Wednesday, November 3, 2010

Booliska Ruushka oo Qabtay Wiil Dhalinyaro Ah oo Kusoo Dhuuntay Taayirka Diyaarad Dalkaa Laga Leeyahay Isagoo Ka Bad Baaday Falkaa Ismiidaaminta Ah

MOSCO(burcotoday)- Booliska dalka Ruushka ayaa sheegay maanta inay qabteen Wiil dhalinyaro ah oo ku soo dhuuntay Taayirka diyaarad dalkaa laga leeyahay, Wiilkan ayaa diyaaradaa ku soo dhuuntay isla markaana kusoo safray Sanduuqa Taayirka diyaaradu ku xaroodo,

Wakaalada wararka Ruushka  ee RIA Novosti ayaa sheegtay in wiilkaa oo 17 jir ah laga hellay Taayirka diyaarada markii ay soo fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kiirinsk, Diyaaradan oo ahayd Nooca N-24 ayaa wiilkaasi ku soo dhuuntay Taaayirka diyaarada isagoo nabad qab kusoo gaadhay garoonkii ay diyaaradu fadhiisanaysay,
Booliska oo aan sheegin wadanka uu u dhashay wiilkaasi iyo halka uu diyaaradaa kasoo raaacay ayaa sheegay in markii ay wiilkaa helleen ay ku yaaleen dhaawacyo kasoo gaaadhay Qabow badan oo ku dhacayey jidhkiisa iyo Ogsajiinta oo ku yaraatay laakiin uu ka bad baaday falkaa ismiidaaminta ah ee uu kusoo dhuuntay Taayirka diyaaradaa,
Wiilkaa ayaa warku sheegay in loo gudbiyey isbitaalka si,xaalaadiisa caafimaad loo baadho loona daweeyo iyadoo Boolisku ay qacanta ku hayaaan isla maarkaana ay su,aallo weydiindoonaan iyo waxa ku kalifay iyo halka uu ka yimi,

0 comments:

Post a Comment