Hargeysa (burcotoday)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somiland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa daboolka ka qaaday inay Madaxweynaha Hey’adaha AWEPA ( European parliament for Africa) Dr Scholten ay isla garteen cusbooneysiinta xidhiidhka baarlamaanka Somaliland iyo AWEPA, isla markaana waxa uu sheegay inay Danjiraha dawladda Maraykanka u fadhiya dalka Kenya ay isla soo qaadeen in kaalmada Somaliland loo qoondeeyey la gaadhsiin doono $ 26 million dollar halkii ay awal ka ahayd $ 7 million.
Gudoomiye Wakiiladu waxa uu sidan ku sheegay war-bixin qoraal ah oo uu maanta soo saaray xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaas oo uu faafaahiyey safarkiisii iyo Kenya iyo masuuliyiintii kala duwanayd ee ay soo wada kulmeen.
War-bixintaasina waxa ay u dhignayad sidan:-
“Waxaan safar shaqo ugu baxay dalka Kenya magaalada Nairobi 26.10.2010ka dib markii aan marti qaad ka helay Madaxweynaha Hey,adaha AWEPA ( European parliament for Africa) Dr Scholten si aan uga wada hadalo cusbooneysiinta xidhiidhka baarlamaanka Somaliland iyo AWEPA.
Hey,adda Awepa waxay xidhiidh wada shaqeyn oo wanaagsan la lahayd Baarlamaanka JSL ( labada aqalba) muddo ka badan afar (4)sano.
Si loo kordhiyo heerka aqooneed iyo xirfadeed waxay AWEPA tababar siisaa shaqaalaha baarlamaanka Somaliland. Waxa kale oo la qorsheeyey in tababar gudaha iyo dibaddaba ah la siiyo gudiyada baarlamaanka. Gudiyada qaarkood tababar baa Somaliland lagu siiyey. Gudida Dhaqaalaha waxa tababar kooban lagu soo siiyey dalka Uganda. Waxa kale oo AWEPA study Tour u sameysay Gudoomiyaha Golaha , Gudoomiye ku xigeenka 2aad Baashe Maxamed Faarax iyo Sideeda Gudoomiye ee Guddi hoosaadyada Golaha Wakiilada iyaga oo booqasho ku tegey dalalka Ethiopia, Uganda iyo Rwanda.
Hey,adda AWEPA waxay maalgelinaysaa dhismaha Cusub ee Golaha wakiilada JSL , waxa kale oo qayb weyn ka bixin doontaa Dhismaha Golaha Guurtida.
Madaxweynaha AWEPA waxaan isla garanay in la cusbooneysiiyo wada shaqeynta baarlamaanka JSL iyo AWEPA saddexda sanadood ee soo socda haddii alle yidhaa.
Waxa AWEPA ballan qaaday inay qalabayn doonta dhismaha cusub haddi ay tahay Furniture iyo haddi ay tahay SOUND SYSTEM iyada oo lagu rakibi doona CHAMBER cusub qalab u sahli doonaa in aan nidaam casri ah u codeyno iyo in mudane kastaa yeesho microphone u gaar ah.
Waxaan kale oon madaxweynaha Awepa u soo jeediyey laba mashruuc oo cusub oo ay wadaagi doonaan laba aqal ee baarlamaanka JSL oo kala ah dhismaha Library laba dabaq ah iyo madbacad baarlamaanku yeesho si shacbiga loo gaadhsiiyo xeerarka ka soo baxa xeer dejinta Somaliland.
Waxa kale oon Madaxweynaha isku waafaqnay in shaqaalaha baarlamaanka iyo Gudiyada baarlamaanka lagu soo tababaro baarlamaanka dalka Kenya. Baarlamaanka dalka Kenyana wuu aqabalay. Waxa baarlamaanka dalka kenya ka cosdsaday Madaxweynaha AWEPA inay codsi u soo qoraan baarlamaanka dalka Kenya. Codsiga AWEPA way qortay, waxaana soo ogolaaday Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya mudane Faarax macalin.
Muadadii aan joogay dalka Kenya waxaan la kulmay
1. Danjiraha dawladda Maraykanka ee dalka Kenya oo ay weheliyeen Regional Director ee USAID-KA iyo saraakiil kale.
2. Danjiraha dalka Denmarka ee dalka Kenya
3. Siihayaha safaaradda Norway ee dalka Kenya
4. Siihayaha Mission-ka EU-da ee dalka Kenya
5. Ku qaybsanaha Arrimaha Somalia ee safaaradda Jarmalka ee Kenya
6. Madaxa FAO ee Somaliland/Somalia
7. Madaxda UNDP ee Somaliland/Somalia
8. Madaxda IOM ee Somaliland/Somalia
Dhamaantood waxay aad iyo aad ugu bogaadinayaan Somaliland doorashadii madaxtooyada ee u qabsoontay sida nabadgelyada iyo xorta ah.
Waxay xuseen in la soo gaadhay waqtigii Somaliland la caawin lahaa dhinaca mashaariicda horumarinta iyo kaalmada tooska ah.
Danjiraha dawladda Maraykan in kaalmada Somaliland loo qoondeeyey la gaadhsiin doono $ 26 million dollar halkii ay ka ahayd $ 7 million.
Madaxa FAO waxa uu ii sheegay inay Somaliland siinayaan 10 cagaf oo cusub, seeds iyo bacrin.”

0 comments:
Post a Comment