Saturday, November 27, 2010

Shirkii Deegaanka Maygaagle oo Saaka La Filayo inuu Bilaabmo iyo Ergooyinkii Nabada oo isu Soo Wada Dhamaaday

Maygaagle-(BCT)-Waxa tan iyo Shalay laga Dareemayay Deegaanka Maygaagle ee Gobolka Buuhoodle isu socod balaadhan oo ah ergooyinka kala duwan ee ka kala imanayay Deegamaada Qorilugud iyo Buuhoodle ee dhwaan shaqaaqado ku dhexmartay Deegaanka Kalshaale.


Waxaana siday Balantu ahayd subaxani saaka ah La Filayaa in shirkii ugu horeeyay ee si foolk ka fool ah laysu soo horfadhiisiyo labada beelood ee dhawaan dirirtu dhexmartay uu ka qabsoomo deegaanka Maygaagle.

Shirkani saaka ayaa waxaa ka qayb qaadanayo Gudiyo iyo ergooyin la soo xulay oo ka kala tirsan dhinacyada dirirtu dhexmartay iyo salaadiin,Cuqaal iyo wax garad ka kala yimi Gobolada Somaliland iyo Buntland.

Shirfkani ayaa la filayaa  inuu wajigiisa koowaad noqondoon mid lagu guda galo arimaha ugu horeeya oo la filayo inay noqdaan soo xulado gudiyo gaara oo ka soo kala Jeeda labada Beelood oo midi la qoondeeyay ilaa 25oday oo noqondoonaan Kuwa hadhaw damaanad qaadi doona wixii dhiba ee danbe ee deegaankaasi ka yimaada.

Ugu danbaytgii shirkani ayaa la filayaa inuu sii socondoono mudo dhawr maalmooda ah sida ay Burco TODAY ka heshay ilo u dhuun daloola arinkaasi oo sugan Deegaanka maygaagle ee shirku ka dhacayo.

0 comments:

Post a Comment