Sunday, October 31, 2010

Halkan Ka Daawo Siday Ciidamada Badda Somaliland Ula Dagaalamaan Budhcad-Badeeda

Guri Maanta Ku Shufbeelay Magaalada Hargeysa + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Guri ay ku noolaayeen sideed caruura iyo labadoodii waalid, ayaa maanta ku shufbeelay dagmada 26-ka juun ee magaalada Hargeysa.

Guriga oo uu lahaa Ganacahadaha reer somliland ee Xaaji Baxsane, ayaa gubashadiisa waxa sabab u ahaa shoodhka ka dhashay laydh ku jiray guriga, kaas oo sababay in uu gabi ahaanba uu shufbeelo gurigu marka laga reebo alaabooyin fud-fu-dud oo laga samata bixiyey iyo dhismihii gidaarada ee guriga.

Markii uu dabku qabsaday guriga ayaa waxa bakhtiintiisa si weyn uga hawl galay sadex Dabdsaamis oo ka soo kala gurmaday xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa, shirkada Dahabshiil, iyo madaarka Caasimada Hargeysa,    kuwaas oo intii ay dhexda  ku soo jireen  uu gurigii si xun u guntay, hase yeeshee markii dambe ku guulaysatay in ay bakhtiiyaan dabakii.

“Markii uu dabku guriga qabsaday waxa ku sugnaa oo hurday sideed caruura ah iyo hooyadood, nasiib wanaag ilmo yar oo ka mid ah caruurtii oo soo toosay ayaa arkay guriga oo qiiqaya, badadeedna hooyadiibuu toosiyey, markii ay dibada u soo baxday ayey aragtay gurigii oo gubanaya, waxa ay gudo-gashay inay caruurta badbadiso, Ilaahay mahadii waanay ku guulaysatay, oo iyadiibaaba halis gadhay oo guban gaadhay” sidaa waxa idhi Cabdiraxiim Cabdilaahi Beerna oo ay walaalo yihiin Aabaha qoyska Saciid Cabdilaahi Beerna.

Waxaanuu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ilaahay Mahadi ha u sugnaatee cid wax ku noqtay may jirin dabka, hase yeeshee waxa si xun  u shuf beelay agabkii kala duwanaa ee guriga hoos yaalay.”

Gubashada Guryahaya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey aad ugu soo badanaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaaba gobolada ka gadisan ee dalka, iyada oo aanuu wadanku lahay dabdadiyo kala duwan oo lagaga hor tago khatarta dabka.

Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay In Uu Iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimada Iyo Sababaha Ku Kallifay

Hargeysa (OWN)- Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee Jaamcada Hargeysa.

Waxaana uu sheegay in is casilaadiisu ay salka ku hayso go’aan uu hore u qaatay oo ahaa in uu jaamcada Hargeysa Gudoomiye ka ahaanayo mudo laba sanadaood ah iyo arrimo isaga u gaar ah.

Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa waxa uu iscasilaadiisa kaga dhawaaqay shir’jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadalay arimo la xidhiidha sicaislaadiisa, iyo waxyaabihii u qabsooamya mudadii uu ahaa Gudoomiyaha Jaamcada Hargeysa.

Ugu horay waxa uu Dr.Bulxan ka hadalay sababata keenata in uu is casilo isaga oo arintaas ka hadalaya waxa uu yidhi “Laba sanadood ka hor markii aan Gudoomiyha ka noqday Jaamcada hargeysa waxa aan balanqaaday in aan xilkaas hayn doono mudo laba sanadood ah ,taas baan aniga go’aan kayga ahayd in aan u shaqeeyo Jaamacada Hargeysa iyo Dalkaba, taasbaan ku qaatay kuna ogolaaday in aan Gudoomiye noqdo” Sidaana waxa yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Dr.Bulxan in mudadii uu ahaa Gudoomiyha Jaamcada Hargeysa uu u go’ay shaqada Jaamaca isla markaan ay ka baaqdeen hawlo isaga u gaara waxana uu  carabka ku dhuftay in tiraba sadex buug oo isagu uu qorayey oo laba ka mid ay qoraalkoodu u dhamaadeen uu wakhti uu ku daabaco u weeyey, maadaama uu maalin iyo habeenba ku mashquulsnaa shaqada Jaamcada,  waxan uu sheegay in uu imidka uu u noqonayey dhinaca qoraalka iyo shaqadiisii Dakhtarnimo, waxanu intaas ku daray Dr.bulxan in aanu faraha ka laabna doonin dadaalkiisa uu ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisaba.

Waxa kale oo uu ka hadalay Dr.Bulaxan  mudadii uu Gudoomiyaha ahaa iyo hawlihii u qabsoomaya waxan uu sheegay sidatan “Markii aan Gudoomiyaha noqday waxaanu aniga iyo shaqaalihiiba u nimid meel ay shaqo badani taalo, dayn badana lagu leeyahay, u baahan in loo sameeyo saruucdii lagu maamulilahaa, wax badana ay ka dhiman yihiin, sidaa daraadeed waxaanu aad uga dadaalnay in aanu dayntaas bixino waana aanu bixinay, waxa kale oo aanu Jaaamcada ku soo kordhinay Dhismayaal Cusub, Shuruucdii lagu maamulilhaa haday tahay tii dhinaca waxa barashada, maamulka iyo xisaabaadka, waxa kale oo aanu jaamca ku soo kordhinay Qalab tiro badan” sidaana waxa yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxa kale oo uu  Dr.Bulxan ka hadalay mudadii ay Jaamacada Hargeysa ay jirtay iyo marxaladihii ay soo martay isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa ay jaamaca jirtay 10 sanadood, dad badanbaa tacab iyo dadaal soo galiyayey hadaytay Waalid, Macallimiin,Dawlad iyo shacaba, waa jaamacdii labaad ee dalka lag higaliyey, runtii waa lagu faani karaa halka ay maanta marayso, mudadaas ay jiratay ee 10ka sanadood ah iyo halka ay maryso maanta Guul ayey joogataa Jaamcada hargeysi ” sidaan waxa yidhi Dr.Bulaxan.

Waxa kale oo uu ka hadalay Gudoomihii hore  ee Jaamacada Hargeisa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan heerka ay maanta marayso Jaamacada hargeysa waxan uu sheeegay in mudadii uu joogay Jaamaca ay wax badan u qabsoomeen waxa uu sheegay in mudadaas ay jaamacad ku soo kordhiyeen Kuliyada badan oo ay ka mid yihiin Kuliyada Beeraha, Kuliyada Engineerinka, iyo  Kuliyada Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka.

Mar uu Dr.Bulxan ka hadalayey tayada Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Hargeysa  wax hadaladisiika mid ahaa “ waxa imika jooga jaamcada 12 macalin oo ajinabi ah ku waas oo ka qayb qaadana tayada aqoontaardayada ee  luqada Enghlishta, anigu ma aan jeclayn in aan Jaamcada ka tago, laakiin wax aan ka maami waayey in aan ku noqdo shadaydii dakhtarnimo, waxaan maanta aad ugu kalsoonahay in Macalimiinta Iyo Maamulka kale ee Jaamacadu ay ka soo bixidoonaan shaqadooda, kamana tagayo Jamacad si haysata ee waxaan ka tagayaa Jaamcad maamul iyo Ardayaba Meel u wada jeeda” sidaan wax yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxanaau intaas ku daray Dr.Bulxan in ay maanta Jaamacada Hargesa leedahay Maamul madaxbanaan isago arintaas kahadalayana waxauu yidhi sidan “ Waxaanu jaamcada u samaynay Gudi xula ah oo tayo leh ku waas oo aad wax u taraya Jaamacada Waxa gudidaas ka mida Madaxweyne ku xigaaenkii Hore Md.Axmed Yuusuf ,Gudoomiha Shirka TELESOM Cabdikariim Maxamed Iid, Meereeyaha Shirkada Dahabshiil , Md.Cabdirashiid Maxmed Saciid, Gudoomiha Sirkada DAALLO Arlines Md.Colaad , Sheekh Aaadan Shiiro, Dr.Cismaan Axmed, Xasan Bulbul, dadkaas oo ah dad aqoon leh wax ay jaamacada taraan maahee aan waxa ugu baanahay” sidaana wax yidhi Dr.Xeseen cabdilahai Bulxan.

