Sunday, November 14, 2010

Somaliland Oo Maxkamadaynaysa Nin Jarmal ah oo Dhaqan Xumo ku Kacay

Hargeysa (burcotoday)-  Xukuumada Somaliland ayaa maanta Dacwad ku Oogaysa nin Jarmal ah oo lagu eedaynayo inuu ku kacay falal dhaqan-xumo iyo Xad-gudub isugu jira ku sameeyay Hargeysa.

Ninkan la maxkamadaynayo ayaa ah nin Jarmal ah oo ka ganacsada Khadadka iyo qalabka wax lagu daabaco, waxaana la sheegay inuu si fawaaxish ah ula macaamilay Dumarka Reer Somaliland oo uu kula kacay fal ka baxsan Anshaxa iyo Bini’aadaminimada isagoo Sawiro sharci daro ka qaaday sida la sheegay.

Ninkan ayaa sida la sheego waxa uu Dalka Joogay mudo ku siman Afar sano isagoo la xididay Qoys reer Somaliland ah, isla markaana la sheegay inuu Islaamay hase yeeshee waxa lagu eedaynayaa inuu ku kacay basar daro ka soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka Somalida iyo Xuquuqda gaar ahaaneed taasoo uu kula kacay Dumar farabadan oo reer Hargeysa.

Ciidamadda Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaas lagu eedaynayo falalkaasi oo la sheegay in loo hayo cadaymo uu isagu iska duubay kuwaasoo ku kaydsanaa Kombuyuutrakiisa balse ay Booliisku ay heleen, kadibna lagu sameeyay baadhitaan lagu eegayay xaqiiqada arrintaas.

Dhacdadan waxa si weyn uga Gil-gishay Culimadda reer Somaliland oo lahaa sababta qabashadiisa sida ay wararku sheegeen, waxaanay Xukuumadda ka dalbadeen in sharciga la mariyo isla markaana lagu sameeyo baadhis ka qoto-dheer ficilada lagu hayo, iyagoo ka shakisan inay jiraan waxyaabo uu fidinayay oo waxyeelo balaadhan u geysan kara Dumarkii ay is arkeen.

Dhacdadan kuwo la mid ah ayaa la sheegay inay ku kaceen rag ajanabi ah oo ka shaqayn jiray qaar ka mid ah Hay’adda Caalamiga ah ee Dalka jooga kuwaasoo markii la ogaaday laga mastaafuriyay Dalka.

Dadweynaha ayaa walaac weyn arrintan ka muujiyay waxaanay intooda badani xukuumadda ku dhaliileen inaanay kantaroolin ama aanay waxba kala socon ficilada ay ku kacaan dadka Ajaanibka ah ee Dalka ku sugan oo sida ay doonaan u dhaqma, isla markaana ku kaca falal ka baxsan Diinta iyo Dhaqanka Dalka.

 

0 comments:

Post a Comment