:
    Masadxweeynuhu was due to land 7:00 am this morning @ terminal 3 wararka qaara waxay sheegayaan inuu already London soo galay iminka
  6. Gabay dhuug says:
    Madaxweynaha iyo wefdigiisii way nabad yimaaddeen, hadda ayaan soo gaadhay gurigayga kadib markii aan ka qayb qaatay soo dhoweynta madaxweynaha
  7. fuad says:
    manshlaah madaxweyne mujahid silanyo soo dhowow kii noo kecee kuukuyadii kaalay naga eryooy somaliland hanoolato amiiiiiiiiiiiiiiin aqoonsi baa soo ifaya nimankaa nabadiidka ssc maanta nabad waa diideyn dhirbaaxo xanuun kulul oo aanay kasoo kaban waa in lagu dhuftaa walaahi
  8. Wadani says:
    Niman midgo ah ( gabooye) oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda iyo cadawga SSC ( Siilka Saado Cali) ayaa maalmahanba ku hanjabaayay inay odayga Silaanyo mudaharat ku dhigayaan markuu yimaado London. Waxaan rajaynayaa wadaniyiinta Somaliland inay iyaguna soo dhaweyn aad u weyn weftiga kala hortegeyaan.
    Shacabka reer miyiga ah ee Somaliland ee SSC ku xasuuqday degaanka Buuhoodle ma siyaasad xumada dawladihii soo maray Somaliland ayaa loo sadqeeyey? Dawladdan hadda xukunka haysaa waxaabay rabtaa in dadka
    la xasuuqay ay FAATAXO qaataan sida Abgaalka, ciidanka qaranka Somaliland aanu weliggii tegin Buuhoodle, HADHAAGII Siyaad Barena iyaga oo hubka waaweyn wata ay maalinwalba ka soo duulaan Buuhoodle.
    Dawladdan Silaanyo waxaan leeyahay ” WAXBA HAYTARINE AF-QADHMUUNKAAGA IGA QARSO”
  9. cabdi qani indha buur says:
    madaxweyne M M siilaanyo soo dhawoow

Leave a Reply




0 comments:

Post a Comment