Burco: Warbixin Ku Saabsan Sayladda Xoolaha Ee Magaalada Burco iyo siday isugu duba dhacdye

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilada S-land Oo Shacabka Somaliland ka Dalbay inay ka Cafiyaan Guuldarrooyinka Waxqabadkii Laga Filanayey Golaha + Xog-waran Ku Saabsan Wax-qabadka Wakiilada

Hargeysa (burcotoday)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shacabka Somaliland ka dalbay inay ka cafiyaan guuldarrooyinka soo wajahay waxqabadyadii laga filayey golahooda muddadii shanta sanno ahayd ee ay codka dadweynaha kuraasta ku fadhiyeen oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin.

Md. Samaale waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya ku siiyey shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga hadlay dareenkiisa ku wajahan dhammaadka muddo-xileedkii shanta sannadood ahaa ee la soo doortay mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ku eg Jimcaha maanta ee taariikhdu tahay 29 October 2010.

Waxa kaloo Guddoomiye-ku-xigeenku uu waraysigaas kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin damaciisa siyaasiga ah, guulaha iyo guuldarrooyinka soo wajahay Golaha Wakiillada muddadii shanta sannadood ahayd ee uu jiray iyo qodobo kale oo la xidhiidha xaaladda dalka.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ku saabsan aragtidiisa la xidhiidha dhammaadka muddada xilka golihiisa iyo farriinta uu shacabka soo doortay u gudbinayo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Waxaan bulshada ugu mahadnaqayaa kalsoonidii iyo codkii ay na siiyeen golahayaga Wakiillada, waxaan leeyahay Alle haydin ka abaal-mariyo in golahan gole ka wanaagsan idinku beddelo oo intaanu qabanay in ka badan qabta. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu bulshada samir iyo iimaan ka siiyo turun-turooyinka iyo dhibaatooyinka maalin walba taagan ee laga yaabo dooroshooyinka badan ee dib u dhacay sal kau yihiin oo wax badan oo ay filaysay inay gaadho aanay gaadhin, waxaan leeyahay Illaahay cawil khayr qaba inuu ha idiinku beddelo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo ka hadlayey guulaha golahoodu gaadhay muddadii shanta sannadood ahayd ee ay codka dadweynaha ku fadhiyeen, waxa uu yidhi; ““Haddii aan ka warramo waxqabadkii Golaha Wakiillada. Golaha Wakiilladu intii ay joogeen waxay ansixiyeen 21 xeer oo mid walba marka goluhu ansixinaayo waxa uu qaataa muddo dheer, xeerarkaas oo xukuumadda amma goleyaashu soo ururiyaan.

Waxa kaloo ka mid ah waxqabadka golaha safarro badan ayuu dibadda ugu baxay oo guddiyadiisa iyo shirgudoonkiisuba ugu baxeen, kaasoo lagu casuumay shirar caalami ah – Yurub iyo Ameerikaba iyo meelo kale oo ah booqashooyin rasmi ah oo qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland.

Sidoo kale waxa oo xusid mudan in goluhu galay heshiisyo caalami ah oo uu soo hirgeliyey, heshiisyadaas oo ay ka mid yihiin kii uu golaha shir-gudoonkiisu la soo galeen hay’adda AWEBA ee Baarlamanka Afrika oo runtii Nairobi lanagu casuumay shir ay lahaayeen barlamaannada Afrika iyo kuwa Yurub, shirkaas oo aanu gebegebadiisu aannu ku soo saxeexnay heshiiska dhismeyaasha cusub golaha ee waqtigan dhammaadka ah oo aan odhan karo runtii waa waxyaabaha golahan lagu xasuusan doono mustaqbalka.

Dhismahaasi waxa ku baxday lacag ilaa $300,000 (saddex boqol oo kun) oo dollar waxay ahayd deeq la siiyey golahan, goluhuna wuu ugu talogalay inay taariikhi ka hadho. Waxa raaca taas in qalabayn ay isla AWEBA hirgelin doonto lacag dhan $100,000 (boqol kun oo dollar) oo iyadu ku bixi doonto, waxayna ka mid yihiin waxyaabaha u hirgalay golaha oo aan odhan karo raggii golaha loo soo doortay in aanu jirin nin guri daba ka dhistay xildhibaana, balse ay ka tagayaan dhismahaa dhaxal-galka u ah golaha dambe.

Sidoo kale goluhu intaa uu jiray marxal badan buu Somaliland kala dabbaashay oo uu hirgeliyey in nidaamka wadatashiga iyo ismaqalku Somaliland ku soo noqdo oo aanay ka leexan waddadii ay socotay.”

Md. Samaale oo shacabka reer Somaliland uga cudurdaaranayey waxqabadyadii bulshadu ka sugayeen Golaha Wakiillada ee ku fashilmay, waxa uu markale yidhi; “Guud ahaan golahan iyo rag badan oo ka mid ah may doonayn in muddo loo kordhiyo, waxaynuse ognahay in golahan muddadiisu dhammaatay tii oo doorashooyin badan oo kale ay dib uga dhaceen, dabadeedna saamayn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada ee dib u dhacday tii Golaha Wakiillada.

Waxaynu soo gaadhnay in muddadii Golaha Wakiilladu dhammaad tahay, doorashadii Golaha Wakiillada oo iminka dalka ka qabsoomi kartaana aanay jirin.

Waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland wixii aannu qabanay ee wanaag ah Illaahay baannu abaal kaga doonaynaa, wixii dhaliilo ah ee golahaasi yeeshay muddadaas cafis baannu ummadda ka weydiinaynaa. Waan ogahay in golahaygu dhaliilo badan yeeshay amma duurufo badan oo adag ka horyimaadeen iyo wax badan oo bani’aadamnimadu keentayba way jiraan, taasna Illaahay iyo ummaddaba dembi-dhaaf baanu ka weydiisanaynaa, ummaddana waxaannu leenahay qof kastoo bani’aadam ah oo shaqo qabtaa dhaliil buu yeeshaa, dhaliilaasha uu yeeshana ummadda arkaysa, wax shakhsiyaddiisa noqda, wax duruuf ka horyimi sababto iyo wax duruuf dalka ahba sababto.

Waxaan aaminsanahay in Golaha Wakiilladu wax qabtay, wax badan oo laga sugaayeyna duruufo badan oo ku gedaamnaa uu u qaban kari waayey. Waxa xusid mudan heshiisyo badan oo xukuumaddii Rayaale gashay oo aan golaha la horkeenin, waxyaabihii muranku ka dhici jiray baanay ka mid ahaayeen. Xukuumad kastaa heshiis way geli kartaa, laakiin waxa laga rabaa uun in heshiis kasta oo ay xukuumaddu gasho inay golaha hor keento, goluhuna uu xaqiijo, wixii dalka dan u ahna laysla qaato, wixii aan dan u ahayna laga joojiyo, xukuumadda cusubna waxaan ka rajaynaynaa in heshiiska ay geli doonto in ay hor keento golaha, isagoo madaxweynuhuna ballanqaaday.”

