Thursday, November 11, 2010

Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia Oo Kulan La Yeeshay Shir Gudoonka Labada Gole Ee Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland

Hargeysa (OWN)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Wadamada  Somaliland iyo Somalia Augustine Mahiga ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay shir gudoonka laba gole ee Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland.

Kalankan  oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada ee Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in labada dhinac kaga wada hadleen dhixiidhka u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland, shirkan ayaa markii uu dhamaaday waxa saxaafada ugu waramay waxyaabihii ay ka wada hadeen labada dhinac,   u qaabilsanaha Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.

Mr. Augustine Mahiga waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Baarlamaanka Somaliland sidii sare loogu qaadi lahaa Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay, isaga oo arintaas ka hadalaayna waxa uu yidhi “Socdaalka aan ku imid Somaliland waxa la xidhiidhaa Isbarasho maadaama uu safarkaygani uu yahay kii ugu horeyeey ee aan ku imaado Somaliland, wax yaabaha ugu mihiimsan ee aanu ka wada hadal nay Gudoonka Baarlamaanka waxa ka mida sidii oo xoojinlhaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi iyo dawlada Somaliland”.

Waxa kale oo uu sheegay dareenkaiisa ku wajahan safrkiisa uu ku imid Somaliland waxans uu yidhi  “ waxaan ku faraxsanahay horumarka laga sameeyey dhinacyada Dumuquraadiyada, Nabada, Xasiloonida,iyo Daganaashaha ka jira Somaliland” sidaana wax yidhi Mr. Augustine Mahiga

Waxa kale oo ay Mr. Mahiga ay saxaafadu waydiisay wararka sheegay in Qaarkamida Xafiisayada Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee loo soo rarayo Somaliland ay hoos tagi doonaan Dawlada TFG, waxana uu sheegay in anuu jirin wax qorshe ah oo ay Qarmada Midoobay doonayso in ay xafiisyada loo soo rarayo Somaliland la hoos geeyo Maaamulka TFG.

Dhanacooda ayaa ay Shir gudoodka labada Gole ay ugu war bixyeen Saxaafada wax yaabihii ay ka wada hadleen Ergayga, waxna ay sheegeen in ay ka wada hadleen sidii ay Jimciyada Quurrmuhu ay Somaliland u siin lahayd Kaalimo Horu marineed oo toosa maadaa ma ay Somaliland ka baxday Sandooqa Gargaarka dagdaga, ah isla markaana ay ugudubtay  Heerka Horumarinta.

Gudoomiyha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxmuud Aaadan oo Saxaafada la hadalayey ayaa waxa uu sheegay in ay kala hadleen Mr. Mahiga shaqaaqada ka taagan Deegaanka Sanaag bari yo jabahada laga aas aasayo Deegaagaanka Buuhoole, isaga oo arintaas ka hadalayna waxa uu sheegay Md.Saleebaan sidan “waxan kala hadlaynay ninkaasi dhibaatada ka taagan Gobolada bari hadii ay tahay Argagixiso iyo budcadbadeeda, waxanu muhiim ah in arinmhaasi laga wada shaqeeyo, ,mida kale waxanu u sheegay in aanaan anagu wax dhibaato ah ku hayn Punland balse ay iyadu Dhibaato weyn nagu hayso sida dhinaca amniga” Sidaana waxa yidhi Gudoomiye Saleebaan Maxmuud Aadan.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Gudoomihaya Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) waxana uu sheegay in ay labada dhinac kulankoodu ku dhamaday is afgarasho, wax uu intaa ku daray in uu u sheegay Mr. Mahiga in ay Somaliland ku talaabsatay Guulo badan waxana uu sheegay in warbixta uu u gudbinayo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uu arintaas ku xusi doono.

Ugu dambaytiina waxa uu Md. Ciro sheegay in Master Mahiga u sheegay in ay Somaliland Aqoonsi  caalimaya ku gaadhi karto iyada oo ilaashata nabadeeda iyo mid nimadeeda, siina kordhiso dhinacyda kala duwan ee horu marka Dalka.


Saddam Mahomed Ahmed

Oodweynenews/Hargeysa Office

Sadam151@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment