Muqdisho ( OWN) – Kooxda al-shabaab ayaa ku soo rogtay amar ku qasbaya idaacada magaalada Jowhar ee dalka Soomaaliya in aanay baahin karin casharada Tasiirka Quraanka iyo casharada kale ee diiniga ah ee uu leeyahay wadaadka reer Somaliland ee Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.
Sheekh Osaama oo ah sarkaal ka tirsan golaha wacyi gilinta al-shabab ee magaaladda jowhar ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo isla markaana lagu hor istaagayo duruusta diiniga ah ee wadaadkaasi leeyahay ee laga sii daayo idaacada magaaladda Jawhar .
Waxa uuna dadka uga digay dhageysiga wadaadkaasi oo ciddii lagu arko talaabo adag laga qaadayo.
Maamulka magaaladda Jawhar wax faahfaahin kama ay bixin sababta ku kaliftay inay joojiyaan baahinta casharadda Sheekhu tabiyo, laakiin dadkan arrimaha la socda ayaa sheegay inay ka biyo-diideen hanaanka sheekhu u bixiyo casharada ugana faalloodo islaamka iyo nabadda.
Maaha markii ugu horaysay ee kooxda-diimeedyada ka jira Soomaaliya ay hor joogsadaan tabinta casharadda iyo muxaadarooyinka wadaadada aadka looga dhagaysto gayiga Soomaalida, balse kooxda Ahlu Sunnah oo iyana ka mid ah kooxo diimedyada dalka Soomaaliya ayaa mamnuucay baahinta casharo diimeedka wadaadka kale ee reer Somaliland ee Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.

0 comments:
Post a Comment