Mar uu ka jawaabayey su’aal kale oo la xidhiidha hankiisa siyaasadeed iyo inuu markale isu soo sharraxayo xubinnimada Golaha Wakiillada doorashada soo socota, waxa uu ku jawaabay; ““Marar hore oo badan waan sheegay. Horta doorashadu wax sahlan maaha qofka markuu doorashada soo arkana Illahow meel dambe hay geyn buu odhanayaa.

Shacabka reer Somaliland run ahaantii si weyn baan ugu mahadnaqaa, intaa aan siyaasadda ku jiray ilaa bilowgii ururrada siyaasiga ah siday mar walba ii taageeraayeen, anigoo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, isagoo ka mid ahaa ururradii ugu dambeeyey ee la aasaaso markiibana kaalinta labaad ku guuleysto iyo sidoo kale doorashadii madaxtooyada codkii qiimaha lahaa ee ay nagu siiyeen ee kalmadda aannu kaga codsanay. Doorashadii taa ka dambaysay ee aan shakhsiyan isku soo sharraxana codkii aad I siseen Illaahay haydinka abaal-mariyaan leeyahay oo run ahaantii ahaaa mid aad u ballaadhan.

Maalin alla maalinta la yidhaa barlamaan kale doorashadiisu ha bilaabanto, waxaan caddaynayaa in aanan diyaar u ahayn doorasho barlamaan hadday guddoomiye tahay, iyo hadday ku-xigeen tahay iyo hadday xubinnimo tahayba, horene waan u sheegay dareenkayga haddii Illaahay ina gaadhsiiyo doorasho madaxweyne iyo wixii la mid ah dareenkeeda iyo hankeeda waan leeyahay, Illaahay baana tawafiiqda haya, ummadduna iyadaa codkeeda dhiibanaysa, markaa damacaasi wuu igu jiraa markasta, laakiin waqtigeeda ha la gaadho.

Waxaan shacabka u sheegaya inaan qof walba oo reer Somaliland oo ummadda isu soo taaga, aniga mansabka madaxweynaha uun buu damac iga hayaa, kaasna waxaan diyaar u ahay inaan cid kastoo igaga habboonaata ku taageeri doono oo aan dhisi doono, damaca iyo hanka igu jiraana maaha mid idho la’, mana aha mid khasab ah, hungurigayguna waa kursiga ugu sarreeya Somaliland ee madaxtooyada.

Shanta sanno ee hore waxaan dhisayaa xisbiga KULMIYE iyo ciddii talada haysa, shanta dambena ciddii Illaahay gaadhsiiyo, ha noqoto cid KULMIYE ka soo jeeda oo Cabdicasiis iyo qayrkiiba ha noqotee amma cid xisbi kale ka soo jeeda ayaan dhisayaa.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha oo la weydiiyey shirguddoon ahaan sida ay u arkaan dhibaatooyinka aadka culus ee shacabka Somaliland kala kulmeen qiimo-dhaca ku yimi sarrifka lacagta doollarka Maraykanka iyo qiimo-korodhka maceeshadaha la quuto ee daruuriga ah, arrintaas oo xukuumadda iyo ganacsatadu masuuliyadeeda isku riix-riixaan, waxa uu yidhi; “Ummadda aad iyo aadbaan ula dareemayaa, waayo ka midbaan ahay, waxa ummadda dhibaato haysataana waa dhib la dareemi karo, masuul kasta oo reer Somaliland way saaran tahay, waayo doonibaynu wada saaranahay.

Dollarku inuu jabaa inaga qiimo ayey inoo yeelan lahayd, laakiin waxay ahayd in maciishadu la jabto oo lacagteennu kacdo, balse marka maciishadiina kacday, dollarkiina jabay labadaasi wax isqaban waayey ayey noqotay aad baanan runtii uga xumahay dhibaatada ummaddayda haysata oo waan la damqanayaa, waayo ka mid baan ahay.

Wasaaradda Maaliyadda arrintaas aad baan ugala hadlnay, Guddoomiyaha Baankana si weyn baannu ugala hadalnay shirguddoon ahaan, waddadeediina way qaadeen, waxaanan rajaynaynaa marka hore sicirka dollarka iyo maciishada la sugo, ascaarka kacaysana aad iyo aad loola tacaalo oo laysku dayo runtii dadkeennu 90% waa dad dan yar ah, waananu la xannuunsanaynaa, waananu la dareemaynaa, ilaa madaxweynahana waannu kala hadalnay.

In neefka adhiga ah ee maanta jooga $50 dollar uu laba gadbadood iyo saddex gadbadoodba gooyo eyey hayd, laakiin hadduu gadbad goyn waayo wax alle wax uu qiimo neefka qaaliyoobay yeelanayaa ma jirto, wax alle wixii aannu ka qaban karno gole ahaan waannu ka qabanaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Saturday, October 30, 2010

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayd!

Hargeysa (burcotoday)- Laba sano ayaa ka soo wareegay maalintii sadan oo kale wax u dhaceen,Waxay ahay maalin arbaca ah taakhiikhduna tahay 29-october-2008 Goorsheegtuna ay cagacagaynayso  abaaro 10kii subaxnimo, markii ay sadex gaadhi oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sila markaan ay wadaan dad naftooda hurayaal ahi ay falal argagixisonimo ka fuliyeen sadaex goobood oo kamida caasimada somliland ee Hargeysa.

