Wednesday, November 3, 2010

Budhcad Badeed Soomaali Ah Oo Afduubay Muwaadiniin U Dhashay Dalka Britian Dooni ay wateen

Muqdisho(burcotoday)-  Wasaarada Arimaha dibada Britain ayaa sheegay in ay xukuumadooda ka war heshay wararka sheegaya afduubka sadex muwaadiniin British- ah oo saarnaa dooni yar oo nooca dalxiiska ah,waxaana uu sheegay haatan in ay wadaan baadhitaano.

Sadexda qof ee British-ka ah ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa watay dooni nooca dalxiiska ah,waxaana laga afduubtay xeebaha jasiirada Seycheles ee badweynta India, Andrew Mwangura madaxa badmaaxiinta bariga Afrika ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay dhinacooda xaqiijiyeen afduubka doonida dalxiiska ah,iyadoona ay Budhcad badeeda Soomaalida ah ay ka qab sadeen meel aan aad uga fogayn xeebta jasiirada Seycheles ee badweynta India.
Waxa uu Andrew Mwangura sheegay in aanay xaqiijin Karin magaca doonida iyo nooca dadkii la afduubtay rag iyo dumar,waxaana uu sheegay in ay wadaan baaritaan arintaasi ku aadan, Afduubka muwaadiniinta British-ka ayaa imaanaya xili ay weli gacanta Budhcad badeeda ay ku jiraan lamaanihii British-ka Paul iyo Richel Chandler oo ay mudo sanad ah haatan u dhamaatay kadib markii ay Octobartii aynu soo dhaafnay ay Burcad badeedu qabsadeen.

0 comments:

Post a Comment