Thursday, November 25, 2010

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta La Kulmay Wasiirka Arimaha Afrika u Qaabislan Dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham

Warsaxaafadeed

Taariikhda: 11/24/2010

 

LONDON(burcotodfay)- Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.

 

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.

 

Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.

 

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.

 

Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.

 

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha  arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen  hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.

 

Allah Mahad Leh

Hirsi Haji Hassan

Chief Of Cabinet

0 comments:

Post a Comment