Falalskaas ay geysteen dadkaas naftooda huray ayaa waxa ku nafwaayey in ka badan 25 qof, ismalarkaana waxa ku dhaawacmay in ku dhaw 40 qof, sidoo kalena waxa ku bur-buray hanti aad u badan oo aan cadadkeeda la aqoon ilaayo hada.
Hawlgalkii ugu horeeyey ayaa wax uu ka dhacay xarunta hayada Qaramada midoobay u qaabilsna barnaamijka horumarinta  ee (UNDP), halaas oo uu  galay baabuur ah  nooca loo yaqaan (land caruser) oo ay saarnaayeen laba naftood hure , si xoogay ayaa ay ku galeen gudaha dhismaha ay dagantahay hayada UNDP, ka dibna waxa uu ku qarxay dayrka gudihiisa, halkaas oo ay ku nafwaayeen qaarkamida ciidankii ilaada xafiiska hayda, ma aanay jirin cid ka mida saraakiisha sar-sare ee hay’ada oo ku dhaawacmay ama ku nafwaayey falkaas.
Hawlgalkii labad ayaa waxa laga fuliyey xaruntii xasfiiska ganacsi ee Dawalda Ethopia ku lahayd magaalda Hargeysa, falakan oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, waxa ay ku nafwaayey badi ciidankii ilaala xafiiska iyo sidoo kalean dad fiisayaal ka doonayey xafiiska, ku waas oo qaarka mid ay xaalad caafimaad u tagayeen wadanka Ethopia, halka ay kuwo kalena aroos ahaayeen isla markaan ay dalxiis u tagilahyeen wadankaas.
Halgalka sadaxaad waxa ay bartilmaameed sadeen kooxani falalkan fulinayey Xarunta Qasriga Madaxtooyda halkaas oo uu markaas ku sugnaa Madexweyhii Hore ee Somaliland Md . Daahir Rayaale Kaahin, waxa xooga minido ka dib  qaraxii labaad ayaa uu baabuur (saref ) ah uu si xooga ugu galay albaaka labaad ee Qasriga Madaxtooyda, waxna halkaas ku nafwaayey, xildhinaano, Cuqaal,saraakiil sare oo ka tirsanaa Madxtooyda ku waas oo uu ku jiray Xoghaytii Gaarka ahaa ee Madaxweynaha Marxuum Daahir X Cali Iid, iyo askar badan oo ka mid ahaa ciidankii ilaada Madaxtooyada.
Nasiib wanaag ma ay dhicin sii ay dooonaysay cidii falaksaa ka damabysa, waxay ka badabaaday falalkaas Madaxweynihii Somlailand ee waqtigaas Md.Daahir Riyaale Kaahin oo waqtigaas ku soo socaday xafiiskiisa, halka Xoghaytiisii Daahir Cali Iid oo talaabooyin yarka horeey Madaxweynaha uu halkaas ku nafwaayey.
Waxa sodoo kalena maalintaas nasiib lahaa Madaxweyne ku Xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin uu safar shaqo ugu maqnaa Gololka Awdal, waxana baabaya oo dhulka la sinmay xafiiskiisii, sidoo kalena waxa halkaas ku nafweyday Xoghaytii xafiiska Madaxweyne ku xigaanka.
Markiiba wax si qaysatay buuqa,Qaylada,uurada,Baroorta,Dhawaaqa gaadhiga adeega degdaga ah,(Ampalaice)ka, waxa ay dadku u dareeren dhinaca ay waxa u filanayeen, waa dareen aad u xanuun badnaa, runtii kuna sawiran in badan qaluubtooda, waa dareen aad u naxdib badanaa, waxa uu ahaa dareen aad u murugolahaa, waa dareen aad u dhibadnaa, waxa uu ahaa dareen aan lagu soo gudbinkarin sawirkii  maalintaas ka dhacay goobahaas iyomarkii dhaawicii oyo maydakiiba lagu soo daldalayey  Cisbalaaka Guud ee magaalda Hargeysa,
Markiiba waxa  Dadkii ku waxa yeeloobay dhibtaas wax loola cararay Cisbitaalka Guud ee Magaalda Hargeysa waxaay shaqaalhi iyo madaxdii Cisbitlaakuba Guntiga dhiisha iskaga dhigeen, waxa ay muujiyeen dadaal, dulqaad, samir iyo dhabar-adag , waxanay badbaadiyeen intii ay badbaadin karayeen ee Ilaahay Nolol u qoray.
Waxaan la ilaabi Karin Qudbadii uu maalinatas jeedyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Dhaahir Rayaale, isagoo ku dhawaaqay in heegan sare la galiyey dhamaan ciidamada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in la soo weerary amaanka iyo qarinmada Somaliland, sidoo kalena waxa uu shacbig ku dhiiri galiyey in ay indhaha furaan, aadna ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.
Maxaa ka Dhashay Falalkaas?
Sida caadiga ah hadii la weeraro wadan oo laga fuliyo falal Argaxixisonimo, aduunku wuxuu siiyaa taageerooyin sida Dhaqlaaha,Sirdoonka,Tababarka Ciidamada IWM.
Nasiib daro markii ay falakasi ka dhaceen somaliland Beesha caalamku marka laga reebo wadanka aynu walaaha nahay ee Djbouti iyo dalka ay jaarka iyo saaxiibada weynaba nahay ee Ethtopia waxa ay doorteen dariiq ka duwan kii la mari jiray, waxnay doorteen in aanay somaliland wax taageero ah u fidin.
Sidoo kalean taageero ay siiyaan sikaba daaye waxa ay Qaramda Midoobay hoos u dhigatay heerka amaanka ee Somaliland, kaa oo ahaan jiray darajda 3aad, waxan laga dhiga heerka 4aad, ee halbeega qiyaasta amaanka ee qaramda midoobay.
Isku soo wada xooriyoo Dhacadasaas dhacaday 29-October-2008dii waxay u dhacada si aad uga  duwan sii ay doonayeen oo ahay din aanay jirin wax daboo la yidhaaho SOMALILAND, laakiintaas ma ay dhicin oo Somaliland waa ka badbaaday Dabinkaas loo soo maleegay waxaanah gaadhay darajo aad u weyn.
Ugu dambaytii su,aasha aan si weydiinayo bulshada u soo bandhagyo ayaa waxa ay tahay Halkay ku dabaysay Baadhistii lagu hayey sidii iyo cidii ka dambaysay Falalakas?
Miyaanay  ahayn in is buuxada umadu u ogaato cidii ka damabasay falakaas?
Miyaany ah ahayn in la ogaado halkii ay ku dambeeyeen Agoomihii ay aabayaashood ku nafwaayeen falakaas?
Miyaanah ahay in la ogaado in la ogaado Duca laynooga soo dhacay?
Miyaanay ahayn in laga taxadaro in ay taas oo kale dib u dhacdo?
Ka hortaga in ay dib u dhacaan falalkaas oo kale Ma waxa ku egtahay kaabadaha Shubka ah ee la hordhigay Madaxtooyda iyo Wasaarada Arimaha Gudah mise waa arin u baahan in la darso oo laga yeesho siyaasad mug dheerleh?
Dhamaan su,aalahaas iyo kuwo kale oo uu si weydiinayo qofkastoo reer somaliland ahi waxaan Jawaabahooda u Dhaafayaa Bulsha weynata Reer Somaliland.

Dhacdo Xusuus Muddan!!

 

Hargeysa (OWN)- Sannadguuradii 2-aad Ee Ka Soo Wareegtay Qaraxyadii Naxdinta Iyo Amakaagga Lahaa Ee 29-kii October 2008 Qoomay Hargeysa.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office

Daariq Casiis & Laba Mas,uul oo Kalle oo Cunto Joojin Sameeyey Kadib Markii Maxkamada Sare Ee Dalka Iraq Ay Ku Xukuntay Dil Talaadadii

IRAQ(burcotoday)- Qareenka lagu magacaabo Badiic Cizat Caarif oo u doodayey ku xigeenkii hore ee Madaxweynihii dalka Ciraaq DAARIQ CASIIS ayaa sheegay in isaga iyo laba mas,uul oo kalle ay ka soomeen ama joojiyeen cuntada kadib markii maxkamada dalka Ciraaq ay ku xukuntay Mas,uuliyiintaaa dil,

Qareenka Caarif oo ku sugan dalka Urdun ayaa sheegay in Daariq Casiis iyo Laba mas,uul oo kalle oo kalla ah Sacduun Xamdaan & Cabdi Xamuud inay joojiyeen Cuntada iyagoo ka cabanaya go,aanka ay maxkamada sarre ee dalka Ciraaq ay ku xukuntay dillka Nimankaa mas,uulyiinta ka ahaa daalkaa Ciraaq,
Qareenka ayaa sheegay inuu Telefoon ka helay Qoyska Sacduun isla markaana ay u sh eegeen in loo diiday inay soo booqdaan Mas,uulkaa iyagoo markii hore Maalin walba oo jimce ah soo booqan jirey, Maxkamada sare ee dalka Ciraaq ayaa soo saartay xukun dil ah oo ay mas,uuliyiintaa ku xukuntay Talaadadii hore,
Daariq Casiis oo ah nin Kiristaan ah isla markaana ahaa madax weyne ku xigeenkii hore ee dalka Ciraaq ayaa Xukunka dilka ah ee lagu xukumay uu keenay dhaleeceyn badan oo ka imanaysa caaalamka iyadoo Baadariga Diinta Masiixiga uu ka dalbaday xukuumada Ciraaq inaan dilkaa lagu fulin Daarq Casiis oo 74 jir ah,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

SAWIRKA MAANTA. Warshadda kalluunka Ee Laasqorey Daawada Sida Ay u Shaqeyso

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caaalamiga Ah Ee burcotoday Waa Warshada Kaluunka Ee LAASQOREY oo Kalluunkeeda Loo iib Geeyo Xitaa wadamada carabta, Warshadaa oo Bur Bur Xoog Leh Kasoo Gaadhay Dagaaladii Soomaaliya Ayaa Waxaa Dib u Habeyn Ku Sameeyey Dad Qurba Joog Ah oo Kasoo Jeeda Deegaankaa Iyagoo Markii Ay Ku Da,daaleen Ka Shaqeysiiyey,





SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Bandhig Faneedkii Somali- Week Ee Xalay Ka Dhacay Magaalada London Oo Lagaga Hadlaayey arimaha mustaqbalka dhaw ee Soomaaliland.

