Monday, November 15, 2010

Xaflad Ballaadhan Oo Lagu Qabtay Gobolka Minnesota Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Fannaaniinta Sahra Ahmed iyo Fuaad Omar + SAWIRO

Waxaa Madasha ku soo dhaweeyay Fanaanada. Abwaanka Caanka ah Siciid Samatar, oo dadka afsoomaaliga ku hadlaa aad u ixtiraamaan, ayaa gudoonsiiyey award ka, isagoo ka hadlay Sahra Ahmed kaalinta ay kaga jirto Fanka.
Waxaa  isaguna halkaas wacdaro ka dhigay wariye  Abdifatah oo ka sheekeeyey Riwaayadihii ay  jishay fanaanadu tahayna gabadha ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliyeed.
Waxaa Isaguna Goobtaas ku Sugnaa Wariye ka Socday BBC Mr Shiine, oo isaguna qaadaa dhigay fanaanada siday fanka ku bilowday .
Waxaa Goobtaas ku sugnayd oo Wacdaro ka muujisay, Fanaanada Codka macaan Raxma,oo runtii ka mid ah hormoodka Gobolka  Minnesota xaga Fanka.
Waxay Sahra ahmed u mahad naqday dhamaan dadkii isku soo dubariday, xafladan taariikhiga ah, waxaysi  gaara   ugu mahad naqday fanaanka Qaaliga ah Fuaad Omar, oo   dadku u hayaan ixtiraan iyo qadarin dheeraada.
Waxaa halkaas lagu soo bandhigay Cake ay ka muuqato farshaxanimo , oo ay Jartay fanaanadu dadkiina ay iyadu afka ugu gurtay “how sweet”
 
Waxay  Labada Fanaan Sahra ahmed iyo Fuaad Omar  ay xaflad balaadhan ku leeyihiin  wadanka Canada Gaar ahaan Toronto habeenka Jimcaha ee fooda inagu soo haya, oo ay ugu tala galeen Ciida Barakaysan.
Special thanks, dadkii xaflada isku soo dubariday dhamaantood.
Mujaahid suufi

0 comments:

Post a Comment