Sunday, November 7, 2010

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Si Xun Ula Dhaqmay Weriye Ka Tirsan Warbaahinta Somaliland

Hargeysa(burcotoday)- AFhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir Maxamed [Cukuse], ayaa si ka baxsan anshaxa warbaahinta ula dhaqamay weriye Khadar Cali Xuseen [Khadar-shiine] oo ka tirsan bahda Ramaasnews.com.

Falkan oo shalay ka dhacay garoonka diyaaraha Cigaal Internation Airport ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweyne Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ay ka soo laabteen safarkii dalka Jabuuti.

Afhayeenka oo ka mid ahaa xubnaha weftiga, ayaa markii ay soo degeen waxa ay warbaahintu kala hororsatay sidii sawiro iyo muqaalo uga qaadi lahayd madaxweynaha iyo weftigiisa, markaas oo Afhayeenku isku deyayey inuu hagaajiyo nidaamkii goobta oo ay dad aad u fara badan iyo warbaahintii isku murgeen, isla markaana looga baahnaa inuu adeegsado deganaansho iyo masuuliyad, ayaan dhicin, waxaana uu si badheedh ah oo anshaxa ka baxsan uu in cabbaar ah kalladhka jiidayay weriye Khadar Cali Xuseen oo ka mid ahaa weriyaashii faraha badnaa ee halkaas ku sugnaa, isaga oo ku sigtay inuu dagaal la galo afhayeenka, hasayeeshee tirgeliyey mansabka uu ku magacaaban yahay iyo goobta oo ahayd madaxweynaha hortiisa.

Falkan gacan-saarka ah ee uu ku kacay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa qayb ka ah cadaadisyo iyo tacaddiyo ugub ah oo ku kala dhaqmayo Warbaahinta Somaliland, isagoo marar badan oo horena ku hanjabay in Warbaahinta madaxa-bannaan wax laga qaban doono iyo hanjabaado kale.       

Waxa kale oo falkani qayb ka yahay hab-dhaqanno gurracan oo ay muddooyinkan la soo baxeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Silaanyo iyo qaar ka mid ah madaxda Ciidannada Booliska oo aan tixgelin karaamada hawl-wadeenada Warbaahinta Somaliland.

0 comments:

Post a Comment