Saturday, November 13, 2010

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Magacaabay Qaarka ka Mida Wakiilada Somaliland ku Jooga Wadamada Dibada

Hargeysa (burcotoday)- Dawlada Somaliland ayaa maanta u magacawday wakiilo 7 dal oo kamid ah wadama Aduunka . Waxa sidanaa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Iyo Xidhiidhka Caalimaga ah ee  Somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay xafiiska Warqabadaka ee Shabakada Caaliaga ah ee Oodweynenews. Waxaanu u dhignaa warsaxaafadeedkani isagoo dhamaystiran sidatan:

Ka dib markii la tixgaliyay baahida qaran ee loo qabo in la kobciyo xidhiidhka ay dawladda Somaliland la leedahay bulshada caalamka, lana qiimeeyay inay daruuri tahay in la dardargaliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsiga ee Somaliland, waxaa loo magaacaabay dadka hoos ku qoran inay noqdaan Wakiillada Xukuumadda Somaliland ee wadamada soo socda iyadoo la eegay xirfadooda, waayo aragnimadooda iyo aqoontoodaba.

 

1.     Aden Nuux Dhuule                      Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

2.     Prof. Maxamed Xirsi Qalinle          Wakiilka Somaliland ee Jabuuti

3.     Maxamed Axmed Nuur                Wakiilka Somaliland ee Kiiniye

4.     Axmed Cumar Sangoore              Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska

5.   Rashid Nuur Gaaruf                   Wakiilka Somaliland ee Maraykanka

6.    Xasan Mawliid Axmed              Wakiilka Somaliland ee Faransiiska

7.     Cali Maxamed Axmed                  Wakiilka Somaliland ee Yemen

 Allaa Mahad leh

Press Office

 www.Somalilandforeign.net

0 comments:

Post a Comment