London(burcotoday)-Bandhig faneedka Soomaalida ee maalmahanba ka socdey bariga magaalada London ayaa xalayto waxa uu ku saabsanaa dhinaca siyaasada Soomaaliland iyo mustaqbalka dhow Somaliland: What next?,waxaana kasoo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo siyaasada Somaliland aad u xiiseeya.

Madaxda Ingiriiska ah ee madasha joogtay oo ahaa kuwa had iyo jeer u ololeeya qadiyada Soomaaliland ayaa waxa ka mid ah DR Anna Lindsey oo ah macalimad wax ka dhigta jaamacad ku taala dalkan Ingiriiska ,ayaa madasha kasoo jeedisay hadalo  aad u muhiima oo dhinacyo badan taabanaya,sida ganacsiga iyo horumarka dalkan,Waxa kale oo ay sheegtay in dadka qurba jooga ahi ay wax weyn ka bedeli karaan noloshooda,
Dr Mickael Walls, waa khabiir ku takhakhusay arimaha geeska Afrika, sidaaa si leegna ah saxiib reer Somaliland leedahay,had iyo jeerna u lafa xayta arimaha Somaliland.Waxa nuxurka hadalkiisa ka mid ahaa in Somaliland ay horumar la taaban karo sameysay oo dhinacwalba leh,haday noqoto mid siyaasadeed iyo mid ganacsi,iyo mid nabad galyoba,isagoo weliba sheegay in hadii la doonaayo in ganacsatada waweyn ee aduunka ay Soomaaliland maalgashadaan ay muhiim tahay in amaankeda la siku haleyn karo. Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliland ay u bahan tahay in ay marka hore intaan ictiraaf la gaadhin loo ogolaado sidii ay mucaawanadeeda iyo wixii khusaaya si toosa loogu soo mariyo.

John Hill,oo isna ah nin ganacsade ah oo dhawaan booqasho ku tagay Soomaaliland uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Soomaaliland booqasho ku tago oo uuna wax aqoona u lahayn Soomaaliland, lakiin uu soo arkay dal dhisan  si weyna loogu soo dhaweyey Soomaaliland,uuna la kulmay Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Siilaanyo iyo qar ma mid ah dawladiisa.
Waxa isna madasha joogay Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo uu dhawaan Madaxweynaha Soomaliland uu u magacaabay lataliyaha maxadweynaha ee arimaha caalamiga iyo aqoonsiga Soomaaliland.Waxa uu si wanagsan uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Soomaaliland oo martay iyo doorashadii ugu danbeysay ee inoogu dhacdey sida wanaagsan,waxa kale oo uu dawlada Ingiriiska u sheegay in markii ay Soomaaliland jogeen ee ay la dagaalamayeen cadowgooda aanu caawin jirnay,iyaguna waa dawlada Ingiriiskee ay marka aanu ku nidhahno ictiraafka nala raadiya ay nagu yidhahdaan,horta dawladaha Afrika kasoo dhameysta,waxa kale oo uu carabaabay in haweenka reer Soomaaliland ay yihiin lafdhabarta dalka ayna ku leeyihiin dawlada cusub laba wasiir.

Markii danbe waxa dadkii meesha joogay ay su’aalo weydiiyeen madaxdii Igiriiska ee meesha joogtay,iyaga oo si wanagsan uga jawaabay kuna dhamaatey jawi qurux badan .
Xamse Ahmed Salaan
London
Hamse100@gmail.com





SAWIRKA MAANTA. Awr Baarqab Ah oo Ku Dhex Xaragoonaya Kalligii Magaalada Burco

Sawirka Maanta Ay Idiin soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa Awr Baarqab Ah oo Kalligii  Si Fiican u Dhex Taxaashaya Magaalada Burco, Bal Nalla Daawada Baarqabkaa Ay Isu Gaadhay & Xaragadiisa

Wednesday, October 27, 2010

Sheekh Saqar Bin Maxamed oo Ahaa Xaakimkii Ras Al- Khiima oo Maanta Geeriyooday & Wiilashiisa oo Xukunka Midba Gooni u Sheegtay

RAS AL-KHIIMA(OODWEYNENEWS)- Dalka Imaaraadka waxaa maanta ku geeriyooday Xaakimkii magaalada ama gobolka Ras Al-Khiima Sheekh Saqar Bin Maxamed Al – Qaasimi oo xukumayey magaalaadaa ilaa sanadkii 1948, Sheekh Saqar oo maata subaxnimadii geeriyooday ayaa ku dhintay 92 jir,
Madax weynaha dalka Imarateka Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al – Nahyaan ayaa tacsi u diray shacabka Imaaraadka iyop qoyska uu ka geeriyooday marxuumku, Madax weynaha Imaratka ayaa sheegay in dalkaa la fasixi doono mudo Todobaad ah calanak dalkaana hoos loo dhigi doono mudadaa,
Sheekh Saqar Bin Maxamed Al -Qaasimi ayaa ahaa Raggii Asaasay Dalka Imarate-ka carabta ee midoobay isagoo ahaa nin qeyb weyn kasoo qaatay dalkaa oo ka kooban Todoba gobol oo isku darsaday sidii ay u midoobi lahaayeen isla markaana ay u sameysan lahaayeen dowlada Federaal ah, Sheekh Saqar ayaa isagu xaakim ka ahaa gobolka Ras Al- Khiima oo isagu dhaqaale ahaan ka yar marka loo Eego Gobolada Abu Dhabi IYO Dubai & Shaariqa,
Jagadan uu ka dhintay Sheekh Saqar ayaa loo magacaabay Wiilkiisa Sheekh Sacuud Bin Saqar oo ahaa dhaxal sugaha jagada Xaakimka ee gobolka Ras Al -Khiima, Laakiin Dhinaca kalle Sheekh Khalid Bin Saqar oo ah wiilka ugu weyn ee uu dhalay sheekha dhintay oo 67 jir ah ayaa sheegay inuu isaagu yahay Xaakimka sharciga ah ee gobolka Ras Al- Khiima, Sheekh Khaalid ayaa ahaan jiray wixii ka horeeyey sanadkii 2003 dhaxal sugaha gobolkaa laakiin sheekha iminka dhintay ayaa ku bedelay walaalkii oo ka yar oo ah Sheekh Sacuud kadib markii ninka weyn ee Sheekh Khaalid uu inta badan isaaga maqnaaan jirey dalka Dibadiisa. Halka ninka yaar uu ka shaqeyn jirey horumarka gobolkaa ,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

SAWIRKA MAANTA. Laba Riyaad oo Dusha Ka Saaran Gaadhi Syraf Ah Si Ay Geedka u Daaqaan

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa Laba Riyood oo dhakada uga baxay gaadhayi Syraf ah si u daaqaan laaca caleenta geed miremire ah  maxaad u malaynaysaa inuu samayn doono ninkii gaadhigani lahaa marka uu soo baxo gaadhigii uu maydhay oo riyo dusha uga baxeen.



Wafti Meqaamkiisu Sareeyo Oo Ka Socda Dalka Denmark Oo Maanta Booqosho Ku Yimi Somaliland + Kulan Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiiro

Hargeysa (burcotoday)- Wefti culus oo uu hogaaminayo Wasiirka Horumarinta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark Mr. Sorn Pind, ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland.

