Saturday, November 20, 2010

Ciidamada Mareykanka oo Sheegay In Markii Ugu Horeysay Ay u Isticmaalayaan Dagaalka Afganistan Kaarayaasha M1 ABRAHAM Isla Markaana uu Dagaalkaasi Gali Doono Waji Cusub

WASHINGTON(burctoday)- Mas,uuliyiinta dalka Mareykanka ayaa sheegay inay markii ugu horeysay u isticmaalayaan dagaalka dalka Afganistan Kaarasyaasha nooca casriga ah iyadoo halkaa loo diri doono ciidamada guutada Kaarayaasha waaweyn, Arintan oo ah markii ugu horeysay e ciidamada mareykanku ay sheegeen inay u isticmaalayaan dagaalkaa ay ku jireen sagaalka sanadood iyagoo intaa ku daray in dagaalkaasi uu gali doono waji cusub,


Jariirada Washington Post ayaa sheegtay in mas,uuliyiinta wasarada difaaca ee dalka Mareykanku ay sheegeen inay u diri doonaan dalka Afganistan Dubaabadaha Noocoodu yahay M1 ABRAHAM,  Kaarayaashaa ayaa waxaa isticmaali doona ciidamada badda ee  Mareykanka  ee ku sugan koonfurta dalka Afganistan, Ciidamadaa aya waxaa fasax loo siin doonaa inay weeraraan ciidamada Ururka Daalibaan,


Dubaabadahan ama kaarayaashaa ayaa ah qaar casri ah kuwaas oo miisaankoodu yahay 68 TON Xabadiiba isla markaana ay Rasaasta ka dhacaysaa ay tahay mid waaweyn oo casri ah iyadoo ay masafo dhan hal Mayl ay ka dumin karto guri dhan, Kaarayaashaa ayaa waxaa 16 kamida la geyn doona gobolka Helman ee waqooyiga afganistan halkaas oo ciidmada Mareykanku ay kulla jiraan dagaal aad u kulul ciidamada Daalibaan,

Ciidamada Mareykanka oo dagalkaa ku jiray mudo Sagaal Sanadood ah ayaa sheegay in isticmaalka kaarayaashasi ay ka dhigi doonaan dagaalka mid waji kalle yeesha ama sii xoogeysta,


 

0 comments:

Post a Comment