Sunday, November 14, 2010

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Lamaanihii Britishka Ahaa Ee Afduubka Loogu Haystay Wadanka Somalia Iyo Siidayntooda

Muqdisho(burcotoday)- Lamaaihii u dhashay dalka Britain ee muddado ku siman sanad  ay  Afduubka ku haysteen Burcad badeedda Soomaaliyeed,  ayaa maanta gaadhay   Magaalada Muqdisho,  ka dib markii maalintii shalay xariyadooda loo soo celiyey Labdan qof  ayaa markii ay soo gaadheen madaarka Aadan  Cadde  waxa  ka oo qaaday gaadiidka qufulan ee ciidamda AMISOM, waxa ay geeyeen Xarunta madxtooyda ee Villa Somalila, halkaas oo ay kulan kula yeehsaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Lamaanahan   Paul iyo  Rachel Chandler, waxaana socdaalkooda ku wehliyay Dr. Maxamed Xangul iyo Maxamuud Daahir Qooleey oo ka shaqeeya arrimaha samafalka, waxan ay ka soo kicitimeen Magaalada Cadaado ee badhtamah Soamlia.

Lamaanahaan ayaa waxa Xarunta Madxtooyada loogu qabtay  Xaflada soo dhaweyn ah, waxan ka soo qayb galay  ku simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan,  R/wasaaraha Soomaaliya Md. Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, wasiiro ka tirsan Dowladda iyo xildhibaano.

Raysal Wasaare Farmaajo oo munaasibadaas k hadalay ayaa waxa uu sheegay in ay dawladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan u gashay sidii loo sii deyn lahaa dadkaan haddana ay ku faraxsan tahay xornimada ay heleen.

Paul and Rachel Chandler oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin xornimada ay dib u heleen, waxayna sheegeen in ay dhibaato Jireed iyo mid maskaxeed ay soo gaartay inti ay ku jireen gacanta afduubayaasha, waxayna tilmaameen in aysan ogeyn in madax furasho laga dhiibay iyo in kale.

Lamanatha oo u dhashay wadan Ingriiska ayaa waxa ay mudo sanada iyo dheeraad ah haysatay Budhacad badeed ka afduubteen iyaga oo doon ku lagu dalxiiso ah ku marya Gacanka cadan.

Soo daybata lamaanahay ayaa waxa la sheegay inay masuuliyada isk asaareen dad ka mida qurbo jooga deegaanka cadaado iyo maamula Ximan iyo Xeeb oo deegaankaas ka jira, ilaayo hada ma cada in ay budhcadii haysatay dadkan qaateen waxa madx fuasho ah, balse waxa ay waraku tibaaxayaan in aanay jirin wax madax furasho ah oo la bixyey.

Warakii Ugu dambeeyey ee ku saabsan sii daynta lamaanahaas Ingiriiska ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay galabata gaadheen Magaalada Nirobi ee wadanak Kenya.


 

0 comments:

Post a Comment