Weftigan oo ka soo degay gegadda dayuuradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, Madax sar sare oo dawlada ka mid ah iyo Taliyaasha ciidank booliska Somaliland.
Weftigan oo la dejiyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay halkaas kula kuleen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo wasiiro ka tirisan Xuluumadadiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaana ujeedada weftigani tahay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen xaalada Somaliland iyo mashaariic kala duwan oo dawlada Denmark ka waddo Somaliland, isla makaana kulanka dhex-maray Masuuliyiinta Somaliland waxa ay kaga wada hadleen arrino si gaar ah u taabanaya Waxbarashada, Caafimaadka, Miino-saarka, Biyaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Silaanyo ayaa weftiga uga xog-waramay taariikhdii kala duwanayd ee ay Somaliland soo martay, doorashooyinkii waddanka ka dhacay iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee waddanka ka hana-qaaday, isla markaana waxa ay u iftiimiyey waxyaabaha kala duwan ee Somaliland u qasoomay muddadii ay jirtay.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu weftiga u sheegay arrimaha biyo-kam-dhibcaanka ah ee Somaliland uga baahan tahay waddanka Denmarka inuu ka caawiyo sida horumarka, nabadgelyada, Maamul-wanaaga iyo guud ahaan kaalmooyinka beni’aadamnimo, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu dawlada Dermark uga mahadceliyey kaalmada ay mar walba la garab taagan tahay Somaliland.
Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna weftiga u gudbiyey proposals ay ku qoran yihiin mashaariic kala duwan oo ku saabsan horumarinta Somaliland iyo arrimaha ko-ku-xusan ee ay labada dhinac ka wada hadleen.
Gebi ahaanba saaka waxa aad loo adkeeyay ammaanka jidka dheer ee isku xidha garoonka diyaaradaha Cigaal iyo madaxtooyada oo ahayd meesha weftiga lagu soo dhawaynayay.

Burco: Suldaan Daakir oo Ka Tirsan Beelaha La Hayb Sooco ee Gabooyaha oo Maanta Shir jaraaid ku Qabtay Magaalada Burco

Denmark Oo Qadiyada Somaliland Soo Hordhigtay Ururka Midawga Europe Una Ololaynaysay Aqoonsi 2003-gii Ayaa Talyaanigu Toos Uga Horyimi

DENMARK(burcotoday)- Maqaal Taariikhi iyo Siyaasi-ba ah oo aad u dheer oo waliba dhinacyo badan kaga waramay Taariikhda, Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Gooni isu taaga iyo Aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa ku soo baxay Wargays Caan ka ah Denmark oo layidhaahdo POLITIKEN.

Wargayska ayaa bishii June 15-keedii 2003-gii Dabacay Maqaal Siyaasi ah oo uu Ciwaan uga dhigay ILAYSKA YAR EE GEESKA AFRIKA KA BIDHAAMAY.
Maqaalka waxa Qoray Suxufi u Dhashay Denmark oo layidhaahdo Jesper Strudsholm, Suxufigaas oo Socdaal ku tegay Somaliland iyo Somaliya-ba markii uu Uruurinaya Faaladan iyo mid kale oo iyana aad u dheer oo uu ka Qoray Somaliya.
Mudane Jesper wuxuu Qoraalkiisii ku Bilaabay, Xilligu waa Arooryo hore ama Saalad hore Meeshuna waa Tuulo yar oo layidhaahdo Boon, kuna taala Waqooyigii Somalia oo Toban Sano ka hor isku dayday in Dunida inteeda kale ka iibiyaan in layidhaahdo JAMHUURIYADA MADAXABANAAN EE SOMALILAND.
Tuuladda Boon waxa ka dhacaayey Dabaylo yar oo aad ku tilmaami karto in ay ka soo Doogeen Colaadihii lana kulmeen Xilligan Nabada iyo Dib-udhiska.
1991 ayey Somaliland kala soo noqotay Xoriyaddeedii Somaliyadii kale kuna tidhi Maca-Salaama iyada oo Laftimeereed ka daba tuurtay Dagaal Oogayashii Koonfurta.
Siyaasadda Hogganka Somaliland.

Hogaanka Somaliland ayaa ku Hawlan arrimaha la Xidhiidha Aqoonsi la’aanta ku Habsatay Dalkoodaa yar.

Edna Adan Ismail oo ahayd Wasiirka Arimaha Bulshada markaa uu waraystay Suxufigu Sawirkeeduna ku soo baxay wargayska ayaa tidhi “Waanu u Caddaynay Mawqifkayaga Siyaasiga ah iyo Buuxinta Shuruudaha Qaranimo Ururadda Caalmka sida UN-TA, OAU iyo Ururka Jaamacadda Carabta”.
Dhaqaalaha iyo Dakhliga soo gala dalka.

Todoba meelood meel ahaan Kharashkii ku baxay samayntii Film-ka la yidhaahdo* The Matrix reloaded ayey u Dhigantaa Miisaaniyada Somaliland oo ah 100 Million oo krone (19 Million US Dollar).

Miisaaniyadaas oo inta badan loo isticmaalaayo arimaha Nabadgelyada.

Caawimada Debeda Iyo Masaariiftada ay Qurbe-joogu soo diraan ayaa Dakhliga Dalku ku tiirsanyahay.

Tartankii Doorashadda Madaxweynenimada oo lagu kala Guulaystay tiro aad u yar oo mar lagu sheegay 80 cod marna lagu sheegay 400 oo cod.
Dhaqaalo Xumida ka jirta S/land waxaad ka Garanaysaa Dabaaldegii maalintii 18 May oo La xusaayey Xornimadii Madaxbanaanida Dalka.
Munaasibadaa oo uu joogay Madaxweyne Dahir Rayaale ayey Wasiiradiisu ku Fadhiyeen Salaamadda Sibidh-ka ah iyagoo xataa awood u waayey in ay ku fadhiistaan Kuraasi Caag Ah.Wasiiradda oo aan dan ka lahayn waxa ay ku fadhiyeen iyo Qaabka u fadhiyeen ayaa Dhegaha u furay Heesihii Wadaniga ahaa ee Qiirada xambaarsanaa oo ay soo lalinayeen Samaacadihii Qaylada dheeraa ee ku xeeraa Goobta lagu Dabaaldegayo.
Dadweynihii ka soo Qaybgalay Dabaaldega iyo Masuuliyiintii Dawlada ayaa Dhamaantoodba U arkayey in Dabaaldegii si fiican u dhacay Maadaamaa laga Badbaaday Shirqool iyo Minjo-xaabin laga baqaayey in ay ka yimaadaan Xisbigii Cartamaayey ee Mucaaridka ahaa ee ku Gooldaraystay Tartankii Doorashada.
Mudane Rayaale oo ku Guulaystay tiro aad u yar ayaa loo adeegsadaa Murti Somali ah oo Tidhaahda ( Nin la sigay ma Nabadgalin).
Waxa kale oo jira ama soo shaacbaxay in Dhalinyaro fara-badan oo aan Qaangaadh ahayn Xaqna u lahayn in ay codeeyaan iyo waliba Dad kale oo badani ay Afar-Afar jeer Codeeyaan, Xisbigay doonaanba ha siiyaan Codkoodee.
Taasina waata keentay in Xisbiyadii Mucaaridka ahaa mid ka mid ah ay Xumaddiisu Cirka Isku Shareerto, Arintana uu Gaadhsiiyo Maxkamadda Sare iyo waliba Dareen Cabsiyeed oo ku Salaysan Dagaal Qabiil.
Argtida Aqoonyahanada ee ku jahaysan Doorashadii Madawynaha.

Hogaanka Xisbiyada Mucaarid-ku waa Muwaadiniin Dalkooda jecel anaguna waa ognahay iyana waa ogyihiin Dhibaatada Dagaalka.

