Sunday, November 21, 2010

Dagaal Xoogan oo Maanta Ku Dhex Maray Al-Shabaab & Ahlu Suna Gobolka Gal-guduud

GALGUDUUD(burctotoday)- Dagaal culus ayaa maanta ku dhex maray xoogaga Al.Shabaab & kuwa Ahlu suna Wal jamaaca deegaano ka tirsan Gobolka Galguguug, Dagaaladaa aya geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,


Dagaalkaan oo bilowday barqanimadii saaka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka lagu Magacaabo Waradhuumale iyo Toola ooman oo u dhow Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalku uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen fadhiisimo halkaasi ay ku lahaayeen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.
Dagaalka oo saacado badan socday ayaa la sheegay in ay ka dhasheen dhaawac ku dhawaad 10 ruux oo isugu jira dad reer miyi ah iyo dhinacyadii Dagaalamay kuwaasi oo dhaawacooda la gaadhsiiyay goobaha Cafimaad ee degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.
Saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka degmada Guriceel ayaa  sheegay in la soo gaadhsiiyay dhaawacyo kor u dhaafaya ilaa 7 qof kuwaasi oo ay sheegeen inay ku soo dhaawacmeen dagaaladii maanta ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay jiraan dhimasho halkaasi ka dhalatay walow aan si dhab ah loo xaqiijin karin tiro ahaan inta ay la egtahay dhimashada, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya deegaanka lagu dagaalamay ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan marka laga reebo rasaas teel teel ah oo dadka reer miyigu ay sheegeen inay ka maqlayaan nawaaxiga goobaha lagu dagaalamay.
Dhinaca kale dhowr madfac ayaa la sheegay inay maanta ku soo dhaceen agagaarka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo dadka deegaanka ay sheegeen inay soo tuureen Ciidamada AL Shabaab, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in aysan jirin wax khasaare ah oo madaafiicdaasi ay dhaliyeen.

0 comments:

Post a Comment