Sunday, November 21, 2010
Aamiin Hassan Daacad
Vienna(burctoday)- Waxaa habeen hore siddeedii habeenimo waqtiga Austria ka soo degay madaarka Vienna ee wadan Austria wafdi ka socda baarlamaanka JSL oo ka kooban guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi ( Cirro) iyo Gudoomiye Ku-xigeenka GW ee JSL Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Wafdigu waxay martiqaad ka heleen Baarlamaaano kala duwan oo reer yurub ah oo uu ka mid yahay baarlamaanka Austria.
Waxay isla shalayba 18.11.2010 wafdigani kulan shaqo la yeesheen Guddiyo kala duwan oo ka tirsan Baaralaanmka dalka Austria oo ay Hogaaminayeen Mudane Dr CHRISTOPHER MATZNETTER, MP oo ahaan jiray Wasiirka Maaliyadda iyo Marwo ELISABETH HAKEL, MP.
Sidoo kale waxaa wafdigu kulmo la qaatay saraakiil ka socotay:
·NATIONAL DEFENCE INSTITUTE ( NDI) oo uu hogaaminayey Brigadier General WALTER FEICHTINGER, Director of the Institute oo ay weheliyeen Dr LORENZ M STROLZ, Africa policy Group iyo Dr. Gerald Hainzl, Senior Researcher,
· Arrimaha Dibedda:
Ambassador George Lennkh, Special Envov for Africa
Ambassador STEFAN LEHNE, Political Director
Minister Doris Danler, Deputy Director, Africa South of the Sahara, African Union.
Kulamadan oo lagaga wada hadlay wadashaqaynta labada baarlamaan iyo sii xoojinta xidhiidhka wada shaqyneed ee labada gole iyo guud ahaanba labada dala ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad iyo wadashaqayneed.
JSL speakers Media,
Viena, Austeria.
0 comments:
Post a Comment