Codkayagii ayaanu siinay…..laakiin Codkayaga u maanu siinin in ay Madaxnimo ku Diriraan oo Xaalad Qalafsan Dalka ka Abuuraan, Somaliland waxa ay ku Qotontaa Isu-Dulqaadda Qadarin Huwan, Sidaa waxa yidhi Ismail Mohamed Abdi oo ah Aabe 9 Caruurahi ugu Dhalatay intii Dalku Nabada dhadhamiyey.
Mudane Ismail oo iminka ah Hogaamiyaha ururka Badbaadada Caruurta Somaliland ayaa waxa uu Guursaday Xilligii oo Dalku Colaadaha iyo Qaska ku jiray, isaga oo ka Faa’idaysanaaya in aanu bixin Yarad-ka faraha badan ee la kala Qaato wakhtiga caadiga ah ee Nabadu jirto.
Astaamaha Qarnimo.
Somaliland waa u dhanyihiin Astaamihii Qaranimo, sida Calan, Golahii Shacabka iyo Kuwii Degaanka, Lambarkii Gaadiidka, Lacag u gaar ah oo uu Sicirbarar ku habsaday.
Boorame, dadka faro ku tiriska ah ee Jaamiciyiinta ah ee ku soo laabtay Dalka si Ay u furaan Jaamicaddii u horaysay ee dalka laga furo, waxa ka mid ah Mudane Sulieman Ahmed Guuiled.
Goobta jaamicadda ama dhismaha ayaa ahaa Dugsi sare oo 1950-tamadii uu Taliskii Ingiriisku dhisay.

Maktabadda Jaamicadda ayaa ah meesha kaliya ee laga helo 80,000 oo Buug marka loo Eego Dhulka ay deggenyihiin Dadka Afka Somaaliga ah ku hadlaa.
Halka aanu Maktabadaa weyn ka leenahay, Mogdishu waxay leedahay Bakhaaro waa weyn oo Hub khatar ku ah Geeska Afrika oo dhan lagu kaydiyo.
Nabadi Dalkayaga waa ka jirtaa…..laakiin Noloshu Nabada oo kaliya ma aha, dadkana shaqo la’aan ayaa haysata, waxa aanu ku qancinaa waa Rajo, sidaa waxa ku waramay Mudane Sulieman.
Xidhiidhkii dhexmaray Dawladihii ka jiray Denmark iyo Somaliland Sanadkii 1997 ee Abuuray Fadeexadii la magac baxday KA GANACSIGII BINU-AADANKA.
Dawladii uu hogaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M.Ibrahim Egal Sanadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Danish krone (8 million Dollar) Iyadoo lagu magacaabaayo Mucaawino iyo Dib- udajin loogu deeqayo dadkaa la soo celinaayo.
Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirkaa ku shareerantay. Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku Canbaareeyey in uu Heshiis la galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar oo uu hogaaminaayo Qabqable Dagaal, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magac ah KA GANACSIGA BINU-AADANKA.
Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ……Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone.
Muddo ka bacdi markii Xiisadii dantay oo la iska ilaawey arintiiba ayaa Dawladii Denmark si dadban oo hoos-hoos ah Hawshii u Fulisay, Maamulkii Somaliland-na Qayb libaax laga siiyey lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu talo-galay, isla-markaana 14 Qof oo Somalilander ah laga soo celiyey Denmark oo lagu keenay Hargaysa sife Qasab ah.
Qaramada Midoobay iyo Qadiyada Somaliland.

Ku adkaysiga Somaliland ee Madaxbanaanideeda ay ku adkaysanayso, waxa uu ka dhawaajiyey Hogaanka UN-ta u Qaabilsan arimaha Somalia.

Mr Maxwell Gaylard oo ahaana jiray Agaasimihii Siyaasada ee ururka British common wealth.
Mr Maxwell ayaa yidhi Somaliland waxa ay u shaqaynaysaa sida wanaagsan ee wadamo badan oo Common Wealth-ka ahi uga Faa’idaysanayaan Arimaha Aayahooda Mustaqbal, Mr Maxwell isaga oo hoosta ka xariiqaya Eraga AQOONSI ayuu yidhi…..Taasi waxa ay toos u khusaysaa wadamada xubnaha ka ah ururka…..lakiin UN-ta institution-keeda ma hoos i manayso.
Denmark oo Urruka Midawga Europe soo hordhigtay Qadiyada Somaliland una Ololaysay Aqoonsi, Ayaa Talyaanigu si toos ah isu Hortaagay.
Talyaaniga oo gumaysan jiray koonfurta Somalia ayaa si toos ah isu hortaagay ololihii Denmark ka dhex waday ururka Midawga Europe ee ay ugu raadinaysay Aqoonsiga Somaliland, Europe ayaa iminka (officially) ku jahaysan in shirka dib-u- shiisiinta ee konfurtu cagaha dhulka ugu Qotominaayo somalia.

Waa deg-deg in iminka laga hadlo MADAXBANAANI iyada oo si xoogan loo Maalgaliyey in Somalia laga soo saaro Hoga, taasi cilad iyo daxal ayey ku keenaysaa mashiinkan soconaaya sidaa waxa yidhi Giorgio Giacomelli oo ahaa Danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Somalia iminkana ah la-taliyaha ku Gadaafan Shirka dib-u-heshiisiinta ee Somalida.
Isaga oo farta ku fiiqaaya Mr, Giorgio Somaliland iyo Puntland ayuu yidhi, Damaca MADAXBANAANIDU Waxa uu keenayaa isku dhac Goboleed sida Dagaal Xuduudeedka ka oogan Ethiopia iyo Eriteria ee ka dhashay Madaxbanaanidii Eriteria.
Dhamaad………………

Markiib-dagaal Oo Ingiriisku Leeyahay Oo Maanta Ku Soo Xidhey Dekeda Berbera.

Berbera (burcotoday)- Maraakiib-dagaal oo ah nooca  waa-weyn ee diyaaraduhu ka duulayaan oo uu leeyahay Dalka Ingiriisku, ayaa maanta si lama filaan ah ugu soo xidhee meel u dhaw  Dekeda magaalada Berbera.

Sida ay dad goob joog ahi xaqiijiyeen waxa ay maraakiibtaasi joogaan meel u dhaw marsadaay ku xidhaan maraakiibtu, waxaana ka dul haadaya diyaarado Helicapter ah oo fadhiistay Madaarka Berbera iyo gudaha Dekedda, sidoo kale waxa iyana ka soo degay maraakiibtaasi laashash kale oo iyana ku soo xidhay dekedda.

Ilaa hada ciddamadaasi kama ay hadal xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku toona, lamina garanayo ujeedada dhabta ah ee ay u yimaadeen, balse waxa ay u egtahay sida ay dadka goob jooga u ah dhacdadaasi sheegayaan inay yihiin Ciidamo badan oo wada hawlgalo baadhis iyo sahamin ah isugu jira.

Saraakiishii la socotay maraakiibtaas iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil gaar ahaan saraakiisha Ciidanka Badda ee Somalilanbd oo halkaas kulan ku dhex-maray, ayaan illaa hadda si rasmi ah loo ogayn waxay kawada hadleen.

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

SAWIRKA MAANTA: Dameer Weyn oo Dameer Yar U Awood Sheeganaya

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews Waa  Dameer weyn oo Dameer yar u awood  sheeganaya badhtamaha suuqa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.






SAWIRKA MAANTA EE SHABAKAADA CAALAAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Laanta Afka Soomaaliga Ee B.B.C-da Oo Beenisay In Yuusuf Garaad Cumar Uu Xilkiisii Waayay “Yuusuf Garaad Waa Ku Xigeenka Madaxa Laamaha Afrika Iyo Madaxa Laanta Afka Soomaaliga” Kaati Ciise‏

London (burcotoday)– Shabakadda wararka ee Oodweynenews ayaa maanta waxay khadka telefoonka kula xidhiidhay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi weriyayaasha idaacaddu ay ku guda jireen diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ee Idaacadda laanta afka Soomaaliga oo baxa abaaro 12:00 wakhtiga dalka UK kuna beegan 14:00 duhurnimo ee wakhtiga Geeska Afrika.

