Saturday, November 27, 2010

Dugsi Cusub oo la Magac Baxay CRUIES oo Magaalda Hargeysa Laga Furay +SAWIRO

Hargeysa (BCT)- Xaflad baladhan oo si wayn loo soo Agaasimay oo loogu talo galay Furitaanka Dugsiga Cusub ee Kuruus Secondary School ayaa manta lagu Qabtay Hotel imperial.



Xaflada Furitaka Dugsigan Cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda, Badhsaabka Gobolka Hargeisa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID, madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiyadda Qaranka iyo marti shara kale oo tiro badan.

Ugu horayn waxaa Madasha hadal kooban ka jeedisay Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac isla markaana ku hadlaysa magaceeda iyo ka Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ayaa waxay mahadnaq uso jeedisay maamulka dugsiga cusub dadaalka ay ugaleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka Waxbarashada Dalka iyo Dhiiri galinta Da,yarta, waxaanay ku boorisay inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.



Waxaa isaguna Madasha ka hadlay Maamulaha Dugsiga Cusub ee Kuruus Eng.C/rashiid Cumar waxaanu faahfaahin ka bixiyay sababihii ku dhaliyay furitaanka dugsigan, waxaana uu sheegay in manta waxbarashada Dugsigu ay ku baxayso manhajka itoobiya, isla markaana Xarunta koowaad ee Dugsigu ay ku taalo dalka itoobiya, halka xarunta labaadna ay noqon doonto Hargiesa Somaliland.

Geesta kale waxa uu sheegay Maamulaha Dugsigu inay Xidhiidh la sameeyeen Dugsi wayn oo jiray Muddo 15 sanno ka badan, isaga oo balan qaaday inay ardayda si wayn ugu dhisi doonaan xaga luqadda ingiriisga oo ay inta badan ardayda dalkeenu ku liidato. 


Sidoo kale waxa ENG. C/rashiid sheegay inay xidhiidh fiican la samayn doonaan Waalidka, macalimiinta iyo Ardayda isla markaana ay wada shaqayni dhex mari doonto maamulka iyo Waalidiinta, si loo Ogaado loogana Warhayo Ardayda, waxaanu ku dheeraaday in uu dugsigoodu noqon doono mid dalka wax u soo kordhiya, sidoo kalena aanu dugsigu ka hadhi doonin ardayda xataa marka ay dhamaystaan Dugsiga.



Waxaa isaguna halkaasi Hadal kooban ka soo jeediyay Badhasaabka Gobolka Hargeisa Mudane Abxmed C/lahi Cumar (Xamarje) oo xusay inay isaga farxad gaar ah u tahay ka qayb galka xaflada furitaanka dugsigan, ka maamul ahaana wixii ay uga baahdaan gacan ka siin doonaan.

Waxa iyaguna Xafladaasi Hadalo ka soo jeediyay Xubno ka tirsan Xibiyadda Qaranka oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ee UCID Muuse Inji, Agaasimihii hore ee Televition-ka qaranka Maxamed Muuse Diiriye oo ka tirsan Xisbiga UDUB iyo xubno kale oo ka mid ah ururadda Bulshada, waxaanay dhamaantood ka warbixiyeen Qiimaha Tacliintu uleedahay Ardayda iyo sidii looga qayb qaadan lahaa horumarka Waxbarasho ee tDalka Somaliland. 



Dugsigan oo noqon doono mid ka manhaj duwan Dugsiyadda waxbarasho ee Somaliland ayaa la filayaa in kaalin mugle ka qaadan doono Waxbarashadda Dalka.


C/raxman Axmed Ibraahin (Bataash)

0 comments:

Post a Comment