Tuesday, November 9, 2010

Safiirka Somaliland Ee Kenya oo Beeniyey Koox Shalay Shir Ku Qabatay Nairobi oo Sheegay Inay Magiciisa Ku Hadlayaan

WAR MURTIYEED

 SAFAARADA JAMHUURIYADA SOMALILAND EE DALKA KENYA
Safiirka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya ee dalka Kenya wuxuu halkan hambalyo iyo bogaadin kal iyo lab ah oo aad u balaadhan uga dirayaa  madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti mudane Ismaciil Cumar Geele oo si diiran ugu soo dhaweeyay dalkiisa waftigii balaadhnaa ee uu  hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Ahmed Mahamed Mahamoud (Siilaanyo) ee booqashada rasmiga ah ku tagay dalka Djibouti.
Dhanka kale war murtiyeedkan wuxuu safiirku ku beeninayaa koox shalay oo taariikhdu ahayd 7/11/2010  ku qabatay shir jaraa id magaalada Nairobi gaar ahaana warkooda laga baahiyay TVga Horn Cable oo sheegtay inay ku hadlayaan magaca safiirka Mudane Mahamed Ahmed Nuur (indhabuur) iyo waliba kan  jaaliyada Somaliland ee dalkan Kenya kuwaas oo aan wax xil iyo masuuliyad aan u hayn  safaarada iyo waliba jaaliyada,  kooxdan ayaa ku sheegay magacyadooda Faadumo dp iyo Ahmed Safari.
Guntii iyo gebogabadii warmurtiyeedkan wuxuu ku wargalinayaa  dhamaan saxaafada Somaliland in  ay iska hubiyaan baahinta wararka ay soo gaadhsiiyaan dad qayru masuul ah  ee iyagu caadaystay sheegashada xilal aanay umada u hayn isla markaasna ka shaqeeyaa  kala qaybin iyo isku dir bulshada dhexdeeda ah.
ALLAA MAHAD LEH
 Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Kenya
H.E. Mahamed Ahmed Nuur (Indhabuur)

0 comments:

Post a Comment