Shabakadda Oodweynenews oo khadka telefoonka ku heshay wakhtigaasi Kaati Ciise oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi ku guda jirtay diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ayaan ugu horayn waxaan weydiiyey bal inay ii xaqiijiso inuu shaqadiisii waayey (redudancy) Madaxii laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-du Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxaanay iigu jawaabtay “Yuusuf Garaad waa ku xigeenka madaxa laamaha Afrika iyo Madaxa laanta afka Soomaaliga Idaacadda B.B.C-da wuxuuna ka tirsanyahay Soo saarayaasha qaybta adduunka la hadasha ee World Service, walaal warkaasi waa mid aanay waxba ka jirin, Haddii uu soo baxana cidda uu ka soo baxo ee xaqiijin lahayd waa Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da waxaananu ka sii dayn lahayn baahimayaga kala duwan sidii aanu hore uga sii daynay markii uu shaqada ka fadhiisanaayey Madaxii hore ee laanta afka Soomaaligu Maxamed Cabdilaahi 1998-kii” ayey tidhi Kathy Ciise oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-du
Kaati oo aan haddana Weydiiyey bal inay faah faahin iga siiso Dhimistii ay Xukuumadda wadaagga ah ee  Britain ku dhintay Miisaaniyaddii qaybta adduunka la hadasha ee B.B.C-da ee loo yaqaano BBC WORLD SERVICE inay saamayn ku yeelan karto laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da waxay ku jawaabtay “haa walaal arrintaasi way jirta waxaa lagu sameeyey kharashkii miisaaniyadda ee qaybta World Service Dhimis, waxaana la filaya inay taasi saamayso laamo badan oo albaabada loo xidho, laanta afka Soomaaliguna waxay sugi doonta bal inay taasi saamayn ku yeelato iyo inkale, weli ma hubno inay na saamayn doonto iyo inkale, balse waxaanu warbixin ka sugayna madaxa sare ee Qaybta World Service.
Kathy Ciise ayaan weydiiyey inuu laanta ka tagay Soo Saarahii Barnaamijyada ee Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da Aadan Nuux Dhuulle waxaanay iigu jawaabtay “Walaal Aadan waa kani i ag fadhiya isagaana barnaamijka maanta soo saaraya, dee halkeed adigu warka ka keentay, haddii uu Tagayo waxaanu ka tabin lahayn Idaacadda oo sidii aad Siciid Cali Muuse u maqasheen ayaa loo maqli lahaa” ayey tidhi Kathy.
Warkani ayaa wuxuu ka danbeeyey hadal hayn maalmahii ugu dabeeyeyba si weyn loo hadal hayey oo tibaaxaysay in dhimista baaxadleh ee Dawladda wadaagga ah ee Britain  ku samaysay miisaaniyadii qaybta la hadasha BBC-da Adduunka  ee World Service inay saamayn ku yeelatay qaabkii Maamul ee laamaha ka tirsan BBC World Service.
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBc-da ayaa waxaa la aas aasay dabayaqadii 50-meeyadii wakhtigaasi oo Gumaystahii ingiriisku uu ku xukumaayey dhulka Somaliland, waxyaabaha ugu waaweyn ee loo sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Dagaalkii qabooba ee u dhexeeyey dalalka reer Galbeedka iyo Midawga Sovietka oo adduunyada raad weyn ku reebay isla markaana dunida u kala gooyey laba waaxood oo loo kala yaqaanay Galbeedka iyo Beriga ayaa sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa in dadka afka Soomaaliga ku hadla ay dalalka reer Galbeedku kasbadaan.
Laanta ayaa waxay shaqaynaysay muddo ka badan 50 sannadood waana Idaacadda labaad ee ugu da’da weyn Idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla iyadoo Idaacadda Radio Hargeysa la aas aasay sannadkii 1945-kii, tobankii sannadood ee ugu danbeeyey ayaa waxaa hadheeyey laanta afka Soomaaliga ee B.B.C-da khilaafyo soo dhex gallay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad iyo Weriyayaal Mihnadda Warbaahinta caan ku ahaa oo Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga kaga soo horeeyey Yuusuf, weriyayaal badan ayaa laanta ka huleelay kuwaasi oo badankood loo malaynaayo in khilaafkaasi saameeyey.

Volcano ka qaraxdey dalka Indonesia oo ku dishey 17 qof .

Jakarta(burcotoday) Qarax Volcano oo ka qarxay badhtamaha gobolka java ee dalka Indonesia ayaa ku diley 17 qof,waxaa kaloo ku dhaawacmey 39 qof oo kale kadib markii qiiqa kulal ee foolkaanuhu u soo gaadhsiiyey waxweelo dhanka neefsashada ah ,qaraxan foolkaanaha yaaa dhacay galanimadii salaasada(shaley) ,waxa kaloo la sheegaya in ku dhawaad 15,000 oo qofi ay ka qaxeen guryahoodii.


“lix iyo toban qof ayaa meydkoodi laga heley isla goob keli ah iyadoo ay dabooshey hanbas ,ilmo yar oo kalena wuxu ku sii dhintey jidka intii lagu sii wadey cusbitaalka” sida waxa sheegey mr Yogyarkata oo ka tirsan xafiiska ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah.

inta badan dadkan ay waxyeeladu kasoo gaadhey ayaa jidhkoodu gubtey isuna bedaley madow sida laga arkey muuqaaladii ay televisionadu soo gudbinayeen.

mr Yogyarkata wuxuu kaloo intaas ku darey in 39qof oo kale lagu daaweynaayo cusbitaalada dhibaato kasoo gaadhey neefsashada iyo weliba dhaawacyo kale, sidoo kale dadkii deegaankaas ay ka dhacdey foolkaanuhu ku noola ayaa looga rarey deegaano ka durugsan oo ilaa 10km u jira buurtaas ay foolkaanuhu ka qarxey.
wuxuu kaloo intaas raaciyey iney jiraan ku dhawaad 15,000 oo qof oo loogayey dhul ka durugsan goobsaas isla markaasna gaboodo looga dhigey xerooyinka ciidamada iyo iskuulada ,halka qaarkelina loo dhisey teendhooyin gabood ahaan loo adeegsan karo.
sidoo kale waxay waxyeelo aad u weyni kasoo gaadhey dhirtii iyo deegaankiiba kadib marki ay dhirtii gubatey oo danbaska noqotey ,buurta uu ka qarxay foolkaanuhu oo joogeedu ahaa 2,968 oo mitir ayaa sadexjeer uu foolkaanahani ka qarxey markii ugu horeyseyna waxay ahayd galabnimadii salaasada wakhtiga jakarta markii ay ahayd 5:02 Pm.
televisionada ayaa laga arkaayey dad lugahooda kaga yaacaaya goobaha khatarta ah ee u foolkahani ka qarxey iyo weliba qaar baabuurta yar yar iyo kuwa xamuulka ahba isticmaalayey si ay uga fogaadaan khatarta ka imaneysa qaraxa foolkaanaha.
sida ay sheegayaan saraakiishu waxa ilaa hada jira 40,000 oo qof oo weli ka agdhow goobta ay ku taalo buurtan uu foolkaanuhu ka qarxey .



foolkaanihii ugu danbeeyey ee buurtan ka qarxey wuxuu ahaa 2006kii isago ku diley laba qof ,tii kasii horeyseyna waxay  ahay 1994kii halkaas 60 qof ku dhinteen tii ugu horeyseyna waxay ahayd 1930kii oo dad gaadhaya 1,000 ku dhinteen.

ugu danbeyn dalka Indonesia ayaa ku yaala jiid uu ku badanyahay foolkaanuhu loona yaqaano THE PACIFIC RING OF FIRE waxaana laga diiwaangaliyey ilaa 129 foolkaano iney ka dhaceen .