Thursday, November 11, 2010

Booqashada Obama & Xaaskiisa Ee Masaajida Indonisia & Xaaska Obama oo Xidhatay Xijaabka Muslimiinta & Indhaha Mareykanka & Caalamka oo Soo Eegaya

INDONISIA(burcotoday)- Gabadha koobaad ee dalka Mareykanka Michiel Obama ayaa go,aansatay inay xidhato dhar asturan isla markaana ay is xijaabto kadib markii ay booqdeen masaajid ku yaalla dalka Indonisia, Obama iyo xaaskiisa oo safar ku marayey maalmihii la soo dhaafay qaar kamida dalalka Asia,

Xaaska Obama ayaa & madaxweyne Obama ayaa galay masaajidkaa iyadoo xidhan dharka muslimka isla markaana madax-xu u daboolan yahay, masaajidka ay soo booqdeen ayaa ah ka ugu weyn koonfur barri ee qaarada Asia,
Madax weyne Obama ayaa qorshuhu ahaa inuu soo booqdo macbadka dahabiga ah ee Singa Singaha ee dalka Hindiya laakiin booqashadaa ayaa la joojiyey kadib markii ay Siigu sheegeen inay tahay inyy madax weyne Obama xidho Cumaamad cas oo ay xidhaan marka ay macbadkaa galayaan, Cumaamada cas ayaa ah shuruud lagu xidho inuu xidho qof kasta oo macbadkaa gaalaya iyadoo madax weyne Obama uu ka yabaalay arintaa,
Dalka Indonisia ayaa ah dalka ugu muslimka badan Caalamka oo dhan iyadoo uu uga faa,iideysanayo madax weyne Obama booqashada Indonisia inay isugu soo dhawaadaan caalamka islaamka, laakiin kaaliyayaashiisa ayaa sheegay inay ka baqayaan in lagu sawiro Obama oo xidhan Cumaamada muslimka iyo xaaskiisa oo xijaaban iyadoo ay mucaaraadka Obama oo hore ugu tuhmay inuu yahay nin muslim ah ay arintaa ka faa,iideysan karaan,
Obama iyo xaaskiisa ayaa markii ay galayeen Masaajidkaa iska bixiyey kabbaha oo sida caadiga ah aan la ogolayn in lala gallo masaajidka, Obama ayaa indhaha mareykanka iyo caalamka oo dhan ay soo Eegayaan booqashadiisa dalka Indonisia oo ah wadankii uu ku koray yaraaantiisii,
Dalka Indonisia ayaa ah dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka iyadoo 90% dadka Indonisi ay yihiin muslimiin, Dalkaa Indonisia ayaa waxaa sidoo kalle laga ogol yahay lix diimood oo kalle oo ay kamid yihiin Boodiga & Hunduuska &  Confucianism,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment